1 D abadeedna Rabbigu wuxuu Daa'uud u soo diray Naataan. Isna waa u yimid oo ku yidhi, Waxaa jiray laba nin oo isku magaalo degganaa; midkood wuxuu ahaa taajir, midka kalena miskiin.
耶 和 華 差 遣 拿 單 去 見 大 衛 。 拿 單 到 了 大 衛 那 裡 , 對 他 說 : 在 一 座 城 裡 有 兩 個 人 : 一 個 是 富 戶 , 一 個 是 窮 人 。
2 N inkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan,
富 戶 有 許 多 牛 群 羊 群 ;
3 l aakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale.
窮 人 除 了 所 買 來 養 活 的 一 隻 小 母 羊 羔 之 外 , 別 無 所 有 。 羊 羔 在 他 家 裡 和 他 兒 女 一 同 長 大 , 吃 他 所 吃 的 , 喝 他 所 喝 的 , 睡 在 他 懷 中 , 在 他 看 來 如 同 女 兒 一 樣 。
4 W axaa ninkii taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka miskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid.
有 一 客 人 來 到 這 富 戶 家 裡 ; 富 戶 捨 不 得 從 自 己 的 牛 群 羊 群 中 取 一 隻 預 備 給 客 人 吃 , 卻 取 了 那 窮 人 的 羊 羔 , 預 備 給 客 人 吃 。
5 M arkaasaa Daa'uud aad ugu cadhooday ninkii; oo wuxuu Naataan ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartay, ninkii waxakan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho,
大 衛 就 甚 惱 怒 那 人 , 對 拿 單 說 : 我 指 著 永 生 的 耶 和 華 起 誓 , 行 這 事 的 人 該 死 !
6 o o nayshiina waa inuu afar jibbaar u gudaa, maxaa yeelay, waxan buu sameeyey wuuna naxariisan waayay.
他 必 償 還 羊 羔 四 倍 ; 因 為 他 行 這 事 , 沒 有 憐 恤 的 心 。
7 K olkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,
拿 單 對 大 衛 說 : 你 就 是 那 人 ! 耶 和 華 ─ 以 色 列 的 神 如 此 說 : 我 膏 你 作 以 色 列 的 王 , 救 你 脫 離 掃 羅 的 手 。
8 g urigii sayidkaagana waan ku siiyey, naagihii sayidkaagana laabtaadaan ku jiifiyey; dalkii Israa'iil iyo dalkii Yahuudahna waan ku siiyey; oo haddii intaasu kugu yaraydna waxaan kuugu dari lahaa waxyaalo kaloo ka sii badan.
我 將 你 主 人 的 家 業 賜 給 你 , 將 你 主 人 的 妻 交 在 你 懷 裡 , 又 將 以 色 列 和 猶 大 家 賜 給 你 ; 你 若 還 以 為 不 足 , 我 早 就 加 倍 地 賜 給 你 。
9 H addaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.
你 為 甚 麼 藐 視 耶 和 華 的 命 令 , 行 他 眼 中 看 為 惡 的 事 呢 ? 你 借 亞 捫 人 的 刀 殺 害 赫 人 烏 利 亞 , 又 娶 了 他 的 妻 為 妻 。
10 S idaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.
你 既 藐 視 我 , 娶 了 赫 人 烏 利 亞 的 妻 為 妻 , 所 以 刀 劍 必 永 不 離 開 你 的 家 。
11 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa.
耶 和 華 如 此 說 : 我 必 從 你 家 中 興 起 禍 患 攻 擊 你 ; 我 必 在 你 眼 前 把 你 的 妃 嬪 賜 給 別 人 , 他 在 日 光 之 下 就 與 他 們 同 寢 。
12 W aayo, waxan qarsoodi baad u samaysay, laakiinse anigu bayaan baan ugu hor samaynayaa reer binu Israa'iil oo dhan iyo qorraxdaba.
