Boqorradii Kowaad 5 ~ 列 王 紀 上 5

picture

1 O o Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan u soo diray addoommadiisii, waayo, wuxuu maqlay inay meeshii aabbihiis isaga boqradeen; waayo, Xiiraam weligiisba wuxuu jeclaa Daa'uud.

推 羅 王 希 蘭 , 平 素 愛 大 衛 ; 他 聽 見 以 色 列 人 膏 所 羅 門 , 接 續 他 父 親 作 王 , 就 差 遣 臣 僕 來 見 他 。

2 O o Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,

所 羅 門 也 差 遣 人 去 見 希 蘭 , 說 :

3 W aad og tahay in aabbahay Daa'uud guri u dhisi kari waayay magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, dagaalladii dhinac kasta kaga wareegsanaa aawadood, ilaa Rabbigu u wada geliyey cagihiisa hoostooda.

你 知 道 我 父 親 大 衛 因 四 圍 的 爭 戰 , 不 能 為 耶 和 華 ─ 他 神 的 名 建 殿 , 直 等 到 耶 和 華 使 仇 敵 都 服 在 他 腳 下 。

4 L aakiinse haatan Rabbigu waa iga nasiyey dhinac kastaba, oo lama arko cadow iyo wax xun toona.

現 在 耶 和 華 ─ 我 的 神 使 我 四 圍 平 安 , 沒 有 仇 敵 , 沒 有 災 禍 。

5 O o waxaan damacsanahay inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah, sidii Rabbigu u sheegay aabbahay Daa'uud, isagoo leh, Wiilkaaga oo aan dabadaa carshigaaga ku fadhiisin doono ayaa magacayga guri u dhisi doona.

我 定 意 要 為 耶 和 華 ─ 我 神 的 名 建 殿 , 是 照 耶 和 華 應 許 我 父 親 大 衛 的 話 說 : 我 必 使 你 兒 子 接 續 你 坐 你 的 位 , 他 必 為 我 的 名 建 殿 。

6 H addaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.

所 以 求 你 吩 咐 你 的 僕 人 在 利 巴 嫩 為 我 砍 伐 香 柏 木 , 我 的 僕 人 也 必 幫 助 他 們 , 我 必 照 你 所 定 的 , 給 你 僕 人 的 工 價 ; 因 為 你 知 道 , 在 我 們 中 間 沒 有 人 像 西 頓 人 善 於 砍 伐 樹 木 。

7 O o markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.

希 蘭 聽 見 所 羅 門 的 話 , 就 甚 喜 悅 , 說 : 今 日 應 當 稱 頌 耶 和 華 ; 因 他 賜 給 大 衛 一 個 有 智 慧 的 兒 子 , 治 理 這 眾 多 的 民 。

8 M arkaasaa Xiiraam Sulaymaan u cid diray oo wuxuu ku yidhi, Waan maqlay farriintii aad ii soo dirtay; oo waan yeelayaa waxaad doonayso oo ku saabsan qoryaha kedarka ah iyo qoryaha berooshka la yidhaahdo.

希 蘭 打 發 人 去 見 所 羅 門 , 說 : 你 差 遣 人 向 我 所 提 的 那 事 , 我 都 聽 見 了 ; 論 到 香 柏 木 和 松 木 , 我 必 照 你 的 心 願 而 行 。

9 O o addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.

我 的 僕 人 必 將 這 木 料 從 利 巴 嫩 運 到 海 裡 , 紮 成 筏 子 , 浮 海 運 到 你 所 指 定 我 的 地 方 , 在 那 裡 拆 開 , 你 就 可 以 收 取 ; 你 也 要 成 全 我 的 心 願 , 將 食 物 給 我 的 家 。

10 S idaasuu Xiiraam u siiyey Sulaymaan qoryo kedar ah iyo qoryo beroosh ah, intuu doonayay oo dhan.

於 是 希 蘭 照 著 所 羅 門 所 要 的 , 給 他 香 柏 木 和 松 木 ;

11 S ulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.

所 羅 門 給 希 蘭 麥 子 二 萬 歌 珥 , 清 油 二 十 歌 珥 , 作 他 家 的 食 物 。 所 羅 門 每 年 都 是 這 樣 給 希 蘭 。

12 O o Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.

耶 和 華 照 著 所 應 許 的 賜 智 慧 給 所 羅 門 。 希 蘭 與 所 羅 門 和 好 , 彼 此 立 約 。

13 O o Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.

所 羅 門 王 從 以 色 列 人 中 挑 取 服 苦 的 人 共 有 三 萬 ,

14 O o bishiiba toban kun ayuu Lubnaan u diri jiray; markaasay intii bil ah Lubnaan joogi jireen, laba biloodna reerahooday joogi jireen; oo shaqaalayaasha waxaa u sarreeyey Adoniiraam.

派 他 們 輪 流 每 月 一 萬 人 上 利 巴 嫩 去 ; 一 個 月 在 利 巴 嫩 , 兩 個 月 在 家 裡 。 亞 多 尼 蘭 掌 管 他 們 。

15 O o Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

所 羅 門 用 七 萬 扛 抬 的 , 八 萬 在 山 上 鑿 石 頭 的 。

16 O o laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.

此 外 , 所 羅 門 用 三 千 三 百 督 工 的 , 監 管 工 人 。

17 M arkaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.

王 下 令 , 人 就 鑿 出 又 大 又 寶 貴 的 石 頭 來 , 用 以 立 殿 的 根 基 。

18 O o Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

所 羅 門 的 匠 人 和 希 蘭 的 匠 人 , 並 迦 巴 勒 人 , 都 將 石 頭 鑿 好 , 預 備 木 料 和 石 頭 建 殿 。