Yeremyaah 41 ~ Jeremías 41

picture

1 H addaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen.

Y ACONTECIO en el mes séptimo, que vino Ismael hijo de Nethanías, hijo de Elisama, de la simiente real, y algunos príncipes del rey, y diez hombres con él, á Gedalías hijo de Ahicam en Mizpa; y comieron pan juntos allí en Mizpa.

2 M arkaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.

Y levantóse Ismael hijo de Nethanías, y los diez hombres que con él estaban, é hirieron á cuchillo á Gedalías hijo de Ahicam, hijo de Saphán, matando así á aquel á quien el rey de Babilonia había puesto sobre la tierra.

3 O o weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan.

Asimismo hirió Ismael á todos los Judíos que estaban con él, con Gedalías en Mizpa, y á los soldados Caldeos que allí se hallaron.

4 O o maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn

Sucedió además, un día después que mató á Gedalías, cuando nadie lo sabía aún,

5 a yaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan.

Que venían unos hombres de Sichêm y de Silo y de Samaria, ochenta hombres, raída la barba, y rotas las ropas, y arañados y traían en sus manos ofrenda y perfume para llevar á la casa de Jehová.

6 O o Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya.

Y de Mizpa salióles al encuentro, llorando, Ismael hijo de Nethanías: y aconteció que como los encontró, díjoles: Venid á Gedalías, hijo de Ahicam.

7 O o markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen.

Y fue que cuando llegaron al medio de la ciudad, Ismael hijo de Nethanías los degolló, y echólos en medio de un aljibe, él y los hombres que con él estaban.

8 L aakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn.

Mas entre aquellos fueron hallados diez hombres que dijeron á Ismael: No nos mates; porque tenemos en el campo tesoros de trigos, y cebadas, y aceite, y miel. Y dejólos, y no los mató entre sus hermanos.

9 H addaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii.

Y el aljibe en que echó Ismael todos los cuerpos de los hombres que hirió por causa de Gedalías, era el mismo que había hecho el rey Asa por causa de Baasa, rey de Israel: llenólo de muertos Ismael, hijo de Nethanías.

10 M arkaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.

Después llevó Ismael cautivo á todo el resto del pueblo que estaba en Mizpa; á las hijas del rey, y á todo el pueblo que en Mizpa había quedado, el cual había Nabuzaradán capitán de la guardia encargado á Gedalías hijo de Ahicam. Llevólos pues cautivos Ismael hijo de Nethanías, y se fué para pasarse á los hijos de Ammón.

11 L aakiinse Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhammu markay maqleen xumaantii uu Ismaaciil ina Netanyaah sameeyey oo dhan

Y oyó Johanán hijo de Carea, y todos los príncipes de la gente de guerra que estaban con él, todo el mal que había hecho Ismael, hijo de Nethanías.

12 a yay kaxaysteen raggii oo dhan, oo waxay u keceen inay Ismaaciil ina Netanyaah la diriraan, oo isagay ka ag heleen biyihii badnaa ee Gibecoon ku yaal.

Entonces tomaron todos los hombres, y fueron á pelear con Ismael hijo de Nethanías, y halláronlo junto á Aguas-muchas, que es en Gabaón.

13 O o dadkii Ismaaciil ina Netanyaah watay oo dhammu markay arkeen Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada oo isaga la jiray oo dhan ayay wada farxeen.

Y aconteció que como todo el pueblo que estaba con Ismael vió á Johanán hijo de Carea, y á todos los príncipes de la gente de guerra que estaban con él, se alegraron.

14 S idaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax.

Y todo el pueblo que Ismael había traído cautivo de Mizpa, tornáronse, y volvieron, y fuéronse á Johanán hijo de Carea.

15 L aakiinse Ismaaciil ina Netanyaah Yooxaanaan wuu ka baxsaday, oo intuu siddeed nin la cararay ayuu reer Cammoon u tegey. Cararkii Masar

Mas Ismael hijo de Nethanías se escapó delante de Johanán con ocho hombres, y se fué á los hijos de Ammón.

16 M arkaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la jirtay oo dhammu waxay soo kexeeyeen dadkii hadhay ee uu dhammaan ka soo caymiyey Ismaaciil ina Netanyaah markuu Misfaah ku dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam dabadeed, oo kuwaasu waxay ahaayeen raggii dagaalka, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo bohommadii ee uu ka soo celiyey Gibecoon.

Y Johanán hijo de Carea, y todos los príncipes de la gente de guerra que con él estaban, tomaron todo el resto del pueblo que habían recobrado de Ismael hijo de Nethanías, de Mizpa, después que hirió á Gedalías hijo de Ahicam: hombres de guerra, y mujeres, y niños, y los eunucos que Johanán había hecho tornar de Gabaón;

17 O o iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,

Y fueron y habitaron en Geruth-chimham, que es cerca de Bethlehem, á fin de partir y meterse en Egipto,

18 m axaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.

Por causa de los Caldeos: porque temían de ellos, por haber herido Ismael hijo de Nethanías á Gedalías hijo de Ahicam, al cual el rey de Babilonia había puesto sobre la tierra.