1 O o markii Rabbigu doonayay inuu Eliiyaah samada dabayl cirwareen ah ugu qaado ayaa Eliiyaah wuxuu Gilgaal ka raacay Eliishaa.
Y sucedió que cuando el Señor iba a llevarse a Elías al cielo en un torbellino, Elías venía de Gilgal con Eliseo.
2 M arkaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.
Y Elías dijo a Eliseo: Te ruego que te quedes aquí, porque el Señor me ha enviado hasta Betel. Pero Eliseo dijo: Vive el Señor y vive tu alma, que no me apartaré de ti. Y descendieron a Betel.
3 O o qoonkii nebiyada ahaa oo Beytel joogay ayaa Eliishaa u soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ku yidhi, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
Entonces los hijos de los profetas que estaban en Betel salieron al encuentro de Eliseo y le dijeron: ¿Sabes que hoy el Señor te quitará a tu señor de sobre ti ? Y él dijo: Sí, yo lo sé; callad.
4 M arkaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.
Elías entonces le dijo: Eliseo, te ruego que te quedes aquí, porque el Señor me ha enviado a Jericó. Pero él dijo: Vive el Señor y vive tu alma, que no me apartaré de ti. Y fueron a Jericó.
5 O o haddana qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ayaa Eliishaa u soo dhowaaday, oo waxay ku yidhaahdeen, War ma og tahay in Rabbigu maanta sayidkaaga kaa qaadi doono? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ogahaye iska aamusa.
Y los hijos de los profetas que estaban en Jericó se acercaron a Eliseo y le dijeron: ¿Sabes que hoy el Señor te quitará a tu señor de sobre ti ? Y él respondió: Sí, yo lo sé; callad.
6 M arkaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.
Entonces Elías le dijo: Te ruego que te quedes aquí, porque el Señor me ha enviado al Jordán. Pero él dijo: Vive el Señor y vive tu alma, que no me apartaré de ti. Siguieron, pues, los dos.
7 O o waxaa tegey konton nin oo qoonkii nebiyada ahaa ah, oo waxay istaageen meel hortooda ah oo cabbaar ka fog; oo labadoodiina waxay istaageen Webi Urdun agtiisa.
Y cincuenta hombres de los hijos de los profetas fueron y se pararon frente a ellos, a lo lejos, mientras ellos dos se pararon junto al Jordán.
8 M arkaasaa Eliiyaah go'iisii qaaday oo duudduubay, oo biyihii ku dhuftay, iyana xagga iyo xagga ayay u kala qaybsameen, sidaas daraaddeed labadoodiiba waxay mareen dhul engegan.
Entonces Elías tomó su manto, lo dobló y golpeó las aguas, y éstas se dividieron a uno y a otro lado, y los dos pasaron por tierra seca.
9 O o haddana markii ay ka gudbeen, Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, War intaan layga kaa qaadin ka hor i weyddiiso wax aan kuu sameeyo. Markaasaa Eliishaa yidhi, Waan ku baryayaaye ruuxaaga labanlaabkiis ha igu soo dego.
Y cuando habían pasado, Elías dijo a Eliseo: Pide lo que quieras que yo haga por ti antes de que yo sea separado de ti. Y Eliseo dijo: Te ruego que una doble porción de tu espíritu sea sobre mí.
10 I sna wuxuu yidhi, Wax aad u adag baad i weyddiisatay; habase yeeshee haddaad i aragtid markii layga kaa qaado, sidaasay kuu ahaanaysaa, haddii kalese saas ahaan mayso.
Y él dijo: Has pedido una cosa difícil. Sin embargo, si me ves cuando sea llevado de ti, así te sucederá; pero si no, no será así.
11 O o intii ay sii socdeen, oo ay sheekaysanayeen ayaa waxaa u muuqday gaadhifaras dab ah iyo fardo dab ah, oo labadoodii bay kala dhex mareen, markaasaa Eliiyaah wuxuu kor u raacay dabayl cirwareen ah oo wuxuu galay samada.
Y aconteció que mientras ellos iban andando y hablando, he aquí, apareció un carro de fuego y caballos de fuego que separó a los dos. Y Elías subió al cielo en un torbellino.
12 O o Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay.
Lo vio Eliseo y clamó: Padre mío, padre mío, los carros de Israel y su gente de a caballo. Y no lo vio más. Entonces tomó sus vestidos y los rasgó en dos pedazos.
13 M arkaasuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo dib buu u noqday oo soo istaagay Webi Urdun qarkiisa.
También recogió el manto de Elías que se le había caído, y regresó y se paró a la orilla del Jordán.
14 O o wuxuu qaaday Eliiyaah go'iisii ka dhacay, oo intuu biyihii ku dhuftay ayuu yidhi, Meeh Rabbiga ah Ilaaha Eliiyaah? Oo markuu biyihii ku dhuftay ayay xagga iyo xagga u kala qaybsameen; markaasaa Eliishaa ka gudbay.
