1 M arkaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?
Тогава Давид побягна от Навиот у Рама, та дойде и рече на Ионатана: Що съм сторил? Каква е неправдата ми? и какъв е грехът ми пред баща ти, та иска живота ми?
2 O o isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha.
А той каза: Не дай, Боже! ти няма да умреш; ето баща ми не върши нищо, ни голямо ни малко, без да ми яви; и защо би скрил баща ми това нещо от мене? Не е така.
3 O o haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane.
Обаче Давид се закле и рече: Баща ти знае добре, че аз съм придобил твоето благоволение, затова си казва: да не знае това Ионатан, за да се не наскърби, но заклевам се в живота на Господа и в живота на душата ти, само една крачка има между мене и смъртта.
4 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa.
Тогава Ионатан каза на Давида: Каквото поиска душата ти, аз ще сторя за тебе.
5 O o Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.
И Давид каза на Ионатана: Ето, утре е новолуние, когато съм длъжен да седя с царя на ядене; но позволи ми да ида да се крия на полето до вечерта на третия ден.
6 O o haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.
Ако баща ти забележи, че ме няма, тогава кажи: Давид настоятелно поиска позволение от мене да отиде бърже в града си Витлеем, защото там става годишната жертва за цялото му семейство.
7 H adduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.
Ако рече така: Добре, тогава слугата ти ще има мир; но ако се разгневи много, да знаеш, че злото е решено от него.
8 S idaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah ii roonow; waayo, adigu waxaad ila dhigatay axdi xagga Rabbiga ah. Laakiinse haddaan dembi galay, adiguba i dil; bal maxaad aabbahaa iigu geeynaysaa?
И тъй, покажи милост към слугата си; защото ти си въвел слугата си в завет Господен със себе си. Но ако има неправда в мене, убий ме сам ти; защото да ме водиш при баща си?
9 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Taasu ha kaa fogaato, waayo, haddaan ogahay in aabbahay maaggan yahay inuu shar kugu sameeyo, sow kuuma soo sheegeen?
И рече Ионатан: Да ти не стане това никога; защото, ако бих узнал наистина, че от баща ми е решено да дойде зло върху тебе, нямаше ли да ти го известя?
10 K olkaasaa Daa'uud wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Haddii aabbahaa si xun ugu jawaabo bal yaa ii soo sheegaya?
Тогава Давид рече на Ионатана: Кой ще ми извести, ако ти отговори баща ти сърдито?
11 O o Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.
А Ионатан рече на Давида: Дойди, да излезем на полето. И тъй, двамата излязоха на полето.
12 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu, markhaati ha ka ahaado; berrito ama saa dambe haddaa oo kale, markii aan aabbahay soo calool baadho, hadduu wanaag kuu qabo, sow kuu soo cid diri maayo, oo daaha kaaga qaadi maayo wuxuu maaggan yahay oo dhan?
И Ионатан каза на Давида: Господ Израилевият Бог да бъде свидетел ако, като изпитам баща си, утре около тоя час, или на третия ден, и, ето, има нещо добро за Давида, не изпратя тогава до тебе да ти го известя.
13 H adday aabbahay ka farxin lahayd inuu shar kugu sameeyo oo aanan daaha kaaga qaadin, oo aanan weliba ku dirin si aad nabdoonaan ugu tagtid, Rabbigu saas iyo ka sii daran ha igu sameeyo; Rabbiguna ha kuula jiro siduu aabbahay ula jiray oo kale.
Така да направи Господ на Ионатана, да! и повече да притури, ако, в случай, че баща ми е решил да ти стори зло, не ти известя това, и не те отпратя, за да отидеш с мир; и Господ да бъде с тебе, както е бил с баща ми!
14 W aa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,
И не само докато съм жив показвай към мене милост Господна,
15 l aakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka.
но и като умра, до века не отсичай милостта си от дома ми, даже и тогава, когато Господ ще е изтребил от лицето на земята всички от Давидовите неприятели.
16 S idaasuu Yoonaataan axdi ula dhigtay reerkii Daa'uud, oo yidhi, Taas wuxuu Rabbigu ka doonayaa cadaawayaasha Daa'uud gacantooda.
