Yeremyaah 50 ~ Jeremías 50

picture

1 K anu waa eraygii ku saabsanaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin ee uu Rabbigu Nebi Yeremyaah faray.

La palabra que el Señor habló acerca de Babilonia, la tierra de los Caldeos, por medio del profeta Jeremías:

2 Q uruumaha ka dhex sheega, oo naadiya, oo calan kor u taaga. Naadiya, oo ha qarinina, oo waxaad tidhaahdaan, Baabuloon waa la qabsaday, Beel waa la ceebeeyey, Merodag waa la burburiyey, taswiiraheedii waa la ceebeeyey, oo sanamyadeediina waa la burburiyey.

“Anúncienlo entre las naciones y háganlo oír; Levanten estandarte, háganlo oír. No lo oculten, sino digan: ‘Ha sido tomada Babilonia, Está avergonzado Bel, destrozado Merodac; Han sido avergonzadas sus imágenes, destrozados sus ídolos.’

3 W aayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.

Porque ha subido contra ella una nación del norte Que hará de su tierra objeto de horror, Y no habrá habitante en ella. Tanto hombres como animales habrán huido, se habrán ido.

4 R abbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.

En aquellos días y en aquel tiempo,” declara el Señor “vendrán los Israelitas, ellos junto con los hijos de Judá; Vendrán andando y llorando, Y al Señor su Dios buscarán.

5 I yagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.

Preguntarán por el camino de Sion, Hacia donde volverán sus rostros; Vendrán para unirse al Señor En un pacto eterno que no será olvidado.

6 D adkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen.

Mi pueblo ha venido a ser como ovejas perdidas; Sus pastores las han descarriado, Haciéndolas vagar por los montes. Han andado de monte en collado Y han olvidado su lugar de descanso.

7 K u alla kii iyaga helayba wuu cunay, oo cadaawayaashoodiina waxay yidhaahdeen, Annagu dembi kuma lihin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku dembaabeen Rabbiga ah rugtii caddaaladda, kaasoo ah Rabbigii ahaa rajadii awowayaashood.

Todos los que los hallaban, los devoraban; Y sus enemigos han dicho: ‘No somos culpables, Porque ellos han pecado contra el Señor, morada de justicia, El Señor, esperanza de sus padres.’

8 B aabuloon dhexdeeda ka carara, oo dalka reer Kaldayiin ka dhex baxa, oo noqda sida orgiyo adhi hor socda oo kale.

Huyan de en medio de Babilonia, Y salgan de la tierra de los Caldeos; Sean como machos cabríos al frente del rebaño.

9 W aayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn.

Porque Yo hago despertar y subir contra Babilonia Una horda de grandes naciones de la tierra del norte, Que se alinearán para la batalla contra ella; Desde allí será llevada cautiva. Sus flechas serán como de diestro guerrero Que no vuelve con las manos vacías.

10 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.

Y Caldea se convertirá en botín; Todos los que la saqueen se saciarán,” declara el Señor.

11 K uwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale,

“Porque ustedes se alegran, porque se regocijan, Saqueadores de Mi heredad, Porque saltan como novilla trilladora Y relinchan como caballos sementales,

12 k olley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan.

Su madre se avergonzará en gran manera, Será humillada la que los dio a luz. Será la última de las naciones: Desierto, sequedal y lugar desolado.

13 C adhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa.

A causa del enojo del Señor, no será habitada, Sino que estará desolada toda ella; Todo el que pase por Babilonia se quedará atónito Y silbará a causa de todas sus heridas.

14 K uwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay.

Pónganse en orden contra Babilonia en derredor suyo, Todos los que entesan el arco; Tiren contra ella, no escatimen las flechas, Porque ha pecado contra el Señor.

15 H areeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.

Den grito de guerra en derredor contra ella. Se ha rendido, caen sus columnas, Son derribadas sus murallas. Porque ésta es la venganza del Señor: Tomen venganza de ella; Como ella ha hecho, así hagan con ella.

16 B aabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.

Exterminen de Babilonia al sembrador Y al que maneja la hoz en tiempo de la siega; Ante la espada opresora, Cada uno volverá a su pueblo, Cada uno huirá a su tierra.

17 D adka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.

“Rebaño descarriado es Israel; los leones lo han ahuyentado. Primero lo devoró el rey de Asiria, y después Nabucodonosor, rey de Babilonia, quebró sus huesos.

18 S idaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.

Por tanto, así dice el Señor de los ejércitos, el Dios de Israel: ‘Voy a castigar al rey de Babilonia y a su tierra, como castigué al rey de Asiria.

19 O o dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

Y volveré a traer a Israel a su pastizal (redil), y pastará en el Carmelo y en Basán, y se saciarán sus deseos en la región montañosa de Efraín y en Galaad.

20 R abbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.

En aquellos días y en aquel tiempo,’ declara el Señor ‘se buscará la iniquidad de Israel, pero no habrá ninguna, y los pecados de Judá, pero no se hallarán; porque perdonaré a los que Yo haya dejado como remanente.’

21 R abbigu wuxuu leeyahay, Ku soo kaca dalka Meraatayim, iyo dadka Feqood degganba. Laaya oo wada baabbi'iya oo sidaan idinku amray oo dhan yeela.

