1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
El Señor habló a Moisés:
2 D adka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray. Maalinta Sabtida
“Habla a los Israelitas y diles: ‘Las fiestas señaladas del Señor, que ustedes habrán de proclamar como santas convocaciones, son éstas:
3 L ix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro meel kastoo aad deggan tihiinba. Kormaridda Iyo Kibista Aan Khamiirka Lahayn
Seis días se trabajará, pero el séptimo día será día de completo reposo, santa convocación en que no harán trabajo alguno; es día de reposo al Señor dondequiera que ustedes habiten.
4 K uwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray.
Estas son las fiestas señaladas por el Señor, santas convocaciones que ustedes proclamarán en las fechas señaladas para ellas:
5 B isha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.
En el mes primero, el día catorce del mes, al anochecer, es la Pascua del Señor.
6 O o isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan.
El día quince del mismo mes es la Fiesta de los Panes sin Levadura para el Señor; por siete días comerán pan sin levadura.
7 O o maalinta kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
En el primer día tendrán una santa convocación; no harán ningún trabajo servil.
8 L aakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban. Mirihii Ugu Horreeyey
Y durante siete días presentarán al Señor una ofrenda encendida. El séptimo día es santa convocación; no harán ningún trabajo servil.’”
9 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.
Entonces el Señor habló a Moisés:
10 D adka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.
“Di a los Israelitas: ‘Cuando ustedes entren en la tierra que Yo les daré, y sieguen su cosecha, entonces traerán al sacerdote una gavilla de las primicias de su cosecha.
11 O o isna xidhmada waa inuu ku ruxruxaa Rabbiga hortiisa si laydiin aqbalo, oo maalinta sabtida ka dambaysa wadaadku waa inuu ruxruxaa.
Y él mecerá la gavilla delante del Señor, a fin de que ustedes sean aceptados; el día siguiente al día de reposo el sacerdote la mecerá.
12 O o maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis.
El mismo día en que sea mecida la gavilla, ofrecerán un cordero de un año sin defecto como holocausto al Señor.
13 O o qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri, kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed.
La ofrenda de cereal será de 4. 4 litros (dos décimas de un efa ) de flor de harina mezclada con aceite, ofrenda encendida para el Señor, como aroma agradable, con su libación, un litro (un cuarto de hin) de vino.
14 O o waa inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas, jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba. Iidda Todobaadyada
Hasta ese mismo día, hasta que ustedes hayan traído la ofrenda de su Dios, no comerán pan, ni grano tostado, ni espiga tierna. Estatuto perpetuo será para todas sus generaciones dondequiera que habiten.
15 O o maalintii aad keenteen xidhmada qurbaanka la ruxruxo, oo ah maalinta ka dambaysa sabtida, waxaad ka tirsataan toddoba toddobaad oo kaamil ah.
Contarán desde el día que sigue al día de reposo, desde el día en que trajeron la gavilla de la ofrenda mecida; contarán siete semanas completas.
16 O o waxaad tirsataan konton maalmood ilaa maalinta ka dambaysa sabtida toddobaad, oo dabadeedna waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan hadhuudh cusub ah.
Contarán cincuenta días hasta el día siguiente al séptimo día de reposo; entonces presentarán una ofrenda de espiga tierna al Señor.
17 O o waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood, oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan midhaha ugu horreeya.
Traerán de sus moradas dos panes para ofrenda mecida, hechos de dos décimas de un efa; serán de flor de harina, amasados con levadura, como primeros frutos al Señor.
18 O o waxaad kibista la keentaan toddoba wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn, oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
Junto con el pan presentarán siete corderos de un año sin defecto, un novillo del ganado y dos carneros; serán holocausto al Señor, junto con sus ofrendas de cereal y sus libaciones, una ofrenda encendida como aroma agradable al Señor.
19 O o waa inaad bixisaan orgi qurbaan dembi ah iyo laba wan oo yaryar oo gu jira oo ah allabari qurbaanno nabaadiino ah.
Ofrecerán también un macho cabrío como ofrenda por el pecado y dos corderos de un año como sacrificio de las ofrendas de paz.
