1 O o reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.
Depois da morte de Eúde, mais uma vez os israelitas fizeram o que o Senhor reprova.
2 O o Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.
Assim o Senhor os entregou nas mãos de Jabim, rei de Canaã, que reinava em Hazor. O comandante do seu exército era Sísera, que habitava em Harosete-Hagoim.
3 O o reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
Os israelitas clamaram ao Senhor, porque Jabim, que tinha novecentos carros de ferro, os havia oprimido cruelmente durante vinte anos.
4 O o waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.
Débora, uma profetisa, mulher de Lapidote, liderava Israel naquela época.
5 O o waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.
Ela se sentava debaixo da tamareira de Débora, entre Ramá e Betel, nos montes de Efraim, e os israelitas a procuravam, para que ela decidisse as suas questões.
6 O o iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?
Débora mandou chamar Baraque, filho de Abinoão, de Quedes, em Naftali, e lhe disse: “O Senhor, o Deus de Israel, lhe ordena que reúna dez mil homens de Naftali e Zebulom e vá ao monte Tabor.
7 O o anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.
Ele fará que Sísera, o comandante do exército de Jabim, vá atacá-lo, com seus carros de guerra e tropas, junto ao rio Quisom, e os entregará em suas mãos”.
8 M arkaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
Baraque disse a ela: “Se você for comigo, irei; mas, se não for, não irei”.
9 K olkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.
Respondeu Débora: “Está bem, irei com você. Mas saiba que, por causa do seu modo de agir, a honra não será sua; porque o Senhor entregará Sísera nas mãos de uma mulher”. Então Débora foi a Quedes com Baraque,
10 M arkaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.
onde ele convocou Zebulom e Naftali. Dez mil homens o seguiram, e Débora também foi com ele.
11 H addaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.
Ora, o queneu Héber se havia separado dos outros queneus, descendentes de Hobabe, sogro de Moisés, e tinha armado sua tenda junto ao carvalho de Zaanim, perto de Quedes.
12 O o waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.
Quando disseram a Sísera que Baraque, filho de Abinoão, tinha subido o monte Tabor,
13 M arkaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
Sísera reuniu seus novecentos carros de ferro e todos os seus soldados, de Harosete-Hagoim ao rio Quisom.
14 O o Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.
E Débora disse também a Baraque: “Vá! Este é o dia em que o Senhor entregou Sísera em suas mãos. O Senhor está indo à sua frente!” Então Baraque desceu o monte Tabor, seguido por dez mil homens.
15 O o Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.
Diante do avanço de Baraque, o Senhor derrotou Sísera e todos os seus carros de guerra e o seu exército ao fio da espada, e Sísera desceu do seu carro e fugiu a pé.
16 L aakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
Baraque perseguiu os carros de guerra e o exército até Harosete-Hagoim. Todo o exército de Sísera caiu ao fio da espada; não sobrou um só homem.
17 L aakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.
Sísera, porém, fugiu a pé para a tenda de Jael, mulher do queneu Héber, pois havia paz entre Jabim, rei de Hazor, e o clã do queneu Héber.
18 O o Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.
Jael saiu ao encontro de Sísera e o convidou: “Venha, entre na minha tenda, meu senhor. Não tenha medo!” Ele entrou, e ela o cobriu com um pano.
19 M arkaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.
“Estou com sede”, disse ele. “Por favor, dê-me um pouco de água.” Ela abriu uma vasilha de leite feita de couro, deu-lhe de beber, e tornou a cobri-lo.
20 M arkaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.
E Sísera disse à mulher: “Fique à entrada da tenda. Se alguém passar e perguntar se há alguém aqui, responda que não”.
21 M arkaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.
Entretanto, Jael, mulher de Héber, apanhou uma estaca da tenda e um martelo e aproximou-se silenciosamente enquanto ele, exausto, dormia um sono profundo. E cravou-lhe a estaca na têmpora até penetrar o chão, e ele morreu.
22 O o bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.
Baraque passou à procura de Sísera, e Jael saiu ao seu encontro. “Venha”, disse ela, “eu lhe mostrarei o homem que você está procurando.” E entrando ele na tenda, viu ali caído Sísera, morto, com a estaca atravessada nas têmporas.
23 S idaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
Naquele dia Deus subjugou Jabim, o rei cananeu, perante os israelitas.
24 O o gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.
E os israelitas atacaram cada vez mais a Jabim, o rei cananeu, até que eles o destruíram.