你 在 暗 中 行 這 事 , 我 卻 要 在 以 色 列 眾 人 面 前 , 日 光 之 下 , 報 應 你 。
13 M arkaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid.
大 衛 對 拿 單 說 : 我 得 罪 耶 和 華 了 ! 拿 單 說 : 耶 和 華 已 經 除 掉 你 的 罪 , 你 必 不 至 於 死 。
14 H abase yeeshee waxaas aad samaysay aawadiis ayaad meel siisay cadaawayaashii Rabbiga inay caytamaan, taas aawadeed wiilka kuu dhashay hubaal wuu dhiman doonaa.
只 是 你 行 這 事 , 叫 耶 和 華 的 仇 敵 大 得 褻 瀆 的 機 會 , 故 此 , 你 所 得 的 孩 子 必 定 要 死 。
15 M arkaasaa Naataan gurigiisii tegey. Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.
拿 單 就 回 家 去 了 。 耶 和 華 擊 打 烏 利 亞 妻 給 大 衛 所 生 的 孩 子 , 使 他 得 重 病 。
16 S idaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay.
所 以 大 衛 為 這 孩 子 懇 求 神 , 而 且 禁 食 , 進 入 內 室 , 終 夜 躺 在 地 上 。
17 M arkaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.
他 家 中 的 老 臣 來 到 他 旁 邊 , 要 把 他 從 地 上 扶 起 來 , 他 卻 不 肯 起 來 , 也 不 同 他 們 吃 飯 。
18 O o maalintii toddobaad ayaa yarkii dhintay. Oo Daa'uud addoommadiisiina way ka cabsadeen inay Daa'uud u sheegaan in yarkii dhintay, waayo, waxay isyidhaahdeen, War intii yarku weli noolaa ayaynu isaga la hadalnay, oo isna codkeennii ma uu maqlin; haddaba haddaynu u sheegno in yarkii dhintay, intee in ka badan buu isdhibi doonaa?
到 第 七 日 , 孩 子 死 了 。 大 衛 的 臣 僕 不 敢 告 訴 他 孩 子 死 了 , 因 他 們 說 : 孩 子 還 活 著 的 時 候 , 我 們 勸 他 , 他 尚 且 不 肯 聽 我 們 的 話 , 若 告 訴 他 孩 子 死 了 , 豈 不 更 加 憂 傷 麼 ?
19 L aakiinse Daa'uud markuu arkay inay addoommadiisii faqayaan ayuu ogaaday inuu yarkii dhintay; kolkaasaa Daa'uud addoommadiisii ku yidhi, War yarkii ma dhintay? Iyana waxay ku yidhaahdeen, Haah, wuu dhintay.
大 衛 見 臣 僕 彼 此 低 聲 說 話 , 就 知 道 孩 子 死 了 , 問 臣 僕 說 : 孩 子 死 了 麼 ? 他 們 說 : 死 了 。
20 K olkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.
大 衛 就 從 地 上 起 來 , 沐 浴 , 抹 膏 , 換 了 衣 裳 , 進 耶 和 華 的 殿 敬 拜 ; 然 後 回 宮 , 吩 咐 人 擺 飯 , 他 便 吃 了 。
21 M arkaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.
臣 僕 問 他 說 : 你 所 行 的 是 甚 麼 意 思 ? 孩 子 活 著 的 時 候 , 你 禁 食 哭 泣 ; 孩 子 死 了 , 你 倒 起 來 吃 飯 。
22 M arkaasuu ku yidhi, Intii yarku noolaa ayaan soomay oo ooyay, waayo, waxaan is-idhi, Bal yaa og in Rabbigu ii roonaan doono iyo in kale si uu yarku iigu sii noolaado?
大 衛 說 : 孩 子 還 活 著 , 我 禁 食 哭 泣 ; 因 為 我 想 , 或 者 耶 和 華 憐 恤 我 , 使 孩 子 不 死 也 未 可 知 。
23 L aakiinse haatan wuu dhintay, haddaba bal maxaan u soomaa? Miyaan isagii soo celin karaa? Anigaa u tegi doona, laakiinse isagu iima soo noqon doono.
