1 M arkaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.
Então todo o povo de Judá proclamou rei a Uzias, de dezesseis anos de idade, no lugar de seu pai, Amazias.
2 O o isna Eelood wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
Foi ele que reconquistou e reconstruiu a cidade de Elate para Judá, depois que Amazias descansou com os seus antepassados.
3 C usiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo laba iyo konton sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.
Uzias tinha dezesseis anos de idade quando se tornou rei, e reinou cinqüenta e dois anos em Jerusalém. Sua mãe era de Jerusalém e chamava-se Jecolias.
4 O o isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.
Ele fez o que o Senhor aprova, tal como o seu pai Amazias;
5 O o wakhtigii Sekaryaah, oo waxgarasho u lahaa waxa la arko ee Ilaah, ayuu isu diyaariyey inuu Ilaah doondoonto, oo intuu Rabbiga doonayayna Ilaah baa isaga liibaaniyey.
e buscou a Deus durante a vida de Zacarias, que o instruiu no temor de Deus. Enquanto buscou o Senhor, Deus o fez prosperar.
6 M arkaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.
Ele saiu à guerra contra os filisteus e derrubou os muros de Gate, de Jabne e de Asdode. Depois reconstruiu cidades próximo a Asdode e em outros lugares do território filisteu.
7 O o Ilaah baa isaga uga hiiliyey reer Falastiin, iyo kuwii reer Carbeed ee Guur Bacal degganaa, iyo reer Mecuuniimba.
Deus o ajudou contra os filisteus, contra os árabes que viviam em Gur-Baal e contra os meunitas.
8 O o reer Cammoonna waxay Cusiyaah siin jireen gabbaro, oo magiciisiina wuxuu ku faafay oo gaadhay xataa meesha Masar laga galo, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u xoogaystay.
Os amonitas pagavam tributo a Uzias, e sua fama estendeu-se até a fronteira do Egito, pois havia se tornado muito poderoso.
9 O o weliba Cusiyaah wuxuu Yeruusaalem ka dhisay oo xoogeeyey munaarado, oo waxay ku yiilleen iriddii geeska, iyo iriddii dooxada, iyo meesha derbigu ka leexdo.
Uzias construiu torres fortificadas em Jerusalém, junto à porta da Esquina, à porta do Vale e no canto do muro.
10 O o haddana wuxuu munaarado ka dhisay cidlada, oo ceelal badanna wuu qotay, maxaa yeelay, xoolo badan buu lahaa, oo waxayna u joogeen dhulka dooxada iyo dhulka bannaanka ahba, oo buuraha iyo beeraha barwaaqaysanba wuxuu ku lahaa rag beeraley ah iyo kuwa canabka xannaaneeya, maxaa yeelay, wuxuu jeclaa beeraha.
Também construiu torres no deserto e cavou muitas cisternas, pois ele possuía muitos rebanhos na Sefelá e na planície. Ele mantinha trabalhadores em seus campos e em suas vinhas, nas colinas e nas terras férteis, pois gostava da agricultura.
11 O o weliba Cusiyaah wuxuu lahaa ciidan dagaalyahan ah oo dagaalka koox koox ugu baxa sidii ay ahayd tiradooda ay sameeyeen Yecii'eel oo ahaa karraanigii iyo Macaseeyaah oo sirkaalkii ahaa, sidii uu ku amray Xananyaah oo ahaa boqorka saraakiishiisa midkood.
Uzias possuía um exército bem preparado, organizado em divisões de acordo com o número dos soldados convocados pelo secretário Jeiel e pelo oficial Maaséias, sob o comando de Hananias, um dos oficiais do rei.
12 O o raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin.
O total de chefes de família no comando dos homens de combate era de dois mil e seiscentos.
13 O o waxaa gacantooda ku jiray ciidan ah saddex boqol iyo toddoba kun iyo shan boqol oo nin, kuwaasoo xoog badan ku dagaallama, si ay boqorka uga caawiyaan cadowga.
Sob o comando deles havia um exército de trezentos e sete mil e quinhentos homens treinados para a guerra, uma força poderosíssima que apoiava o rei contra os seus inimigos.
14 O o Cusiyaah wuxuu ciidankii oo dhan u diyaariyey gaashaammo iyo warmo, iyo koofiyado bir ah, iyo jubbado bir ah, iyo qaansooyin, iyo dhagaxyada la wadhfiyo.
Uzias providenciou escudos, lanças, capacetes, couraças, arcos e atiradeiras de pedras para todo o exército.
