1 П ідійшли до Ісуса тоді Його учні, питаючи: Хто найбільший у Царстві Небеснім?
Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn?
2 В ін же дитину покликав, і поставив її серед них,
Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi,
3 т а й сказав: Поправді кажу вам: коли не навернетесь, і не станете, як ті діти, не ввійдете в Царство Небесне!
Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan.
4 О тже, хто впокориться, як дитина оця, той найбільший у Царстві Небеснім.
Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,
5 І хто прийме таку дитину одну в Моє Ймення, той приймає Мене.
oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa. Ciise Wuxuu Ka Digay Inaan Dadka Kale La Xumayn
6 Х то ж спокусить одне з цих малих, що вірують в Мене, то краще б такому було, коли б жорно млинове на шию йому почепити, і його потопити в морській глибині...
Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo.
7 В ід спокус горе світові, бо мусять спокуси прийти; надто горе людині, що від неї приходить спокуса!
Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado.
8 К оли тільки рука твоя, чи нога твоя спокушає тебе, відітни її й кинь від себе: краще тобі увійти в життя одноруким або одноногим, ніж з обома руками чи з обома ногами бути вкиненому в огонь вічний.
Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah.
9 І коли твоє око тебе спокушає його вибери й кинь від себе: краще тобі однооким ввійти в життя, ніж з обома очима бути вкиненому до геєнни огненної.
Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.
10 С тережіться, щоб ви не погордували ані одним із малих цих; кажу бо Я вам, що їхні Анголи повсякчасно бачать у небі обличчя Мого Отця, що на небі.
Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.
11 С ин бо Людський прийшов, щоб спасти загинуле.
Waayo, Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu badbaadsho kii lumay. Masaalka Ku Saabsan Laxdii Hallowday
12 Я к вам здається: коли має який чоловік сто овець, а одна з них заблудить, то чи він не покине дев'ятдесятьох і дев'ятьох у горах, і не піде шукати заблудлої?
Maxay idinla tahay, Nin hadduu tiro ido ah leeyahay oo middood ay ka hallowdo, miyaanu sagaal iyo sagaashanka buuraha dushooda kaga tegin oo doonin tii hallowday?
13 І коли пощастить відшукати її, поправді кажу вам, що радіє за неї він більше, аніж за дев'ятдесятьох і дев'ятьох незаблудлих.
Oo hadday noqoto inuu helo, runtii waxaan idinku leeyahay, taas aad buu ugu farxaa si uusan ugu farxin sagaal iyo sagaashankii aan hallaabin.
14 Т ак волі нема Отця вашого, що на небі, щоб загинув один із цих малих.
Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo. Wixii Xumaanfalayaal Loo Samayn Lahaa
15 А коли прогрішиться твій брат проти тебе, іди й йому викажи поміж тобою та ним самим; як тебе він послухає, ти придбав свого брата.
Oo haddii walaalkaa kugu dembaabo, u tag oo canaano, adiga iyo isaga keli ahaantiinna. Hadduu ku maqlo, walaalkaa waad soo ceshatay.
16 А коли не послухає він, то візьми з собою ще одного чи двох, щоб справа всіляка ствердилась устами двох чи трьох свідків.
Laakiin hadduu ku maqli waayo, mid ama laba kale wado, si hadal walba loogu adkeeyo afka laba ama saddex markhaati.
17 А коли не послухає їх, скажи Церкві; коли ж не послухає й Церкви, хай буде тобі, як поганин і митник!
Oo hadduu iyaga maqli waayo, dadka kiniisadda u sheeg, oo hadduu dadka kiniisadda maqli waayona, ha kuu ahaado sida qof aan Ilaah aaminin iyo cashuurqaade.
18 П оправді кажу вам: Що тільки зв'яжете на землі, зв'язане буде на небі, і що тільки розв'яжете на землі, розв'язане буде на небі.
Runtii waxaan idinku leeyahay, Wax alla wixii aad dhulka ku xidhaan ayaa jannada ku xidhnaan doona, oo wax alla wixii aad dhulka ku furtaan ayaa jannada ku furnaan doona. Tukashada Wadajirka Ah
19 Щ е поправді кажу вам, що коли б двоє з вас на землі погодились про всяку річ, то коли вони будуть просити за неї, станеться їм від Мого Отця, що на небі!
Weliba waxaan idinku leeyahay, Haddii laba idinka mid ahu dhulka ku heshiiyaan wax kastoo ay baryaan, way uga noqon doontaa xagga Aabbahayga jannada ku jira.
20 Б о де двоє чи троє в Ім'я Моє зібрані, там Я серед них.
Waayo, meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa. Waajibka Iscafiga Iyo Masaalka Ku Saabsan Midiidinkii Abaaldarnaa
21 П етро приступив тоді та запитався Його: Господи, скільки разів брат мій може згрішити проти мене, а я маю прощати йому? Чи до семи раз?
Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa?
22 І сус промовляє до нього: Не кажу тобі до семи раз, але аж до семидесяти раз по семи!
Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah.
23 Т им то Царство Небесне подібне одному цареві, що захотів обрахунок зробити з своїми рабами.
Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.
24 К оли ж він почав обраховувати, то йому привели одного, що винен був десять тисяч талантів.
Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo talanti uu ku lahaa.
25 А що він не мав із чого віддати, наказав пан продати його, і його дружину та діти, і все, що він мав, і заплатити.
Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.
26 Т оді раб той упав до ніг, і вклонявся йому та благав: Потерпи мені, я віддам тобі все!
Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye.
27 І змилосердився пан над рабом тим, і звільнив його, і простив йому борг.
Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.
28 А як вийшов той раб, то спіткав він одного з своїх співтоваришів, що був винен йому сто динаріїв. І, схопивши його, він душив та казав: Віддай, що ти винен!
Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay.
29 А товариш його впав у ноги йому, і благав його, кажучи: Потерпи мені, і я віддам тобі!
Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye.
30 Т а той не схотів, а пішов і всадив до в'язниці його, аж поки він боргу не верне.
Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa.
31 Я к побачили ж товариші його те, що сталося, то засмутилися дуже, і прийшли й розповіли своєму панові все, що було.
Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan.
32 Т оді пан його кличе його, та й говорить до нього: Рабе лукавий, я простив був тобі ввесь той борг, бо просив ти мене.
Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.
33 Ч и й тобі не належало змилуватись над своїм співтоваришем, як і я над тобою був змилувався?
Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay?
34 І прогнівався пан його, і катам його видав, аж поки йому не віддасть всього боргу.
Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.
35 Т ак само й Отець Мій Небесний учинить із вами, коли кожен із вас не простить своєму братові з серця свого їхніх прогріхів.
Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.