Y tomando el manto de Elías que se le había caído, golpeó las aguas, y dijo: ¿Dónde está el Señor, el Dios de Elías? Y cuando él golpeó también las aguas, éstas se dividieron a uno y a otro lado, y pasó Eliseo.
15 O o qoonkii nebiyada ahaa oo Yerixoo joogay ee isaga ka soo hor jeeday markay arkeen waxay yidhaahdeen, Eliiyaah ruuxiisii wuxuu ku dul hadhay Eliishaa. Oo intay isagii ka hor yimaadeen ayay hortiisa ku sujuudeen.
Cuando lo vieron los hijos de los profetas que estaban en Jericó frente a él, dijeron: El espíritu de Elías reposa sobre Eliseo. Y fueron a su encuentro y se postraron en tierra ante él.
16 O o iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, War waannu ku baryaynaaye annagoo addoommadaada ah waxaa nala jira konton nin oo xoog leh, haddaba iyagu ha tageen oo sayidkaagii ha dooneen, waayo, waaba intaasoo Ruuxa Rabbigu isagii qaaday, oo uu ku xooray buur dusheed ama dooxo. Oo isna wuxuu yidhi, Waa inaydaan cid dirin.
Y le dijeron: He aquí, ahora hay con tus siervos cincuenta hombres fuertes; te rogamos que los dejes ir a buscar a tu señor; tal vez el Espíritu del Señor lo ha levantado y lo ha echado en algún monte o en algún valle. Y él dijo: No los enviéis.
17 O o way ku sii adkeeyeen ilaa uu xishooday, kolkaasuu yidhi, Dira. Sidaas daraaddeed waxay direen konton nin; oo waxay isagii doondoonayeen saddex maalmood, laakiinse sooma ay helin.
Pero cuando le insistieron hasta la saciedad, dijo: Enviad los. Entonces enviaron cincuenta hombres; y buscaron durante tres días, pero no lo hallaron.
18 M arkaasay u soo noqdeen isagoo weli Yerixoo iska jooga; oo wuxuu ku yidhi, Sow idinkuma odhan, Ha tegina? Bogsiintii Biyaha
Y volvieron a Eliseo que se había quedado en Jericó, y él les dijo: ¿No os dije: “No vayáis”?
19 M arkaasaa dadkii magaaladu waxay Eliishaa ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye bal eeg, meeshay magaaladanu taal way wanaagsan tahay sidaad aragto, sayidkayagow, laakiinse biyuhu way xun yihiin, oo dhulkuna si wanaagsan wax uma bixiyo.
Entonces los hombres de la ciudad dijeron a Eliseo: He aquí, ahora el emplazamiento de esta ciudad es bueno, como mi señor ve, pero el agua es mala y la tierra estéril.
20 I sna wuxuu yidhi, Waxaad ii keentaan weel cusub oo cusbo ku soo shuba. Oo iyana way u keeneen.
Y él dijo: Traedme una vasija nueva, y poned sal en ella. Y se la trajeron.
21 O o isna wuxuu tegey ishii biyaha, oo intuu cusbadii ku tuuray ayuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Biyahan waan bogsiiyey. Oo hadda ka dib ma yeelan doonaan dhimasho iyo waxbixinla'aan toona.
Y él salió al manantial de las aguas, echó sal en él, y dijo: Así dice el Señor: “He purificado estas aguas; de allí no saldrá más muerte ni esterilidad.”
22 S idaas daraaddeed biyihii way bogsadeen ilaa maantadan la joogo, oo way noqotay sidii eraygii Eliishaa ku hadlay. Eliishaa Oo Lagu Majaajilooday
Y las aguas han quedado purificadas hasta hoy, conforme a la palabra que habló Eliseo.
23 M arkaasuu halkaas uga kacay Beytel, oo intuu jidka sii socday ayaa carruur yaryaru magaaladii ka soo baxday oo ku majaajiloodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Bidaar weyne bax, bidaar weyne bax.
Después subió de allí a Betel; y mientras subía por el camino, unos muchachos salieron de la ciudad y se burlaban de él, y le decían: ¡Sube, calvo; sube, calvo!
24 O o isna markaasuu gadaashiisa dhugtay oo arkay iyagii, oo magicii Rabbiga ayuu ku habaaray. Markaasaa dhirtii waxaa ka soo baxay laba orso oo dhaddig oo waxay dildillaacsadeen laba iyo afartan carruurtii ka mid ahaa.
Cuando él miró hacia atrás y los vio, los maldijo en el nombre del Señor. Entonces salieron dos osas del bosque y despedazaron de ellos a cuarenta y dos muchachos.
25 O o isna halkaasuu uga kacay Buur Karmel, markaasuu meeshaas uga noqday Samaariya.
De allí fue al monte Carmelo, y desde allí regresó a Samaria.