Boqorradii Labaad 16 ~ 2 Reyes 16

picture

1 F eqax ina Remalyaah sannaddiisii toddoba iyo tobnaad ayaa Aaxaas ina Yootam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

EN el año diecisiete de Peka hijo de Remalías, comenzó á reinar Achâz hijo de Jotham rey de Judá.

2 A axaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood; oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa; oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku qumman.

Cuando comenzó á reinar Achâz, era de veinte años, y reinó en Jerusalem dieciséis años: y no hizo lo recto en ojos de Jehová su Dios, como David su padre;

3 L aakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

Antes anduvo en el camino de los reyes de Israel, y aun hizo pasar por el fuego á su hijo, según las abominaciones de las gentes que Jehová echó de delante de los hijos de Israel.

4 O o isna wuxuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kastoo dheer oo doog ah hoostiisaba.

Asimismo sacrificó, y quemó perfumes en los altos, y sobre los collados, y debajo de todo árbol umbroso.

5 M arkaasaa waxaa Yeruusaalem ku soo kacay Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay la diriraan; wayna hareereeyeen Aaxaas, laakiinse way ka adkaan kari waayeen.

Entonces Resín rey de Siria, y Peka hijo de Remalías rey de Israel, subieron á Jerusalem para hacer guerra, y cercar á Achâz; mas no pudieron tomarla.

6 O o waagaas Resiin oo ahaa boqorkii reer Suuriya wuxuu Suuriya u soo celiyey Eelad, oo Yuhuuddiina wuu ka eryay Eelad, markaasay reer Suuriya Eelad yimaadeen, oo ilaa maantana way deggan yihiin.

En aquel tiempo Resín rey de Siria restituyó Elath á Siria, y echó á los Judíos de Elath; y los Siros vinieron á Elath, y habitaron allí hasta hoy.

7 S idaas daraaddeed Aaxaas wuxuu farriin u diray Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay addoonkaagii iyo wiilkaagiiba, haddaba ii kaalay oo iga badbaadi boqorka Suuriya iyo boqorka dalka Israa'iil kuwaas oo igu kacay.

Entonces Achâz envió embajadores á Tiglath-pileser rey de Asiria, diciendo: Yo soy tu siervo y tu hijo: sube, y defiéndeme de mano del rey de Siria, y de mano del rey de Israel, que se han levantado contra mí.

8 O o Aaxaas wuxuu qaaday lacagtii iyo dahabkii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorkaba, oo wuxuu hadiyad ahaan ugu diray boqorkii Ashuur.

Y tomando Achâz la plata y el oro que se halló en la casa de Jehová, y en los tesoros de la casa real, envió al rey de Asiria un presente.

9 O o boqorkii Ashuurna wuu maqlay; markaasaa boqorkii Ashuur Dimishaq ku kacay oo qabsaday, oo dadkiina maxaabiis ahaan buu Qiir ugu kaxaystay, oo Resiinna wuu dilay.

Y atendióle el rey de Asiria; pues subió el rey de Asiria contra Damasco, y tomóla, y trasportó los moradores á Kir, y mató á Resín.

10 O o Boqor Aaxaasna wuxuu Dimishaq u tegey inuu Tiglad Fileser oo ahaa boqorkii Ashuur la kulmo, oo wuxuu arkay meeshii allabariga ee Dimishaq ku tiil; markaasaa Boqor Aaxaas wuxuu wadaadkii Uuriyaah ahaa u diray tilmaantii meeshii allabariga siday u ekayd iyo siduu hanaankeedu ahaa iyo sidii loo sameeyey oo dhan.

Y fué el rey Achâz á encontrar á Tiglath-pileser rey de Asiria en Damasco; y visto que hubo el rey Achâz el altar que estaba en Damasco, envió á Urías sacerdote el diseño y la descripción del altar, conforme á toda su hechura.

11 M arkaasaa wadaadkii Uuriyaah ahaa u dhisay meel allabari sidii Boqor Aaxaas Dimishaq ka soo diray oo kale, oo wadaadkii Uuriyaah ahaa taas buu sameeyey intuusan Boqor Aaxaas Dimishaq ka iman.

