Samuu'eel Labaad 15 ~ 2 Samuel 15

picture

1 O o taas dabadeedna Absaaloom ayaa diyaarsaday gaadhifardood iyo fardo, iyo konton nin oo hortiisa orodda.

Aconteció después de esto que Absalón consiguió un carro y caballos, y cincuenta hombres que corrieran delante de él.

2 M arkaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood.

Absalón se levantaba temprano y se situaba junto al camino de la puerta; y sucedía que todo aquél que tenía un pleito y venía al rey para juicio, Absalón lo llamaba y decía: “¿De qué ciudad eres?” Y éste respondía: “Tu siervo es de una de las tribus de Israel.”

3 M arkaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro.

Entonces Absalón le decía: “Mira, tu causa es buena y justa, pero nadie te va a escuchar de parte del rey.”

4 O o Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo!

Decía además Absalón: “¡Quién me nombrara juez en la tierra! Entonces todo hombre que tuviera pleito o causa alguna podría venir a mí y yo le haría justicia.”

5 O o waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray.

Y sucedía que cuando alguien se acercaba y se postraba ante él, él extendía su mano, lo levantaba y lo besaba.

6 O o reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.

De esta manera Absalón trataba a todo Israelita que venía al rey para juicio. Así Absalón robó el corazón de los hombres de Israel.

7 O o markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay.

Después de cuatro años, Absalón dijo al rey: “Le ruego me deje ir a Hebrón a pagar mi voto que he hecho al Señor.

8 W aayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa.

Pues su siervo prometió un voto mientras habitaba en Gesur, en Aram y dijo: ‘Si en verdad el Señor me hace volver a Jerusalén, entonces yo serviré al Señor.’”

9 B oqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon.

“Vete en paz,” le dijo el rey. Y él se levantó y fue a Hebrón.

10 L aakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon.

Pero Absalón envió espías por todas las tribus de Israel y dijo: “Tan pronto oigan el sonido de la trompeta, entonces dirán: ‘Absalón es rey en Hebrón.’”

11 O o Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn.

Con Absalón fueron 200 hombres de Jerusalén como invitados; fueron inocentemente, sin saber nada.

12 O o Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba. Cararkii Daa'uud

Y Absalón envió por Ahitofel el Gilonita, consejero de David, desde Gilo su ciudad, cuando ofrecía los sacrificios. Y la conspiración se hacía fuerte porque constantemente aumentaba la gente que seguía a Absalón.

13 O o markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.

Entonces un mensajero vino a David y le dijo: “El corazón de los hombres de Israel está con Absalón.”

14 D aa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

Y David dijo a todos sus siervos que estaban con él en Jerusalén: “Levántense y huyamos, porque si no, ninguno de nosotros escapará de Absalón. Vayan de prisa, no sea que nos alcance pronto, traiga desgracia sobre nosotros y hiera la ciudad a filo de espada.”

15 M arkaasaa boqorka addoommadiisii boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagoo ah addoommadaadu diyaar baannu u nahay inaannu samayno wax kasta oo aad doorato, boqorow, sayidkayagiiyow.

Y los siervos del rey le dijeron: “Sus siervos están listos para hacer todo lo que nuestro señor el rey quiera.”

16 M arkaasaa boqorkii baxay, isagoo reerkiisii oo dhammu daba socdaan. Oo boqorkii toban naagood oo addoommo ahaa ayuu uga tegey inay gurigii dhawraan.

Salió el rey, y toda su casa con él, dejando el rey a diez concubinas para cuidar la casa.

17 B oqorkiina wuu baxay, oo dadkii oo dhammuna isagay daba socdeen; oo meel fog bay joogsadeen.

Salió, pues, el rey y toda la gente con él, y se detuvieron en la última casa.

18 O o addoommadiisii oo dhammuna way dhinac mareen, iyaga iyo reer Kereetiim oo dhan, iyo reer Feleetii oo dhan, iyo reer Gad oo dhan, kuwaasoo ahaa lix boqol oo nin oo Gad ka soo raacday, dhammaantood boqorkii way hor mareen.

Todos sus siervos pasaron junto a él, todos los Cereteos, los Peleteos y todos los Geteos, 600 hombres que habían venido con él desde Gat; todos pasaron delante del rey.

19 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey.

Y el rey dijo a Itai el Geteo: “¿Por qué has de venir tú también con nosotros? Regresa y quédate con el rey, porque eres un extranjero y también un desterrado; regresa a tu lugar.

20 W axaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

Llegaste apenas ayer, ¿y he de hacer que vagues hoy con nosotros mientras yo voy por donde quiera ir ? Regresa y haz volver a tus hermanos, y que sean contigo la misericordia y la verdad.”

21 M arkaasaa Itay wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa, iyo noloshaada, boqorow, sayidkaygiiyow, sida runtaa meel alla meeshii aad joogtid, ama aan noolaado ama aan dhintee, anoo addoonkaaga ahuna halkaasaan joogayaa.

Pero Itai respondió al rey: “Vive el Señor y vive mi señor el rey, ciertamente dondequiera que esté mi señor el rey, ya sea para muerte o para vida, allí también estará su siervo.”

22 K olkaasaa Daa'uud wuxuu Itay ku yidhi, Haddaba tag oo gudub. Markaasaa Itay kii reer Gadna gudbay, isagii iyo raggiisii oo dhan, iyo yaryarkii la socday oo dhan.

Entonces David dijo a Itai: “Ve y pasa adelante.” Así Itai el Geteo pasó con todos sus hombres y con todos los pequeños que estaban con él.