20 O o wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo iyaga ugula ruxruxaa kibista midhaha ugu horreeya oo raacda labada wan oo yaryar, oo iyagu quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan wadaadka aawadiis.
Entonces el sacerdote los mecerá junto con el pan de los primeros frutos y los dos corderos, como ofrenda mecida delante del Señor; serán cosa sagrada del Señor para el sacerdote.
21 O o isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
En este mismo día ustedes harán también una proclamación; habrán de tener una santa convocación. No harán ningún trabajo servil. Estatuto perpetuo será para todas sus generaciones dondequiera que habiten.
22 O o markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Iidda Buunanka
Cuando sieguen la cosecha de su tierra, no segarán hasta el último rincón de ella ni espigarán el sobrante de su cosecha; los dejarán para el pobre y para el extranjero. Yo soy el Señor su Dios.’”
23 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Otra vez el Señor habló a Moisés:
24 D adka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah.
“Di a los Israelitas: ‘En el séptimo mes, el primer día del mes, tendrán día de reposo, un memorial al son de trompetas, una santa convocación.
25 O o innaba waa inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo. Maalintii Kafaaraggudka
No harán ningún trabajo servil, pero presentarán una ofrenda encendida al Señor.’”
26 M arkaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
Y el Señor dijo a Moisés:
27 H abase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.
“A los diez días de este séptimo mes será el día de expiación; será santa convocación para ustedes, y humillarán sus almas y presentarán una ofrenda encendida al Señor.
28 O o isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
Tampoco harán ningún trabajo en este día, porque es día de expiación, para hacer expiación por ustedes delante del Señor su Dios.
29 O o qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.
Si alguna persona no se humilla en este mismo día, será cortada de su pueblo.
30 O o qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba, qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa.
Y a cualquier persona que haga trabajo alguno en este mismo día, a esa persona la exterminaré de entre su pueblo.
31 W aa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
Ustedes no harán, pues, trabajo alguno. Estatuto perpetuo será para sus generaciones dondequiera que habiten.
32 O o dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid. Iiddii Waababka
Será día de completo reposo para ustedes, y humillarán sus almas; a los nueve días del mes por la tarde, de una tarde a otra tarde, guardarán su reposo.”
33 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
De nuevo el Señor habló a Moisés:
34 L a hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa.
“Di a los Israelitas: ‘El día quince de este séptimo mes es la Fiesta de los Tabernáculos (de las Enramadas); se celebrará al Señor por siete días.
35 M aalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
El primer día es santa convocación; no harán ninguna clase de trabajo servil.
36 O o intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.
Durante siete días presentarán al Señor una ofrenda encendida. El octavo día tendrán una santa convocación, y presentarán al Señor una ofrenda encendida; es asamblea solemne. No harán trabajo servil.
37 K uwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.
Estas son las fiestas señaladas del Señor que proclamarán como santas convocaciones, para presentar ofrendas encendidas al Señor, holocaustos y ofrendas de cereal, sacrificios y libaciones, cada asunto en su propio día,
38 O o kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.
además de las ofrendas de los días de reposo del Señor, además de sus dones, y además de todos sus votos y ofrendas voluntarias que den al Señor.
39 H abase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn.
El día quince del mes séptimo, cuando hayan recogido el fruto de la tierra, celebrarán la fiesta del Señor por siete días, con reposo en el primer día y reposo en el octavo día.
40 O o maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah.
Y el primer día tomarán para ustedes frutos de árboles hermosos, hojas de palmera y ramas de árboles frondosos, y sauces de río; y se alegrarán delante del Señor su Dios por siete días.
41 O o sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.
Así la celebrarán como fiesta al Señor por siete días en el año. Será estatuto perpetuo para todas sus generaciones; la celebrarán en el mes séptimo.
42 I ntii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,
Habitarán en tabernáculos por siete días; todo nativo de Israel vivirá en tabernáculos,
43 s i farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
para que sus generaciones sepan que Yo hice habitar en tabernáculos a los Israelitas cuando los saqué de la tierra de Egipto. Yo soy el Señor su Dios.’”
44 O o Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.
Así declaró Moisés a los Israelitas las fiestas señaladas del Señor.