Boqorradii Kowaad 16 ~ 3 Царе 16

picture

1 M arkaas waxaa Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa, oo leh,

Тогава дойде Господното слово към Ииуя Ананиевия син против Вааса, и рече:

2 C iiddaan kaa sara mariyey, oo waxaan kaa dhigay amiir u taliya dadkayga Israa'iil, oo adna waxaad ku socotay jidkii Yaaraabcaam, oo dadkaygii Israa'iilna waad dembaajisay, oo waxaad ka dhigtay inay dembiyadoodii igaga xanaajiyaan,

Понеже, като те издигнах от пръстта и те поставих вожд на людете Си Израиля, ти ходи в пътя на Еровоама, и направи людете Ми Израиля да съгрешат та да Ме разгневят с греховете си,

3 s idaas daraaddeed bal eeg, Bacshaa iyo reerkiisa oo dhanba waan wada baabbi'inayaa, oo reerkaagana waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo kale.

ето, изтребвам съвършено Вааса и рода му, и ще направя твоя род както рода на Еровоама Наватовия син.

4 O o dadka Bacshaa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

Който от Ваасовия род умре в града, него кучетата ще изядат; а който негов умре в полетата, него въздушните птици ще изядат.

5 H addaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

А останалите дела на Вааса, и онова, което извърши, и юначеството му, не са ли написани в Книгата на летописите на Израилевите царе?

6 M arkaasaa Bacshaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Tirsaah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eelaah.

И Вааса заспа с бащите си, и биде погребан в Терса; а вместо него се възцари син му Ила.

7 H addana waxaa Nebi Yeehuu ina Xanaanii u yimid Eraygii Rabbiga oo ka gees ah Bacshaa iyo reerkiisaba, sababtuna waxay ahayd sharkii uu Rabbiga hortiisa ku sameeyey oo dhan ee uu Rabbiga kaga xanaajiyey shuqulkii gacmihiisa, markuu la mid noqday reer Yaaraabcaam, iyo diliddii uu dilay aawadeed. Eelaah, Boqorkii Dalka Israa'iil

При това, Господното слово дойде чрез пророка Ииуй, Ананиевия син, против Вааса и против рода му, както поради всичките злини, които извърши пред Господа та Го разгневи с делата на ръцете си и стана подобен на рода на Еровоама, така и понеже порази тоя род.

8 O o Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii lix iyo labaatanaad ayaa Eelaah oo ahaa ina Bacshaa dalka Israa'iil boqor ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.

В двадесет и шестата година на Юдовия цар Аса, Ила Ваасовият син се възцари над Израиля в Терса, и царува две години.

9 O o addoonkiisii Simrii oo sirkaal u ahaa gaadhifardoodkiisa badhkood ayaa isaga shirqoolay. Haddaba wuxuu joogay Tirsaah isagoo khamri ku cabbaya guriga Arsaa oo madax u ahaa reerkiisii Tirsaah ku yiil;

А слугата му Зимрий, началник на половината от военните му колесници, направи заговор против него, когато беше в Терса, та пиеше и се опиваше в къщата на домоуправителя си Арса в Терса.

10 o o waxaa u soo galay Simrii, markaasuu wax ku dhuftay, oo dilay isagii, waxayna ahayd Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad, oo meeshiisiina isagaa boqor ka noqday.

Зимрий влезе, та като го порази уби го, в двадесет и седмата година на Юдовия цар Аса, и възцари се вместо него.

11 I sla markuu boqor noqday ee uu carshigiisii ku fadhiistay wuxuu wada laayay reerkii Bacshaa oo dhan; oo ugama uu reebin dadkii qaraabadiisa ahaa ama saaxiibbadiis toona xataa wiil yar oo keliya.

А щом се възцари и седна на престола си, веднага порази целия Ваасов род; не му остави никого от мъжки пол, нито сродниците му, нито приятелите му.

12 O o Simrii saasuu u baabbi'iyey reerkii Bacshaa oo dhan, oo waxay noqotay sidii Eraygii Rabbiga ee Bacshaa ka geesta ahaa ee Nebi Yeehuu ku hadlay,

Така Зимрий изтреби целия Ваасов род, според словото, което Господ говори против Вааса чрез пророка Ииуй,

13 s ababtuna waxay ahayd dembiyadii Bacshaa iyo dembiyadii wiilkiisii Eelaah oo dhan ee ay dembaabeen ee ay dadkii Israa'iilna dembaajiyeen ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.

за всичките грехове на Вааса, и за греховете на сина му Ила, с които те съгрешиха, и чрез които направиха Израиля да съгреши, та разгневиха Господа Израилевия Бог със суетите си.

14 H addaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil? Simrii, Boqorkii Dalka Israa'iil

А останалите дела на Ила, и всичко, което извърши, не са ли написани в Книгата на летописите на Израилевите царе?

15 O o Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Simrii intii toddoba maalmood ah boqor ku ahaa Tirsaah. Haddaba dadkii waxay iyagoo ka gees ah ag degeen Gibbetoon oo ay reer Falastiin lahaayeen.

В двадесет и седмата година на Юдовия цар Аса, Зимрий царува седем дена в Терса. А людете бяха разположени в стан против Гиветон, който принадлежеше на филистимците.

