Cantares 6 ~ Gabaygii Sulaymaan 6

picture

1 ¿ A dónde se ha ido tu amado, tú, la más hermosa entre las mujeres? ¿A dónde se dirigió tu amado, y lo buscaremos contigo? La esposa

Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday? Gacalisada Hadlaysaa

2 M i amado ha bajado a su jardín, a las eras de las especias, a apacentar en los huertos y recoger los lirios.

Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

3 ¡ Yo soy de mi amado, y mi amado es mío! Él apacienta entre los lirios. El esposo

Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda. Gacaliyaha Hadlayaa

4 A mada mía, eres bella como Tirsa, deseable como Jerusalén, imponente como ejércitos en orden de batalla.

Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.

5 ¡ Aparta tus ojos de mí, pues me subyugan! Tu cabello es como manada de cabras que bajan retozando las laderas de Galaad.

Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

6 T us dientes, como manada de ovejas que suben del baño, ninguna estéril, todas con crías gemelas.

Ilkahaaguna waa sida laxo Ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.

7 T us mejillas, como gajos de granada detrás de tu velo.

Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.

8 S esenta son las reinas, ochenta las concubinas, y las jóvenes, sin número;

Waxaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah, Iyo gabdho aan tiro lahayn.

9 m as única y perfecta es la paloma mía, la única de su madre, la escogida de quien la dio a luz. Las jóvenes la vieron y la llamaron «bienaventurada»; la alabaron las reinas y las concubinas. Coro

Laakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha. Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed, Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay. Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan, Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen. Saaxiibadaha Hadlayaa

10 « ¿Quién es ésta, que se muestra como el alba, hermosa como la luna, radiante como el sol, imponente como ejércitos en orden de batalla?» La esposa

Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale? Gacaliyaha Hadlayaa

11 B ajé al huerto de los nogales a ver los frutos del valle, a ver si brotaban las vides y florecían los granados.

Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada, Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.

12 L uego, antes de darme cuenta, mi alma me puso entre los carros de Aminadab. Coro

Anigoo aan garanayn ayaa nafsaddaydu iga dhigtay sida gaadhifardoodkii Cammiinaadiib oo kale. Saaxiibadaha Hadlayaa

13 ¡ Vuelve, vuelve, sulamita! ¡Vuelve, vuelve, que te veamos! La esposa ¿Qué miráis en la sulamita? Coro Que danza, como en los campamentos.

Tan reer Shuuleemay, soo noqo, soo noqo, Aan ku daawannee soo noqo, soo noqo. Gacaliyaha Hadlayaa Bal maxaad u daawanaysaan tan reer Shuuleem Sida cayaarta Maxanayim?