1 Б о Царство Небесне подібне одному господареві, що вдосвіта вийшов згодити робітників у свій виноградник.
Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah.
2 З годившися ж він із робітниками по динарію за день, послав їх до свого виноградника.
Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii.
3 А вийшовши коло години десь третьої, побачив він інших, що стояли без праці на ринку,
Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan,
4 т а й каже до них: Ідіть і ви до мого виноградника, і що буде належати, дам вам.
oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen.
5 В они ж відійшли. І вийшов він знов о годині десь шостій й дев'ятій, і те саме зробив.
Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey.
6 А вийшовши коло години одинадцятої, знайшов інших, що стояли без праці, та й каже до них: Чого тут стоїте цілий день безробітні?
Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin?
7 В они кажуть до нього: Бо ніхто не найняв нас. Відказує їм: Ідіть і ви в виноградник.
Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.
8 К оли ж вечір настав, то говорить тоді до свого управителя пан виноградника: Поклич робітників, і дай їм заплату, почавши з останніх до перших.
Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey.
9 І прийшли ті, що з години одинадцятої, і взяли по динарію.
Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar.
10 К оли ж прийшли перші, то думали, що вони візьмуть більше. Та й вони по динару взяли.
Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen.
11 А взявши, вони почали нарікати на господаря,
Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen,
12 к ажучи: Ці останні годину одну працювали, а ти прирівняв їх до нас, що витерпіли тягар дня та спекоту...
oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii.
13 А він відповів і сказав до одного із них: Не кривджу я, друже, тебе, хіба не за динарія згодився зо мною?
Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin?
14 В ізьми ти своє та й іди. Але я хочу дати й цьому ось останньому, як і тобі.
Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.
15 Ч и ж не вільно мені зо своїм, що я хочу, зробити? Хіба око твоє заздре від того, що я добрий?
Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed?
16 О так будуть останні першими, а перші останніми!
Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay. Mar Saddexaad Ayaa Ciise Sii Sheegay Dhimashadiisa
17 П обажавши ж піти до Єрусалиму, Ісус взяв осібно Дванадцятьох, і на дорозі їм сповістив:
Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,
18 О це в Єрусалим ми йдемо, і первосвященикам і книжникам виданий буде Син Людський, і засудять на смерть Його...
Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem. Wiilka Aadanahana waxaa loo dhiibi doonaa wadaaddada sare iyo culimmada; oo waxay ku xukumi doonaan dhimasho.
19 І посганам Його вони видадуть на наругу та на катування, і на розп'яття, але третього дня Він воскресне!
Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Waxaa La Weyddiistay Derejada Dunida
20 Т оді приступила до Нього мати синів Зеведеєвих, і вклонилась, і просила від Нього чогось.
Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday.
21 А Він їй сказав: Чого хочеш? Вона каже Йому: Скажи, щоб обидва сини мої ці сіли в Царстві Твоїм праворуч один, і ліворуч від Тебе один.
Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.
22 А Ісус відповів і сказав: Не знаєте, чого просите. Чи ж можете ви пити чашу, що Я її питиму або христитися хрищенням, що я ним хрищуся? Вони кажуть Йому: Можемо.
Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa.
23 В ін говорить до них: Ви питимете Мою чашу і будете христитися хрищенням, що Я ним хрищуся. А сидіти праворуч Мене та ліворуч не Моє це давати, а кому від Мого Отця те вготовано.
Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey. Weynaanta Runta Ah
24 Я к почули це десятеро, стали гніватися на обох тих братів.
Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen.
25 А Ісус їх покликав і промовив: Ви знаєте, що князі народів панують над ними, а вельможі їх тиснуть.
Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in quruumaha madaxdoodu ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.
26 Н е так буде між вами, але хто великим із вас хоче бути, хай буде слугою він вам.
Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,
27 А хто з вас бути першим бажає, нехай буде він вам за раба.
oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,
28 Т ак само й Син Людський прийшов не на те, щоб служили Йому, а щоб послужити, і душу Свою дати на викуп за багатьох!
sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo. Ciise Wuxuu Bogsiiyey Laba Nin Oo Indhala'
29 Я к вони ж з Єрихону виходили, за Ним ішов натовп великий.
Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.
30 І ось двоє сліпих, що сиділи при дорозі, почувши, що переходить Ісус, стали кричати, благаючи: Змилуйсь над нами, Господи, Сину Давидів!
Oo laba nin oo indha la' ayaa jidka ag fadhiyey, oo goortay maqleen in Ciise ag marayo ayay qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.
31 Н арод же сварився на них, щоб мовчали, вони ж іще більше кричали, благаючи: Змилуйсь над нами, Господи, Сину Давидів!
Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.
32 І сус же спинився, покликав їх та й сказав: Що хочете, щоб Я вам зробив?
Markaasaa Ciise joogsaday, oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?
33 В они Йому кажуть: Господи, нехай нам розкриються очі!
Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.
34 І змилосердивсь Ісус, доторкнувся до їхніх очей, і зараз прозріли їм очі, і вони подалися за Ним.
Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.