孩 子 死 了 , 我 何 必 禁 食 , 我 豈 能 使 他 返 回 呢 ? 我 必 往 他 那 裡 去 , 他 卻 不 能 回 我 這 裡 來 。
24 M arkaasaa Daa'uud qalbi qabowjiiyey naagtiisii Batshebac, oo intuu u tegey ayuu la seexday, markaasay wiil u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Sulaymaan. Kolkaasaa Rabbigu isagii jeclaaday,
大 衛 安 慰 他 的 妻 拔 示 巴 , 與 他 同 寢 , 他 就 生 了 兒 子 , 給 他 起 名 叫 所 羅 門 。 耶 和 華 也 喜 愛 他 ,
25 o o wuxuu u diray Nebi Naataan, magiciisiina wuxuu u bixiyey Yediidyaah, Rabbiga aawadiis.
就 藉 先 知 拿 單 賜 他 一 個 名 字 , 叫 耶 底 底 亞 , 因 為 耶 和 華 愛 他 。
26 M arkaasaa Yoo'aab la diriray Rabbaah oo ahayd magaaladii reer Cammoon, wuuna qabsaday magaaladii reer boqor.
約 押 攻 取 亞 捫 人 的 京 城 拉 巴 。
27 Y oo'aabna wuxuu Daa'uud u diray wargeeyayaal, oo ku yidhi, Waxaan la diriray Rabbaah, waanan qabsaday magaaladii biyaha.
約 押 打 發 使 者 去 見 大 衛 , 說 : 我 攻 打 拉 巴 , 取 其 水 城 。
28 H addaba dadka intiisa kale soo ururso, oo magaalada horteeda deg, oo qabso, waayo, waaba intaasoo intaan magaalada qabsado, laygu magacaabaaye.
現 在 你 要 聚 集 其 餘 的 軍 兵 來 , 安 營 圍 攻 這 城 , 恐 怕 我 取 了 這 城 , 人 就 以 我 的 名 叫 這 城 。
29 M arkaasaa Daa'uud dadkii oo dhan soo urursaday, wuxuuna tegey ilaa Rabbaah, wuuna la diriray, oo qabsaday.
於 是 大 衛 聚 集 眾 軍 , 往 拉 巴 去 攻 城 , 就 取 了 這 城 ,
30 B oqorkoodii madaxiisii ayuu taajkii ka qaaday, oo miisaankiisuna wuxuu ahaa talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa; markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa.
奪 了 亞 捫 人 之 王 所 戴 的 金 冠 冕 ( 王 : 或 譯 瑪 勒 堪 ; 瑪 勒 堪 就 是 米 勒 公 , 又 名 摩 洛 , 亞 捫 族 之 神 名 ) , 其 上 的 金 子 重 一 他 連 得 , 又 嵌 著 寶 石 。 人 將 這 冠 冕 戴 在 大 衛 頭 上 。 大 衛 從 城 裡 奪 了 許 多 財 物 ,
31 D ibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro, iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas biro ah, oo wuxuu ka dhex dusiyey meesha lebenka lagu dubo; saasuuna u wada galay magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.
將 城 裡 的 人 拉 出 來 , 放 在 鋸 下 , 或 鐵 耙 下 , 或 鐵 斧 下 , 或 叫 他 經 過 磚 窯 ( 或 譯 : 強 他 們 用 鋸 , 或 用 打 糧 食 的 鐵 器 , 或 用 鐵 斧 做 工 , 或 使 在 磚 窯 裡 服 役 ) ; 大 衛 待 亞 捫 各 城 的 居 民 都 是 如 此 。 其 後 , 大 衛 和 眾 軍 都 回 耶 路 撒 冷 去 了 。