Samuu'eel Labaad 5 ~ 2 Царе 5

picture

1 M arkaasaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Daa'uud ugu yimaadeen Xebroon, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay laftaada iyo jidhkaaga.

Тогава всичките Израилеви племена дойдоха при Давида в Хеврон и говориха, казвайки: Ето, твоя кост и твоя плът сме ние.

2 W aagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil.

И по-напред, още докато Саул царуваше над нас, ти беше, който извеждаше и въвеждаше Израиля; а на тебе рече Господ: Ти ще пасеш людете Ми Израиля, и ти ще бъдеш вожд над Израиля.

3 S idaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.

И така, всичките Израилеви старейшини дойдоха при царя в Хеврон, и цар Давид направи завет с тях пред Господа в Хеврон; и те помазаха Давида цар над Израиля.

4 O o Daa'uudna soddon sannadood buu jiray markuu bilaabay inuu boqor noqdo, oo wuxuuna boqor ahaa afartan sannadood.

Давид беше на тридесет години, когато се възцари, и царуваше четиридесет години.

5 O o reer Yahuudahna wuxuu Xebroon ugu talinayay toddoba sannadood iyo lix bilood, oo reer Israa'iil oo dhan iyo reer Yahuudahna wuxuu Yeruusaalem ugu talinayay saddex iyo soddon sannadood. Daa'uud Oo Qabsaday Yeruusaalem

В Хеврон царува над Юда седем години и шест месеца; а в Ерусалим царува над целия Израил и Юда тридесет и три години.

6 O o boqorkii iyo raggiisiiba waxay tageen Yeruusaalem, inay ku duulaan reer Yebuus oo ahaa dadkii dalka degganaa, kuwaasoo la hadlay Daa'uud oo ku yidhi, Adoo kuwa indhaha la' iyo curyaannada qaada mooyaane halkan iman maysid, waayo, waxay u maleeyeen inuusan Daa'uud halkaas iman karin.

След това царят отиде с мъжете си в Ерусалим против евусците, жителите на земята; а те говориха на Давида казвайки: Няма да влезеш тук; но и слепите и куците ще те отблъснат; защото си думаха: Давид не ще може да влезе тука.

7 H abase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud.

Обаче Давид превзе крепостта Сион; това е Давидовият град.

8 M arkaasaa Daa'uud maalintaas wuxuu yidhi, Ku alla kii reer Yebuus laayaa, ha tago meesha biyomareenka ah, oo ha ku laayo curyaannada iyo indhoolayaasha oo neceb Daa'uud naftiisa. Sidaas daraaddeed waxay leeyihiin, Indhoolayaasha iyo curyaannadu yaanay guriga soo gelin.

И в оня ден Давид каза: Който удари евусците, нека хвърли във вадата слепите и куците, които са омразни на Давидовата душа; понеже и слепите и куците бяха казали, че той няма да влезе в жилището им.

9 O o Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, wuxuuna u bixiyey magaaladii Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu dhisay hareeraheedii iyo tan iyo Millo ilaa gudaha.

И Давид се засели в крепостта, която и нарече Давидов град. И Давид построи здания около Мило и навътре.

10 O o Daa'uudna aad iyo aad buu u sii xoogaystay; waayo, waxaa isaga la jiray Rabbiga ah Ilaaha ciidammada.

Така Давид преуспяваше и ставаше по-велик; и Господ Бог на Силите беше с него.

11 M arkaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo nijaarro iyo wastaadyo, oo iyana guri bay Daa'uud u dhiseen.

В това време тирският цар Хирам прати посланици при Давида, и кедрови дървета, дърводелци, и зидари, та построиха къща за Давида.

12 O o Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.

И Давид позна, че Господ го бе утвърдил за цар над Израиля, и че беше възвисил царството му заради людете Си Израиля.

13 O o Daa'uudna weliba Yeruusaalem ayuu ka guursaday addoommo iyo naago kale markuu Xebroon ka yimid dabadeed, oo weliba waxaa Daa'uud u dhashay wiilal iyo gabdho.

И Давид си взе още наложници и жени от Ерусалим, след като дойде от Хеврон; и родиха се на Давида още синове и дъщери.

14 O o kuwanuna waa kuwii isaga Yeruusaalem ugu dhashay magacyadoodii: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,

Ето имената на ония, които му се родиха в Ерусалим: Самуа, Совав, Натан, Соломон,

15 i yo Yibxaar, iyo Eliishuuca, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,

Евар, Елисуа, Нефег, Яфия,

16 i yo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled. Daa'uud Oo Ka Guulaystay Reer Falastiin

Елисама, Елиада и Елифалет.

17 O o reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.

А когато филистимците чуха, че помазали Давида за цар над Израиля, всичките филистимци дойдоха да търсят Давида; а Давид като чу за това, слезе в крепостта.

18 H addaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

И тъй, филистимците дойдоха та се разпростряха в долината Рафаил.

19 M arkaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu Daa'uud ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, hubaal reer Falastiin waan kuu soo gacangelinayaa.

Тогава Давид се допита до Господа, казвайки: Да възляза ли против филистимците? ще ги предадеш ли в ръката ми? И Господ каза на Давида: Възлез, защото непременно ще предам филистимците в ръката ти.

20 M arkaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim.

И тъй, Давид дойде във Ваал-ферасим; и Давид ги порази там, като рече: Господ избухна пред мене върху неприятелите ми както избухват водите. За туй, онова място се нарече Ваал-ферасим.

21 I yana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii.

Там филистимците оставиха идолите си; а Давид и мъжете му ги дигнаха.

22 H addana reer Falastiin mar kalay soo kaceen oo dooxadii Refaa'iim ku firdheen.

И филистимците пак дойдоха та се разпростряха по долината Рафаим.

23 O o Daa'uudna markuu Rabbiga wax weyddiiyey ayaa Rabbigu ku yidhi, Waa inaadan ku kicin, laakiinse xagga dambe ka mar oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.

А когато Давид се допита до Господа, Той каза: Не възлизай; обиколи изотзаде им та ги нападни срещу черниците.

24 O o markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, kolkaas waa inaad dhaqsataa, waayo, Rabbigu waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.

И когато чуеш шум, като от маршируване по върховете на черниците, тогава да се подвижиш, защото тогава Господ ще излезе пред тебе да порази филистимското множество.

25 O o Daa'uudna sidii buu yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu reer Falastiin ku laynayay ilaa Gebac iyo tan iyo Geser.

И Давид стори както му заповяда Господ, и порази филистимците от Гава до входа на Гезер.