23 O o waddankii oo dhanna waxaa lagaga ooyay cod weyn, oo dadkii oo dhammuna webigii way ka gudbeen; oo boqorka qudhiisii wuu ka gudbay toggii Qidroon, oo dadkii oo dhammuna waxay u gudbeen xagga cidlada.

Mientras todo el país lloraba en alta voz, todo el pueblo cruzó. El rey también cruzó el torrente Cedrón, y todo el pueblo pasó en dirección al desierto.

24 O o bal eeg, Saadooqna waa yimid, isagoo ay la socdaan reer Laawi oo dhan, oo sida sanduuqii axdiga Ilaah, markaasay sanduuqii Ilaah dhigeen, oo Aabyaataarna kor buu tegey, ilaa dadkii oo dhammu ay magaaladii ka soo gudbeen.

Y Sadoc pasó también, y todos los Levitas con él, llevando el arca del pacto de Dios. Y asentaron el arca de Dios, y Abiatar subió después que había terminado de pasar todo el pueblo que salía de la ciudad.

25 M arkaasaa boqorkii wuxuu Saadooq ku yidhi, Sanduuqa Ilaah qaad oo magaaladii ku celi. Hadduu Rabbigu raalli iga yahay, mar kaluu i soo celin doonaa, oo wuu i tusi doonaa isaga iyo rugta Ilaahba.

Entonces el rey dijo a Sadoc: “Haz volver el arca de Dios a la ciudad. Si hallo gracia ante los ojos del Señor, El me hará volver y me mostrará tanto el arca como Su morada.

26 L aakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.

Pero si El dijera así: ‘No me complazco en ti,’ mira, aquí estoy, que haga conmigo lo que bien le parezca.”

27 O o haddana boqorkii wuxuu wadaadkii Saadooq ahaa ku yidhi, Sow adigu wax arke ma tihid? Haddaba magaaladii ku nabad noqda, idinka iyo labadiinna wiil ee idinla jirta, kuwaas oo ah wiilkaaga Axiimacas iyo Yoonaataan oo ah ina Aabyaataar.

También el rey David dijo al sacerdote Sadoc: “¿ No eres vidente ? Regresa en paz a la ciudad, y con ustedes sus dos hijos, tu hijo Ahimaas, y Jonatán, hijo de Abiatar.

28 O o anna waxaan sii joogayaa meesha mareenka ah ee cidlada loogu sii gudbo, jeeruu war iiga kiin yimaado.

Miren, esperaré en los vados del desierto hasta que venga palabra de ustedes para informarme.”

29 S idaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.

Sadoc y Abiatar hicieron volver el arca de Dios a Jerusalén, y se quedaron allí.

30 O o Daa'uudna wuxuu fuulay jiirtii Buur Saytuun oo intuu sii socdayna wuu ooyayay, isagoo hagoogan, oo caga cad, oo dadkii la jiray oo dhammuna midkood waluba wuu hagoogtay, oo kor bay tageen, iyagoo ooyaya intay kor u sii socdeen.

David subía a la cuesta del Monte de los Olivos, y mientras iba, lloraba con la cabeza cubierta y los pies descalzos. Entonces todo el pueblo que iba con él cubrió cada uno su cabeza, e iban llorando mientras subían.

31 O o Daa'uud waxaa loo soo sheegay inuu Axiitofelna Absaaloom kula jiro shirqoolkii. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, Axiitofel taladiisa nacasnimo u beddel.

Alguien dio aviso a David: “Ahitofel está entre los conspiradores con Absalón.” Y David dijo: “Oh Señor, Te ruego, haz necio el consejo de Ahitofel.”

32 O o markii Daa'uud yimid jiirta dusheedii, meeshii Ilaah lagu caabudi jiray, waxaa u yimid Xuushay kii reer Arkii oo jubbaddiisii jeexjeexay, oo madaxana ciid ku shubtay.

Sucedió que mientras David se acercaba a la cumbre donde se adoraba a Dios, Husai el Arquita salió a su encuentro con su manto desgarrado y polvo sobre la cabeza.

33 M arkaasaa Daa'uud ku yidhi, Haddaad i raacdo oo aad ila gudubto, culays baad igu noqonaysaa;

Y David le dijo: “Si pasas conmigo, entonces me serás una carga.

34 l aakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.

Pero si regresas a la ciudad, y dices a Absalón: ‘Seré su siervo, oh rey; como en el pasado he sido siervo de su padre, así ahora seré su siervo,’ entonces hará nulo el consejo de Ahitofel en favor mío.

35 O o halkaasna sow kulama joogaan wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar? Sidaas daraaddeed wax alla wixii aad guriga boqorka ka maqashoba, waxaad u soo sheegtaa wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar.

¿Y no están allí contigo Sadoc y Abiatar los sacerdotes? Por tanto, todo lo que oigas de la casa del rey lo comunicarás a los sacerdotes Sadoc y Abiatar.

36 O o iyana waxay halkaas ku haystaan labadoodii wiil oo ahaa Axiimacas ina Saadooq, iyo Yoonaataan ina Aabyaataar; oo iyaga waxaad iigu soo dhiibtaan wax alla wixii aad maqashaanba.

También, sus dos hijos están allí con ellos, Ahimaas, hijo de Sadoc, y Jonatán, hijo de Abiatar, y por medio de ellos me comunicarás todo lo que oigas.”

37 S idaas daraaddeed Xuushay oo ahaa Daa'uud saaxiibkiis magaaladii buu soo galay; oo Absaaloomna Yeruusaalem buu soo galay.

Husai, amigo de David, entró en la ciudad cuando Absalón entraba en Jerusalén.