1 M arkaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi: Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay, Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday. Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda, Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
Тогава Анна се помоли, като казваше:- Развесели се сърцето ми в Господа; Въздигна се рога ми чрез Господа; Разшириха се устата ми срещу неприятелите ми, Защото се развеселих в спасението Ти.
2 M id quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro, Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
Няма свет какъвто е Господ; Защото няма друг освен Тебе, Нито канара като нашия Бог.
3 H adal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina; Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin; Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan, Falimahana isagaa miisaama.
Не продължавайте да говорите горделиво; Да не излезе високомерие из устата ви; Защото Господ е Бог на знания, И от него се претеглят делата.
4 R aggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin, Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.
Лъковете на силните се строшиха; И немощните се препасаха със сила.
5 K uwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen, Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba, Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
Ситите се пазариха за хляб; А гладните престанаха да гладуват. Ей, и не плодната роди седем, А многодетната изнемощя.
6 R abbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa; Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.
Господ умъртвява, и съживява; Сваля в ада, и възвежда.
7 R abbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
Господ осиромашава човека, и обогатява; Смирява човека, и въздига.
8 O o miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.
Въздига бедния от пръстта, И възвишава сиромаха от бунището, За да ги направи да седнат между князете, И да наследят славен престол; Защото стълбовете на земята са на Господа, Който и постави на тях вселената.
9 K uwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
Ще пази нозете на светиите Си; А нечестивите ще погинат в тъмнината; Понеже със сила не ще надделее човек.
10 K uwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
Противниците на Господа ще се сломят; Ще гръмне от небето против тях; Господ ще съди краищата на земята, И ще даде сила на царя Си, И ще въздигне рога на помазаника Си.
11 M arkaasaa Elqaanaah wuxuu tegey Raamaah iyo xaggii gurigiisii. Oo wiilkiina wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray wadaadkii Ceelii hortiisa. Wiilashii Sharka Lahaa Ee Ceelii
Тогава Елкана си отида у дома си в Рама. А детето слугуваше Господу пред свещеника Илия.
12 H addaba Ceelii wiilashiisii waxay ahaayeen wiilal waxmatarayaal ah, oo Rabbiga ma ay aqoon.
А Илиевите синове бяха лоши човеци, които не познаваха Господа.
13 H addaba caadadii wadaaddadu dadka la lahaayeen waxay ahayd, in markii nin uun allabari bixiyo uu midiidinka wadaadku iman jiray, inta hilibka la karinayo, isagoo gacanta ku sita hilibqabato saddex farood leh,
Тия свещеници постъпваха към людете така: когато някой принасяше жертва, като се вареше месото, слугата на свещеника дохождаше с тризъбна вилица в ръка
14 o o wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen.
и забождаше я в тенджерата или в котела, или в котлето, или в гърнето; и каквото издигаше вилицата, свещеникът го вземаше за себе си. Така постъпваха в Сило с всичките израилтяни, които дохождаха там.
15 O o weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.
Даже и преди да изгорят тлъстината, слугата на свещеника дохождаше та казваше на човека, който принасяше жертвата: Дай на свещеника месото за печене, защото няма да приеме от тебе варено месо, но сурово.
16 O o haddii ninku ku yidhaahdo, Marka hore baruurta hubaal waa la gubayaa, dabadeedse intii naftaadu jeceshahay qaado; markaas wuxuu ku odhan jiray, Maya, saas ma aha, laakiinse haatan i sii, haddii kalese, xoog baan ku qaadan doonaa.
И ако човекът му речеше: Нека изгорят първо тлъстината, и сетне си вземи колкото желае душата ти, тогава казваше: Не, но сега ще дадеш, и ако не, ще взема на сила.
17 O o raggii dhallinyarada ahaa dembigoodii aad buu ugu weynaa Rabbiga hortiisa; waayo, raggii waxay quudhsan jireen qurbaankii Rabbiga.
Така грехът на тия младежи беше твърде голям пред Господа; защото човеците се отвращаваха от Господната жертва.
18 L aakiinse Samuu'eel wuxuu ka adeegi jiray Rabbiga hortiisa, isagoo wiil yar ah, ee guntan eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.
А Самуил слугуваше пред Господа, дете препасано с ленен ефод.
19 O o weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda.
И майка му правеше за него горна дрешка та му донасяше всяка година, когато дохождаше с мъжа си, за да принесе годишната жертва.
20 O o Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.
И Илий благослови Елкана и жена му, като каза: Господ да ти даде рожба от тая жена вместо заема, който дадохте на Господа. И те отидоха на мястото си.
21 O o Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.
И Господ посети Анна; и тя зачна и роди три сина и две дъщери. А детето Самуил растеше пред Господа.
22 O o Ceeliina aad buu u gaboobay; oo wuxuuna maqlay wixii ay wiilashiisu reer binu Israa'iil oo dhan ku sameeyeen, iyo inay la seexdeen dumarkii ka adeegi jiray iridda teendhada shirka.
А като беше Илий много стар, чу всичко, що прави синовете му на целия Израил, и как лежали с жените, които слугували при входа на шатъра за срещане.
23 M arkaasuu wuxuu ku yidhi iyagii, War maxaad waxyaalaha caynkaas ah u samaysaan? Waayo, waxaan dadkan oo dhan ka maqlay macaamilooyinkiinna xunxun.
И той им рече: Защо правите такива работи? понеже слушам лоши работи за вас от всички тия люде.