И така, Ионатан направи завет с Давидовия дом; и рече: Господ да изиска това чрез Давидовите неприятели!
17 O o Yoonaataan mar kaluu Daa'uud dhaariyey, jacaylkii uu u qabay aawadiis, waayo, wuxuu isaga u jeclaa siduu naftiisa u jeclaa oo kale.
И Ионатан накара Давида да се закълне още веднъж, поради любовта, която имаше към него; защото го обичаше, както обичаше собствената си душа.
18 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu isagii ku yidhi, Berrito bil baa dhalanaysa oo waa lagu waayi doonaa, maxaa yeelay, kursigaagu wuu madhnaan doonaa.
Тогава Ионатан му каза: Утре е новолуние; и ще видят, че те няма, защото твоето място ще бъде празно.
19 M arkaad saddex maalmood joogto dabadeed waa inaad dhaqsataa oo aad tagtaa halkaad ku dhuumatay markii xaalkanu dhacay, oo waa inaad sii ag joogtaa dhagixii Kalategidda.
Като престоиш три дена, слез по-скоро и дойди на мястото, дето беше се скрил в деня, когато разисквахме оная работа, и седни при скалата Езил.
20 O o anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya.
И аз ще изстрелям три стрели в страната й, като че стрелям в прицел;
21 O o bal eeg, wiil yar baan u soo diri doonaa, oo waxaan ku odhan doonaa, Tag oo fallaadhihii soo doondoon. Haddaba haddaan yarka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa sokeeyaan, soo qaad oo kaalay; waayo, nabad baa kuu jirta oo waxyeello lama arko, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye.
и, ето, ще пратя момчето и ще му кажа: Иди намери стрелите. Ако река нарочно на момчето: Ето стрелите са отсам тебе, вземи ги: тогава ти дойди, защото има мир за тебе, и няма никаква беда - заклевам се за това в живота на Господа.
22 L aakiinse haddaan wiilka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa shisheeyaan; markaas iska tag, waayo, Rabbigu wuu ku diray.
Но ако река на момчето така: Ето, стрелите са оттатък тебе, тогава иди в пътя си, защото Господ те е отпратил.
23 O o xagga xaalkii aynu ka hadalnay, bal eeg, aniga iyo adiga waxaa inoo dhexeeya Rabbiga weligiisba.
А относно работата, която аз и ти сме говорили, ето, Господ да бъде свидетел между мене и тебе до века.
24 S idaasaa Daa'uud duurka ugu dhex dhuuntay, oo markii bishii dhalatay ayaa boqorkii u fadhiistay inuu wax cuno.
И тъй, Давид се скри на полето; и когато дойде новолунието, царят седна на трапезата да яде.
25 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku fadhiistay kursigiisii, sidii mararkii hore oo kale, kaasuna wuxuu ahaa kursigii derbiga ag yiil; oo Yoonaataanna wuu istaagay, Abneerna wuxuu dhinac fadhiistay Saa'uul, laakiinse meeshii Daa'uud way madhnayd.
И като седна царят на мястото си, както винаги, на едно място при стената, Ионатан стана, и Авенир седна при Саула, а Давидовото място беше празно.
26 H abase yeeshee Saa'uul maalintaas waxba kuma uu hadlin, waayo, wuxuu u maleeyey in wax ku dhaceen, oo wuxuu isyidhi, Ma uu nadiifsana, hubaal isagu ma uu nadiifsana.
Саул, обаче, не каза нищо през оня ден, защото си каза: Ще му се е случило нещо, та не е чист; без друго ще е нечист.
27 O o maalintii ka dambaysay galabtii bishu dhalatay, taasoo ahayd maalintii labaad, Daa'uud meeshiisii way madhnayd, markaasaa Saa'uul wuxuu wiilkiisii Yoonaataan ku yidhi, War wiilka Yesay muxuu cuntada ugu iman waayay shalay iyo maantaba?
А на следния ден, вторият на месеца, Давидовото място пак беше празно; затова Саул рече на сина си Ионатана: Защо Есеевият син не дойде да яде ни вчера, ни днес?
