Bilowgii 46 ~ 創 世 記 46

picture

1 M arkaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey.

以 色 列 帶 著 一 切 所 有 的 , 起 身 來 到 別 是 巴 , 就 獻 祭 給 他 父 親 以 撒 的 神 。

2 M arkaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

夜 間 , 神 在 異 象 中 對 以 色 列 說 : 雅 各 ! 雅 各 ! 他 說 : 我 在 這 裡 。

3 M arkaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn.

神 說 : 我 是 神 , 就 是 你 父 親 的 神 。 你 下 埃 及 去 不 要 害 怕 , 因 為 我 必 使 你 在 那 裡 成 為 大 族 。

4 A nigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.

我 要 和 你 同 下 埃 及 去 , 也 必 定 帶 你 上 來 ; 約 瑟 必 給 你 送 終 ( 原 文 作 將 手 按 在 你 的 眼 睛 上 ) 。

5 M arkaasaa Yacquub ka tegey Bi'ir Shebac, wiilashii Israa'iilna waxay aabbahood Yacquub, iyo dhallaankoodii, iyo dumarkoodiiba ku qaadeen gaadhifardoodkii Fircoon u soo diray in isaga lagu soo qaado.

雅 各 就 從 別 是 巴 起 行 。 以 色 列 的 兒 子 們 使 他 們 的 父 親 雅 各 和 他 們 的 妻 子 、 兒 女 都 坐 在 法 老 為 雅 各 送 來 的 車 上 。

6 O o waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;

他 們 又 帶 著 迦 南 地 所 得 的 牲 畜 、 貨 財 來 到 埃 及 。 雅 各 和 他 的 一 切 子 孫 都 一 同 來 了 ,

7 k uwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.

雅 各 把 他 的 兒 子 、 孫 子 、 女 兒 、 孫 女 , 並 他 的 子 子 孫 孫 , 一 同 帶 到 埃 及 。

8 K uwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub.

來 到 埃 及 的 以 色 列 人 名 字 記 在 下 面 。 雅 各 和 他 的 兒 孫 : 雅 各 的 長 子 是 流 便 。

9 W iilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.

流 便 的 兒 子 是 哈 諾 、 法 路 、 希 斯 倫 、 迦 米 。

10 W iilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

西 緬 的 兒 子 是 耶 母 利 、 雅 憫 、 阿 轄 、 雅 斤 、 瑣 轄 , 還 有 迦 南 女 子 所 生 的 掃 羅 。

11 W iilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

利 未 的 兒 子 是 革 順 、 哥 轄 、 米 拉 利 。

12 W iilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.

猶 大 的 兒 子 是 珥 、 俄 南 、 示 拉 、 法 勒 斯 、 謝 拉 ; 惟 有 珥 與 俄 南 死 在 迦 南 地 。 法 勒 斯 的 兒 子 是 希 斯 倫 、 哈 母 勒 。

13 W iilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.

以 薩 迦 的 兒 子 是 陀 拉 、 普 瓦 、 約 伯 、 伸 崙 。

14 W iilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

西 布 倫 的 兒 子 是 西 烈 、 以 倫 、 雅 利 。

15 I ntaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.

這 是 利 亞 在 巴 旦 亞 蘭 給 雅 各 所 生 的 兒 子 , 還 在 女 兒 底 拿 。 兒 孫 共 三 十 三 人 。

16 W iilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.

迦 得 的 兒 子 是 洗 非 芸 、 哈 基 、 書 尼 、 以 斯 本 、 以 利 、 亞 羅 底 、 亞 列 利 。

17 W iilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

亞 設 的 兒 子 是 音 拿 、 亦 施 瓦 、 亦 施 韋 、 比 利 亞 , 還 有 他 們 的 妹 子 西 拉 。 比 利 亞 的 兒 子 是 希 別 、 瑪 結 。

18 K uwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.

這 是 拉 班 給 他 女 兒 利 亞 的 婢 女 悉 帕 從 雅 各 所 生 的 兒 孫 , 共 有 十 六 人 。

19 N aagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.

雅 各 之 妻 拉 結 的 兒 子 是 約 瑟 和 便 雅 憫 。

20 Y uusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa.

約 瑟 在 埃 及 地 生 了 瑪 拿 西 和 以 法 蓮 , 就 是 安 城 的 祭 司 波 提 非 拉 的 女 兒 亞 西 納 給 約 瑟 生 的 。

21 W iilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.

便 雅 憫 的 兒 子 是 比 拉 、 比 結 、 亞 實 別 、 基 拉 、 乃 幔 、 以 希 、 羅 實 、 母 平 、 戶 平 、 亞 勒 。

22 K uwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.

這 是 拉 結 給 雅 各 所 生 的 兒 孫 , 共 有 十 四 人 。

23 W iilashii Daanna waxay ahaayeen Xushiim.

但 的 兒 子 是 戶 伸 。

24 W iilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem.

拿 弗 他 利 的 兒 子 是 雅 薛 、 沽 尼 、 耶 色 、 示 冷 。

25 K uwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.

這 是 拉 班 給 他 女 兒 拉 結 的 婢 女 辟 拉 從 雅 各 所 生 的 兒 孫 , 共 有 七 人 。

26 I ntii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.

那 與 雅 各 同 到 埃 及 的 , 除 了 他 兒 婦 之 外 , 凡 從 他 所 生 的 , 共 有 六 十 六 人 。

27 W iilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.

還 有 約 瑟 在 埃 及 所 生 的 兩 個 兒 子 。 雅 各 家 來 到 埃 及 的 共 有 七 十 人 。

28 M arkaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

雅 各 打 發 猶 大 先 去 見 約 瑟 , 請 派 人 引 路 往 歌 珊 去 ; 於 是 他 們 來 到 歌 珊 地 。

29 Y uusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.

約 瑟 套 車 往 歌 珊 去 , 迎 接 他 父 親 以 色 列 , 及 至 見 了 面 , 就 伏 在 父 親 的 頸 項 , 哭 了 許 久 。

30 I sraa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.

以 色 列 對 約 瑟 說 : 我 既 得 見 你 的 面 , 知 道 你 還 在 , 就 是 死 我 也 甘 心 。

31 Y uusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

約 瑟 對 他 的 弟 兄 和 他 父 的 全 家 說 : 我 要 上 去 告 訴 法 老 , 對 他 說 : 我 的 弟 兄 和 我 父 的 全 家 從 前 在 迦 南 地 , 現 今 都 到 我 這 裡 來 了 。

32 N imankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.

他 們 本 是 牧 羊 的 人 , 以 養 牲 畜 為 業 ; 他 們 把 羊 群 牛 群 和 一 切 所 有 的 都 帶 來 了 。

33 M arkii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay?

等 法 老 召 你 們 的 時 候 , 問 你 們 說 : 你 們 以 何 事 為 業 ?

34 w axaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.

你 們 要 說 : 你 的 僕 人 , 從 幼 年 直 到 如 今 , 都 以 養 牲 畜 為 業 , 連 我 們 的 祖 宗 也 都 以 此 為 業 。 這 樣 , 你 們 可 以 住 在 歌 珊 地 , 因 為 凡 牧 羊 的 都 被 埃 及 人 所 厭 惡 。