1 A axaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman,
Ахаз бе двадесет години на възраст когато се възцари, и царува шестнадесет години в Ерусалим; но не върши това, което бе право пред Господа, както баща му Давид,
2 l aakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay.
но ходи в пътищата на Израилевите царе, направи още и леяни идоли за ваалимите.
3 O o haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
При това той кади в долината на Еномовия син, и изгори от чадата си в огъня, според мерзостите на народите, които Господ беше изпълнил пред израилтяните.
4 O o haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.
И жертвуваше и кадеше по високите места, по хълмовете и под всяко зелено дърво.
5 O o sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay.
Затова Господ неговият Бог го предаде в ръката на сирийския цар; и сирийците го поразиха, и взеха от него голямо множество пленници, които отведоха в Дамаск. Също биде предаден в ръката на Израилевия цар, който му нанесе голямо поражение.
6 O o Feqax ina Remalyaah ayaa dalka Yahuudah isku maalin ku laayay boqol iyo labaatan kun oo nin oo dhammaantood wada xoog badan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood.
Защото Факей, Ромелиевият син, изби от Юда сто и двадесет хиляди души в един ден, всички силни и храбри мъже, понеже бяха оставили Господа Бога на бащите си;
7 O o Sikrii oo ahaa nin xoog badan oo reer Efrayim ayaa dilay Macaseeyaah oo ahaa boqorka wiilkiisii, iyo Casriiqaam oo reerka u talin jiray, iyo Elqaanaah oo ahaa kii boqorka ku xigay.
и Захарий, един силен мъж от Ефрема, уби царския син Маасия, и надзирателя на двореца Азрикам, и втория подир царя Елкана;
8 O o dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya.
тоже израилтяните заплениха от братята си двеста хиляди жени, синове и дъщери, и при това взеха много користи от тях, и отнесоха користите в Самария.
9 L aakiinse halkaas waxaa joogay nebi Rabbigu soo dirtay, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Codeed, wuuna u baxay inuu ka hor tago ciidankii Samaariya ku soo socday oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin ayaa u cadhooday dadka Yahuudah, oo sidaas daraaddeed ayuu iyaga gacantiinna u soo geliyey, oo idinna waxaad iyagii ku layseen cadho kulul oo tan iyo samada gaadhay.
А там имаше един Господен пророк на име Одид; и той излезе да посрещне войската, която дохождаше в Самария та им рече: Ето, понеже Господ Бог на бащите ви се разгневи на Юда, предаде ги в ръката ви; и вие ги убихте с ярост, която стигна до небето.
10 O o imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?
И сега възнамерявате да държите юдейците и ерусалимляните като роби и робини под себе си; обаче няма ли у вас, у сами вас, престъпления против Господа вашия Бог?
11 H addaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.
Сега, прочее, послушайте ме, и върнете пленниците, които заробихте от братята си; защото яростен гняв от Господа е върху вас.
12 M arkaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay.
Тогава някои от първенците от ефремците, Азария Ионановият син, Варахия Месилемотовият син, Езекия Селумовият син и Амаса Адлаевият син, станаха против завърналите се от войната та им рекоха:
13 O o waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.
Не въвеждайте тук пленниците: защото като беззаконствувахме вече против Господа, вие искате да притурите на греховете ни и на престъпленията ни; защото престъплението ни е голямо, и яростен гняв е върху Израиля.
14 S idaas daraaddeed raggii hubka sitay waxay maxaabiistii iyo boolidiiba kaga tageen amiirrada iyo shirkii oo dhan hortooda.
Тогава войниците оставиха пленниците и користите пред първенците и пред цялото събрание.
15 M arkaasay nimankii la magacaabay soo kaceen, oo waxay qabteen maxaabiistii, oo kuwii dhexdooda ku jiray oo qaawanaana dhar bay uga xidheen boolidii, wax bay huwiyeen, oo kabana way u geliyeen, oo waxay siiyeen wax ay cunaan iyo wax ay cabbaanba, wayna u subkeen, oo kuwii itaalka yaraa oo dhanna dameeray ku qaadeen, markaasay Yerixoo oo ahayd magaaladii geedatimireedka lahayd walaalahood ugu geeyeen, dabadeedna Samaariya ayay ku noqdeen.
И споменатите по име мъже станаха та взеха пленниците и облякоха от користите всичките голи между тях; облякоха ги, обуха ги, дадоха им да ядат и да пият, и помазаха ги, а всичките слаби от тях пренесоха на осли и ги заведоха в Ерихон, града на палмите, при братята им. Тогава се върнаха в Самария.
16 O o wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan.
В онова време цар Ахаз прати до асирийските царе да иска помощ,
17 W aayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen.
защото едомците бяха пак дошли и поразили Юда и взели пленници.
18 O o weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen.
Филистимците тоже бяха нападнали полските градове и южната страна на Юда, и бяха превзели Ветсемес, Еалон, Гедирот, Сокхо и селата му. Тамна и селата му, и Гимзо и селата му, и бяха се заселили в тях.
19 R abbigu wuxuu dadka Yahuudah hoos ugu dejiyey boqorkii dalka Israa'iil oo Aaxaas ahaa daraaddiis, maxaa yeelay, si xun buu dalka Yahuudah ugu dhex macaamilooday, oo Rabbigana aad buu ugu xadgudbay.
Защото Господ смири Юда преди Израилевия цар Ахаз; понеже той беше развратил Юда и нечествувал много пред Господа.
20 M arkaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii.
И асирийският цар Теглатфеласар дойде при него: но той го притесни, и не го подкрепи;
21 M arkaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin.
защото Ахаз, като оголи Господния дом и царската къща и първенците, даде всичкото на асирийския цар; но това не му помогна.
22 O o Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.
И във времето на притеснението си той още повече престъпваше против Господа; такъв бе цар Ахаз.
23 W aayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan.
Защото жертвуваше на дамасковите богове, които го бяха поразили, като думаше: Понеже боговете на сирийските царе им помагат, на тях ще принасям жертви, за да помагат и на мене. Но те станаха причина да падне той и целият Израил.
24 M arkaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem.
И Ахаз събра съдовете на Божия дом, та съсече съдовете на Божия дом, затвори вратите на Господния дом, и си направи жертвеници на всеки ъгъл в Ерусалим.
25 O o magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis.
И във всеки Юдов град устрои високи места, за да кади на други богове, и разгневи Господа Бога на бащите си.
26 H addaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.
А останалите негови дела, и всичките му постъпки, първите и последните, ето, написани са в Книгата на Юдовите и Израилевите царе.
27 M arkaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.
И Ахаз заспа с бащите си; и погребаха го в града, в Ерусалим, но не го занесоха в гробищата на Израилевите царе. А вместо него се възцари син му Езекия.