Ishacyaah 56 ~ Isaiah 56

picture

1 R abbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

Thus said Jehovah: `Keep ye judgment, and do righteousness, For near My salvation to come, And My righteousness to be revealed.'

2 W axaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.

O the happiness of a man who doth this, And of a son of man who keepeth hold on it, Keeping the sabbath from polluting it, And keeping his hand from doing any evil.

3 S hisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan.

Nor speak let a son of the stranger, Who is joined unto Jehovah, saying: `Jehovah doth certainly separate me from His people.' Nor say let the eunuch, `Lo, I am a tree dried up,'

4 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya

For thus said Jehovah of the eunuchs, Who do keep My sabbaths, And have fixed on that which I desired, And are keeping hold on My covenant:

5 w axaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin.

I have given to them in My house, And within My walls a station and a name, Better than sons and than daughters, A name age-during I give to him That is not cut off.

6 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya,

And sons of the stranger, who are joined to Jehovah, To serve Him, and to love the name of Jehovah, To be to Him for servants, Every keeper of the sabbath from polluting it, And those keeping hold on My covenant.

7 k uwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.

I have brought them unto My holy mountain, And caused them to rejoice in My house of prayer, Their burnt-offerings and their sacrifices for a pleasing thing on Mine altar, For My house, `A house of prayer,' Is called for all the peoples.

8 S ayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey. Cadhada Ku Dhacda Kuwa Diida Talada Ilaah

An affirmation of the Lord Jehovah, Who is gathering the outcasts of Israel: `Again I gather to him -- to his gathered ones.'

9 D ugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.

Every beast of the field, Come to devour, every beast in the forest.

10 W aardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan.

Blind his watchmen -- all of them, They have not known, All of them dumb dogs, they are not able to bark, Dozing, lying down, loving to slumber.

11 E eyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii.

And the dogs strong of desire, They have not known sufficiency, And they shepherds! They have not known understanding, All of them to their own way they did turn, Each to his dishonest gain from his quarter:

12 O o waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.

`Come ye, I take wine, And we drink, quaff strong drink, And as this day hath been to-morrow, Great -- exceeding abundant!'