15 O o Yeruusaalemna wuxuu ku sameeyey makiinado ay soo hindiseen rag saanacyo ahu, oo alaabtaas waxaa la saari jiray munaaradaha iyo geesaska derbiyada, in iyaga laga gano fallaadho iyo dhagxan waaweynba. Oo weliba magiciisii aad iyo aad buu u sii faafay oo meel fog gaadhay, maxaa yeelay, ilaa uu xoogaystay si yaab leh ayaa loo caawiyey.
Em Jerusalém construiu máquinas projetadas por peritos para serem usadas nas torres e nas defesas das esquinas, máquinas que atiravam flechas e grandes pedras. Ele foi extraordinariamente ajudado, e assim tornou-se muito poderoso e a sua fama espalhou-se para longe.
16 L aakiinse markuu xoogaystay ayuu isla weynaaday ilaa uu halligmay, oo wuxuu ku xadgudbay Rabbiga Ilaahiisa ah, waayo, macbudkii Rabbiga ayuu u galay inuu foox ku shido girgirihii fooxa.
Entretanto, depois que Uzias se tornou poderoso, o seu orgulho provocou a sua queda. Ele foi infiel ao Senhor, o seu Deus, e entrou no templo do Senhor para queimar incenso no altar de incenso.
17 M arkaasaa waxaa isagii ka daba galay wadaadkii Casaryaah oo ay la socdaan siddeetan ah Rabbiga wadaaddadiisa, oo ah rag xoog badan.
O sumo sacerdote Azarias, e outros oitenta corajosos sacerdotes do Senhor, foram atrás dele.
18 M arkaasay Boqor Cusiyaah hor istaageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Cusiyaahow, adigu ma lihid inaad Rabbiga foox u shiddid, laakiinse waxaa leh wadaaddada reer Haaruun oo quduus looga dhigay inay foox shidaan; haddaba meesha quduuska ah ka bax, waayo, waad xadgudubtay, oo tanuna kuuma ahaan doonto sharaf Rabbiga Ilaaha ah xaggiisa kaaga timaada.
Eles o enfrentaram e disseram: “Não é certo que você, Uzias, queime incenso ao Senhor. Isso é tarefa dos sacerdotes, os descendentes de Arão consagrados para queimar incenso. Saia do santuário, pois você foi infiel e não será honrado por Deus, o Senhor ”.
19 M arkaasaa Cusiyaah cadhooday, oo gacantana waxaa ugu jiray idan uu doonayay inuu foox ku shido; oo markuu wadaaddadii u cadhooday ayaa baras wejiga ka soo baxay, isagoo wadaaddadii hor jooga oo guriga Rabbiga ku jira oo girgirihii fooxa dhiniciisa taagan.
Uzias, que estava com um incensário na mão, pronto para queimar o incenso, irritou-se e indignou-se contra os sacerdotes; e na mesma hora, na presença deles, diante do altar de incenso no templo do Senhor, surgiu lepra em sua testa.
20 M arkaasaa Casaryaah oo ahaa wadaadka sare iyo wadaaddadii oo dhammu isagay fiiriyeen, oo waxay arkeen inuu wejigiisa baras ku leeyahay, markaasay haddiiba halkaas ka saareen, oo isaga qudhiisiina wuu isdedejiyey inuu baxo, maxaa yeelay, Rabbigaa wax ku dhuftay.
Quando o sumo sacerdote Azarias e todos os outros sacerdotes viram a lepra, expulsaram-no imediatamente do templo. Na verdade, ele mesmo ficou ansioso para sair, pois o Senhor o havia ferido.
21 O o Boqor Cusiyaahna tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo isagoo baras qaba ayuu joogi jiray guri gaar ah, waayo, wuu ka go'ay gurigii Rabbiga, oo wiilkiisii Yootam ayaa reerka boqorka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
O rei Uzias sofreu de lepra até o dia em que morreu. Durante todo esse tempo morou numa casa separada, leproso e excluído do templo do Senhor. Seu filho Jotão tomava conta do palácio e governava o povo.
22 H addaba Cusiyaah falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxaa qoray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
Os demais acontecimentos do reinado de Uzias, do início ao fim, foram registrados pelo profeta Isaías, filho de Amoz.
23 O o Cusiyaah wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay berrinkii xabaalaha oo ay boqorradu lahaayeen, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isagu waa barasle, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiis Yootam.
Uzias descansou com os seus antepassados e foi sepultado perto deles, num cemitério que pertencia aos reis, pois o povo dizia: “Ele tinha lepra”. Seu filho Jotão foi o seu sucessor.