24 M aya, wiilashaydiiyow, waayo, warkaan maqlay ma wanaagsana, maxaa yeelay, idinku dadka Rabbiga waad xadgudbisaan.
Недейте, чада мои; защото не е добър слухът, който чувам; вие правите Господните люде да стават престъпници.
25 H addii nin mid kale ku dembaabo, Ilaah baa isaga xukumi doona, laakiinse nin hadduu Rabbiga ku dembaabo, bal yaa isaga u baryootami doona? Laakiinse iyagu ma ay dhegaysan codkii aabbahood, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu doonayay inuu dilo iyaga.
Ако сгреши човек на човека ще стане моление Богу за него; но ако съгреши някой Господу, кой ще се моли за него? Но те не послушаха гласа на баща си, защото Господ щеше да ги погуби.
26 O o yarkii Samuu'eel ahaana wuu sii koray, oo Rabbiga iyo dadkuba raalli bay ka ahaayeen. Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Reer Ceelii
А детето Самуил растеше и придобиваше благоволението и на Господа и на човеците.
27 M arkaasaa Ceelii waxaa u yimid nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi isagii, Sidanaa Rabbigu leeyahay, Reerkii aabbahaa miyaan isu muujiyey markay Masar joogeen oo ay ku hoos jireen addoonsigii reerkii Fircoon?
Тогава дойде един Божий човек при Илия та му рече: Така казва Господ: Не съм ли Се открил явно на бащиния ти дом когато те бяха в Египет у Фараоновия дом?
28 O o miyaan isaga ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu wadaad ii noqdo, iyo inuu ku allabaryo meeshayda allabariga, iyo inuu uunsi shido, iyo inuu hortayda eefod ku xidho? Oo miyaan reerkii aabbahaa siiyey qurbaannadii reer binu Israa'iil oo dhan ee dab lagu sameeyo?
И не съм ли избрал него измежду всичките Израилеви племена за Мой свещеник, за да принесе жертвата на олтара Ми, да гори темян и да носи ефод пред Мене? И не съм ли дал на бащиния ти дом всичките приноси чрез огън от израилтяните?
29 W ar maxaad u quudhsataan allabarigayga iyo qurbaankayga aan ku dhex amray rugtayda; oo maxaad wiilashaada iiga murwad badisaa, ee aad naftiinna ugu cayilisaan dadkayga reer binu Israa'iil qurbaannadooda oo dhan inta ugu wanaagsan?
Защо, прочее, ритате жертвата Ми и приноса Ми, който съм заповядал да принасят в жилището Ми, и почитат синовете си повече от Мене, за да се гоите с по-доброто от всичките приноси на людете Ми Израиля?
30 S idaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idhi, Hubaal reerkaaga iyo reerka aabbahaaba hortayday ku socon doonaan weligood. Laakiinse haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Taasu ha iga fogaato, waayo, kuwa i murweeya waan murwayn doonaa, oo kuwa i quudhsadana waa la fududaysan doonaa.
Затова Господ Израилевият Бог каза: Аз наистина думах, че твоят дом и домът на баща ти ще да ходят пред Мене до века; но сега Господ каза: Далеч от Мене! защото ония, които славят Мене, тях ще прославя Аз, а ония, които Ме презират, ще бъдат презрени.
31 B al eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.
Ето, идат дните, когато ще пресека мишцата на бащиния ти дом, така щото да няма старец в дома ти.
32 O o waxaad arki doontaa dhibaatada rugtayda markii Ilaah reer binu Israa'iil maal siiyo, oo reerkaaguna nin da' weyn ma yeelan doono weligiisba.
И според всичките блага, които ще се дадат на Израиля, в жилището Ми ще видиш утеснение; и не ще има старец в дома ти до века.
33 O o haddii la helo nin kaa ah ee aanan meeshayda allabariga ka gooyn, kaasu indhahaaguu gubi doonaa oo qalbigaaguu murugayn doonaa, oo dadkii reerkaaga ka dhashaana dhallinyaronimada ayay ku dhiman doonaan dhammaantood.
И оня от твоите, когото не отсека от олтара Си, ще бъде за изнуряване на очите ти и за огорчаване на душата ти; и всичките внуци на дома ти ще умират в средна възраст.
34 O o tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamo, waana waxa ku dhici doona labadaada wiil ee ah Hofnii iyo Fiinexaas, oo labadooduba isku maalin bay dhiman doonaan.
И това, което ще дойде върху двамата ти сина, върху Офния и Финееса, ще ти бъде знамение: в един ден и двамата ще умрат.
35 O o anigu waxaan kicin doonaa wadaad aamin ah kaasoo samayn doona waxa ku jira qalbigayga iyo maankayga; oo anna waxaan isaga u dhisi doonaa reer ammaan ah, oo isna weligiis wuxuu ku hor socon doonaa kayga subkan.
И Аз ще си въздигна верен свещеник, който ще постъпва според това, което е в сърцето Ми и в душата Ми; и ще съградя непоколебим дом; и той ще ходи пред помазаника Ми до века.
36 O o waxaa dhici doona in kuwa reerkaaga ka hadha oo dhammu ay u iman doonaan oo ku hor dhici doonaan isaga, iyagoo ka tuugaya gogo' lacag ah iyo xabbad kibis ah, oo waxay ku odhan doonaan, Waan ku baryayaaye, hawsha wadaaddada middood i sii si aan u cuno xabbad kibis ah.
А всеки, който остане в твоя дом, ще дохожда да му се кланя за малко пари и за един хляб, и ще казва: Назначи ме, моля, на някоя от свещеническите служби, за да ям едно късче хляб.