16 O o dadkii magaalada ag degay waxay maqleen oo lagu yidhi, Simrii shirqool buu sameeyey oo boqorkiina wuu dilay. Sidaas daraaddeed dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay maalintaas xerada dhexdeeda dalka Israa'iil boqor uga dhigeen Coomrii oo ahaa sirkaalkii ciidanka.

И людете, които бяха в стана, като чуха да казват: Зимрий направил заговор, при това убил и царя, то същия ден, в стана, целият Израил направи военачалника на войската Амрий цар над Израиля.

17 O o Coomrii wuxuu ka kacay Gibbetoon isagoo ay dadkii Israa'iil oo dhammu la socdaan, markaasay Tirsaah hareereeyeen.

Тогава Амрий и целият Израил с него възлязоха от Гиветон та обсадиха Терса.

18 M arkii Simrii arkay in magaaladii la qabsaday ayuu galay qalcaddii gurigii boqorka, kolkaasuu gurigii boqorka isku gubay, wuuna u dhintay

А Зимрий, като видя, че градът беше превзет, влезе във вътрешната царска къща та изгори царската къща с огън, и себе си в нея, и умря,

19 d embiyadiisii uu dembaabay markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo uu ku socday jidkii Yaaraabcaam, iyo dembigii uu sameeyey ee uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.

за греховете, с които съгреши, като върши зло пред Господа, и ходи в пътя на Еровоама и в греха, който стори, като направи Израиля да греши.

20 H addaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil? Coomrii, Boqorkii Dalka Israa'iil

А останалите дела на Зимрия, и измяната, която извърши не са ли написани в Книгата на летописите на Израилевите царе?

21 M arkaasaa dadkii dalka Israa'iil laba meelood u kala qaybsamay; dadkii badhkiis wuxuu raacay Tibnii oo ahaa ina Giinad, oo boqor bay ka dhigteen; badhkii kalena wuxuu raacay Coomrii.

Тогава Израилевите люде се разделиха на две части: половината от людете последваха Тивния Гинатовия син, за да направят него цар, а половината последваха Амрия.

22 L aakiinse dadkii Coomrii raacay waxay ka adkaadeen dadkii raacay Tibnii ina Giinad. Markaasaa Tibnii dhintay, Coomriina boqor buu noqday.

Но людете, които последваха Амрия, надделяха над людете, които последваха Тивния Гинатовия син; и Тивний умря, а възцари се Амрий.

23 O o Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.

В тридесет и първата година на Юдовия цар Аса, се възцари Амрий над Израиля и царува дванадесет години. И когато беше царувал шест години в Терса,

24 O o Shemer ayuu buurtii Samaariya kaga iibsaday laba talanti oo lacag ah; markaasuu buurta dusheedii magaalo ka dhisay, oo magaaladii uu dhisay magaceediina wuxuu u bixiyey Samaariya, oo wuxuu ku magacaabay ninkii Shemer ahaa ee buurta lahaa.

купи самарийския хълм от Семера за два таланта сребро; и съгради град на хълма и нарече града, който съгради, Самария, по името на Семера, притежателя на хълма.

25 O o Coomriina wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku kacay shar ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

Амрий върши зло пред Господа, даже вършеше по-зле от всичките що бяха преди него;

26 O o wuxuu ku socday jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan, iyo dembiyadii uu dadkii Israa'iil dembaajiyey ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.

защото ходеше във всичките пътища на Еровоама Наватовия син, и в неговия грях, чрез който направи Израиля да греши та да разгневят Господа Израилевия Бог със суетите си.

27 H addaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?

А останалите дела, които Амрий направи, и юначествата, които показа, не са ли написани в Книгата на летописите на Израилевите царе?

28 M arkaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday. Axaab, Boqorkii Dalka Israa'iil

И Амрий заспа с бащите си, и биде погребан в Самария; а вместо него се възцари син му Ахаав.

29 O o Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.

И в тридесет и осмата година на Юдовия цар Аса, се възцари над Израиля Ахаав Амриевият син; и Ахаав Амриевият син царува над Израиля в Самария двадесет и две години.

30 O o Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

А Ахаав, Амриевият син, върши зло пред Господа повече от всичките, които бяха преди него.

31 M arkaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

И като, че беше малко това, че ходеше в греховете на Еровоама Наватовия син, при това той взе за жена Езавел, дъщеря на сидонския цар Етваал, и отиде да служи на Ваала и да му се покланя.

32 O o Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.

И издигна жертвеник на Ваала във Вааловото капище, което построи в Самария.

33 O o haddana Axaab wuxuu sameeyey geed Asheeraah, oo Axaab haddana wuu ka sii xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil si ka sii daran boqorradii dalka Israa'iil ee isaga ka horreeyey oo dhan.

Ахаав направи и ашера; тъй че от всичките Израилеви царе, които бяха преди него, Ахаав извърши най-много да разгневи Господа Израилевия Бог.

34 O o wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun.

В неговите дни ветилецът Хиил съгради Ерихон; тури основите му със смъртта на първородния си син Авирон, и постави вратите му със смъртта на най-младия си син Селув, според словото, което Господ говори чрез Исуса Навиевия син.