28 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu Saa'uul ugu jawaabay, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu Beytlaxam tago,
И Ионатан отговори на Саула: Давид настоятелно поиска позволение от мене да отиде във Витлеем, като каза:
29 o o wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.
Пусни ме, моля, защото семейството ни има жертва в града, и брат ми ми заръча да ида; сега, прочее, ако съм придобил твоето благоволение, позволи ми, моля, да отида и да видя братята си. Затова не дойде на царската трапеза.
30 M arkaasaa Saa'uul aad ugu cadhooday Yoonaataan, oo wuxuu ku yidhi, Kaagan naag qalloocan oo caasiyad ah inankeed ahow, war sow ma aan ogi inaad wiilka Yesay dooratay adoo ceeb u soo jiidaya naftaada iyo cawrada hooyadaa?
Тогава гневът на Саула пламна против Ионатана, и той му каза: Развратени и отстъпни сине, не зная ли, че ти си избрал Есеевия син за срам на тебе и за срам на майчината ти голота?
31 W aayo, inta wiilka Yesay dhulka ku nool yahay, adiga iyo boqortooyadaada midna dhismi maayo. Sidaas daraaddeed u cid dir oo soo kexee, waayo, hubaal wuu dhimanayaa.
Защото, докато Есеевият син живее на земята, ни ти, ни царството ти, ще се утвърди. Затова прати сега та го доведи при мене, защото непременно ще умре.
32 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu u jawaabay aabbihiis Saa'uul oo ku yidhi, Maxaa loo dilayaa? Oo bal muxuu sameeyey?
А Ионатан отговори на баща си Саула като му каза: Защо да се убие? що е сторил?
33 K olkaasaa Saa'uul warankiisii ku soo gantaalay si uu u dilo. Sidaasaa Yoonaataan taas ku ogaaday in aabbihiis maagganaa inuu Daa'uud dilo.
А Саул хвърли копието на него, за да го удари, от което Ионатан разбра, че баща му беше решил да убие Давида.
34 O o Yoonaataanna miiskuu kala kacay cadho kulul, oo bisha maalinteedii labaadna waxba ma cunin, waayo, wuxuu u calool xumaaday Daa'uud aawadiis, maxaa yeelay, aabbihiis baa ceeb ku sameeyey.
И така Ионатан стана от трапезата разярен от гняв, и не яде никаква храна втория ден на месеца; защото беше наскърбен за Давида, понеже баща му го беше опозорил.
35 O o subaxdii dambe ayuu Yoonaataan duurka tegey wakhtigii uu Daa'uud la ballamay isagoo wata wiil yar.
И на утринта Ионатан излезе на полето, на мястото, което беше определил с Давида, и водеше със себе си едно малко момче.
36 M arkaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.
И рече на момчето си: Тичай, намери стрелите, които ще изстрелям. И като тичаше момчето, той изстреля една стрела по-нататък от него.
37 O o yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?
И когато дойде момчето на мястото, гдето беше стрелата, която Ионатан изстреля, Ионатан викна след момчето казвайки: Не е ли стрелата по-нататък от тебе?
38 O o haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.
И Ионатан извика след момчето: Скоро побързай, не стой. И Ионатановото момче, като събра стрелите, дойде при господаря си.
39 L aakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.
Но момчето не знаеше нищо; само Ионатан и Давид знаеха работата.
40 M arkaasaa Yoonaataan hubkiisii yarkii u dhiibay, oo ku yidhi, Tag, oo magaaladii gee.
Тогава Ионатан даде оръжията си на момчето, което му слугуваше, и му каза: Иди занеси ги в града.
41 O o isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.
А щом отиде момчето. Давид стана от едно място към юг, и като падна с лицето си на земята, поклони се три пъти; и целуваха се един друг и плакаха и двамата - а Давид твърде много
42 M arkaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.
И Ионатан каза на Давида: Иди с мир, както се заклехме ние двамата в Господното име, като казахме: Господ да бъде свидетел между мене и тебе, и между моето потомство и твоето потомство до века! И Давид стана та си отиде; а Ионатан влезе в града.