Y Urías el sacerdote edificó el altar; conforme á todo lo que el rey Achâz había enviado de Damasco, así lo hizo el sacerdote Urías, entre tanto que el rey Achâz venía de Damasco.

12 O o markuu boqorkii Dimishaq ka yimid wuxuu arkay meeshii allabariga, markaasuu u dhowaaday meeshii allabariga oo wax buu ku dul bixiyey.

Y luego que vino el rey de Damasco, y hubo visto el altar, acercóse el rey á él, y sacrificó en él;

13 O o wuxuu meeshii allabariga ku dul gubay qurbaankiisii la gubi jiray iyo qurbaankiisii hadhuudhka ahaa, oo qurbaankiisii cabniinka wuu ku dul shubay, oo wuxuu ku saydhsaydhay dhiiggii qurbaannadiisii nabaadiinada.

Y encendió su holocausto, y su presente, y derramó sus libaciones, y esparció la sangre de sus pacíficos junto al altar.

14 O o meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiilna wuu ka soo qaaday guriga hortiisii iyo meeshii u dhexaysay meeshiisa allabariga iyo gurigii Rabbiga, oo wuxuu dhigay meeshiisii allabariga dhinaceeda woqooyi.

Y el altar de bronce que estaba delante de Jehová, hízolo acercar delante de la frontera de la casa, entre el altar y el templo de Jehová, y púsolo al lado del altar hacia el aquilón.

15 O o Boqor Aaxaas wuxuu amray wadaadkii Uuriyaah ahaa, oo ku yidhi, Meesha allabariga oo weyn waxaad dusheeda ku gubtaa qurbaanka la gubo oo subaxda, iyo qurbaanka hadhuudhka ah oo fiidnimada, iyo qurbaanka la gubo ee boqorka, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo dadka dalka deggan oo dhan, iyo qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka; oo dhiigga qurbaanka la gubo oo dhanna dusheeda ku saydhsaydh, iyo dhiigga allabariga; laakiinse meesha allabariga ee naxaasta ahu ha ahaato mid aan wax ku weyddiisto.

Y mandó el rey Achâz al sacerdote Urías, diciendo: En el gran altar encenderás el holocausto de la mañana y el presente de la tarde, y el holocausto del rey y su presente, y asimismo el holocausto de todo el pueblo de la tierra y su presente y sus libaciones: y esparcirás sobre él toda la sangre de holocausto, y toda la sangre de sacrificio: y el altar de bronce será mío para preguntar en él.

16 H addaba wadaadkii Uuriyaah ahaa sidaasuu u wada yeelay wixii Boqor Aaxaas ku amray oo dhan.

E hizo el sacerdote Urías conforme á todas las cosas que el rey Achâz le mandó.

17 O o Boqor Aaxaasna wuxuu jaray saldhigyadii darfahoodii, oo berkeddii weysadana wuu ka kor qaaday, oo berkeddii naxaasta ahaydna wuu ka dejiyey dibidii hoosteeda ku jirtay, oo wuxuu saaray meel sallax ah.

Y cortó el rey Achâz las cintas de las basas, y quitóles las fuentes; quitó también el mar de sobre los bueyes de bronce que estaban debajo de él, y púsolo sobre el solado de piedra.

18 O o boqorkii Ashuur aawadiis ayuu gurigii Rabbiga ugu soo beddelay meeshii daboolnayd ee sabtida ee guriga looga dhex dhisay iyo meeshii boqorku ka soo geli jirayba.

Asimismo la tienda del sábado que habían edificado en la casa, y el pasadizo de afuera del rey, mudólos del templo de Jehová, por causa del rey de Asiria.

19 H addaba Aaxaas falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

Lo demás de los hechos de Achâz que puso por obra, ¿no está todo escrito en el libro de las crónicas de los reyes de Judá?

20 M arkaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

Y durmió el rey Achâz con sus padres y fué sepultado con sus padres en la ciudad de David: y reinó en su lugar Ezechîas su hijo.