“Sube contra la tierra de Merataim, contra ella Y contra los habitantes de Pecod. Mátalos y destrúyelos,” declara el Señor, “y haz conforme a todo lo que te he ordenado.

22 D alka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood.

¡Hay estruendo de guerra en el país, Y gran destrucción!

23 D ubbihii dunida oo dhammu sidee buu u kala jabay oo uu u burburay! Baabuloon sidee bay quruumaha dhexdooda cidla ugu noqotay!

¡Cómo ha sido cortado y quebrado El martillo de toda la tierra! ¡Cómo se ha convertido Babilonia En objeto de horror entre las naciones!

24 B aabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay.

Babilonia, te puse lazo, y fuiste atrapada, Y tú no te diste cuenta; Has sido sorprendida y apresada Porque te pusiste a provocar al Señor.”

25 R abbigu meesha hubkiisuu furay, oo wuxuu soo bixiyey hubkii dhirifkiisa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay shuqul uu ku dhex samayn doono dalka reer Kaldayiin.

El Señor ha abierto Su arsenal Y ha sacado las armas de Su indignación, Porque ésta es obra del Señor, Dios de los ejércitos, En la tierra de los Caldeos.

26 Q uruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina.

Vengan contra ella desde los últimos confines; Abran sus graneros, Conviértanla en montones Y destrúyanla por completo; Que no le quede nada.

27 D ibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda!

Pasen a espada todos sus novillos; Que desciendan al matadero. ¡Ay de ellos, porque ha llegado su día, La hora de su castigo!

28 W axaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.

Se oye la voz de los que huyeron y escaparon de la tierra de Babilonia Anunciando en Sion la venganza del Señor nuestro Dios, La venganza de Su templo.

29 W axaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaalmariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

“Recluten arqueros contra Babilonia, A todos los que entesan el arco; Acampen contra ella por todos lados, Que no haya escape. Denle el pago conforme a su obra; Conforme a todo lo que ha hecho, así hagan con ella; Porque se ha vuelto insolente contra el Señor, Contra el Santo de Israel.

30 S idaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

Por tanto, sus jóvenes caerán en sus calles, Y todos sus hombres de guerra serán silenciados en aquel día,” declara el Señor.

31 S ayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.

“Estoy contra ti, arrogante,” declara el Señor, Dios de los ejércitos, “porque ha llegado tu día, La hora en que te castigaré.

32 O o kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.

Y la arrogante tropezará y caerá Sin que nadie la levante. Prenderé fuego a sus ciudades, El cual devorará todos sus alrededores.”

33 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan.

Así dice el Señor de los ejércitos: “Oprimidos están los Israelitas Y los hijos de Judá también; Todos los que los tomaron cautivos los han retenido, Se han negado a soltarlos.

34 B ixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo.

Pero su Redentor es fuerte, el Señor de los ejércitos es Su nombre; Defenderá su causa con energía Para traer reposo a la tierra Y turbación a los habitantes de Babilonia.

35 R abbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah.

Espada contra los Caldeos,” declara el Señor, “y contra los habitantes de Babilonia, Contra sus oficiales y sus sabios.

36 O o faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan.

Espada contra los impostores (falsos profetas, oráculos sacerdotes), y se volverán necios. Espada contra sus valientes, y serán destrozados.

37 O o seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa.

Espada contra sus caballos y contra sus carros, Y contra todos los extranjeros que están en medio de ella, Y serán como mujeres. Espada contra sus tesoros, y serán saqueados.

38 B iyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan.

Sequía sobre sus aguas, y se secarán; Porque es una tierra de ídolos, Y se vuelven locos por sus horribles ídolos.

39 S idaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono.

Por tanto, allí vivirán las fieras del desierto junto con las hienas, También vivirán avestruces en ella; Nunca más será habitada Ni poblada por generación y generación.

40 R abbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.

Como cuando Dios destruyó a Sodoma, A Gomorra y a sus ciudades vecinas,” declara el Señor “ningún hombre habitará allí, Ni residirá en ella hijo de hombre.

41 B al ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona.

Un pueblo viene del norte, Una gran nación, Y muchos reyes se levantarán De los confines de la tierra.

42 O o waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Baabuloonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.

Empuñan arco y jabalina; Son crueles y no tienen misericordia. Su voz ruge como el mar, Y a caballo van montados, Alineados como un solo hombre para la batalla Contra ti, hija de Babilonia.

43 B oqorkii Baabuloon ayaa warkoodii maqlay, markaasay gacmihiisii taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa isagii qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

El rey de Babilonia ha oído noticias de ellos, Y flaquean sus manos; La angustia se ha apoderado de él, Agonía como de mujer de parto.

44 B al eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?

Viene uno que subirá como león De la espesura del Jordán a una pradera de verdes pastos, Y en un instante lo haré huir de él, Y al que sea escogido nombraré sobre él. Porque ¿quién es como Yo y quién Me citará a juicio ? ¿Quién es el pastor que Me podrá resistir ?”

45 H addaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.

Por tanto, oigan el plan que el Señor ha trazado contra Babilonia, y los designios que ha decretado contra la tierra de los Caldeos; ciertamente los arrastrarán, aun a los más pequeños del rebaño; ciertamente a causa de ellos hará una desolación de su pastizal (redil).

46 D hulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.

Al grito de “¡Babilonia ha sido tomada!” La tierra tiembla y el clamor se oye entre las naciones.