Yexesqeel 11 ~ Ezechiele 11

picture

1 O o weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.

Poi lo Spirito mi portò in alto e mi condusse alla porta orientale della casa del Signore che guardava verso oriente. Ed ecco, all’ingresso della porta, venticinque uomini; in mezzo a essi vidi Iaazania, figlio di Azzur, e Pelatia, figlio di Benaia, capi del popolo.

2 O o markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.

Il Signore mi disse: «Figlio d’uomo, questi sono gli uomini che tramano iniquità e danno cattivi consigli in questa città.

3 O o waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.

Essi dicono: “Il tempo non è così vicino! Costruiamo pure delle case! Questa città è la pentola e noi siamo la carne”.

4 S idaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.

Perciò profetizza contro di loro, profetizza, figlio d’uomo!»

5 M arkaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.

Lo Spirito del Signore cadde su di me e mi disse: «Di’: Così parla il Signore: “Voi parlate a quel modo, casa d’Israele, e io conosco le cose che vi passano per la mente.

6 M agaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.

Voi avete moltiplicato i vostri omicidi in questa città, ne avete riempito di cadaveri le strade”.

7 S idaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.

Perciò così parla il Signore, Dio: “I vostri morti, che avete stesi in mezzo a questa città, sono la carne, e la città è la pentola; ma voi ne sarete portati fuori.

8 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.

Voi avete paura della spada, e io farò venire su di voi la spada”, dice il Signore, Dio.

9 O o dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.

“Io vi porterò fuori dalla città e vi darò in mano di stranieri; eseguirò su di voi i miei giudizi.

10 S eef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Voi cadrete per la spada, io vi giudicherò sulle frontiere d’Israele, e voi conoscerete che io sono il Signore.

11 M agaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.

Questa città non sarà per voi una pentola, voi non sarete in mezzo a lei la carne; io vi giudicherò sulle frontiere d’Israele.

12 O o waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.

Voi conoscerete che io sono il Signore, del quale non avete seguito le prescrizioni né messo in pratica le leggi, ma avete agito secondo le leggi delle nazioni che vi circondano”».

13 O o intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?

Mentre io profetizzavo, Pelatia, figlio di Benaia morì; io caddi faccia a terra e gridai ad alta voce: «Ahimè, Signore, Dio, vuoi tu porre fine al resto d’Israele?»

14 M arkaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

La parola del Signore mi fu rivolta in questi termini:

15 W iilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey. Ballankii Soo Celinta Reer Binu Israa'iil

«Figlio d’uomo, i tuoi fratelli, i tuoi fratelli, gli uomini del tuo parentado e tutta quanta la casa d’Israele sono quelli ai quali gli abitanti di Gerusalemme hanno detto: “Statevene lontani dal Signore! A noi è dato il possesso del paese”.

16 S idaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.

Perciò di’: Così parla il Signore, Dio: “Sebbene io li abbia allontanati fra le nazioni e li abbia dispersi per i paesi, io sarò per loro, per qualche tempo, un santuario nei paesi dove sono andati”.

17 S idaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.

Perciò di’: Così parla il Signore, Dio: “Io vi raccoglierò in mezzo ai popoli, vi radunerò dai paesi dove siete stati dispersi, e vi darò la terra d’Israele.

18 O o iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.

Quelli vi giungeranno, e ne toglieranno tutte le cose esecrande e tutte le abominazioni.

19 O o waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,

Io darò loro un medesimo cuore, metterò dentro di loro un nuovo spirito, toglierò dal loro corpo il cuore di pietra e metterò in loro un cuore di carne,

20 s i ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.

perché camminino secondo le mie prescrizioni e osservino le mie leggi e le mettano in pratica; essi saranno il mio popolo e io sarò il loro Dio.

21 L aakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

Ma quanto a quelli il cui cuore è attaccato alle loro cose esecrande e alle loro abominazioni, io farò ricadere sul loro capo la loro condotta”, dice il Signore, Dio ».

22 M arkaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.

Poi i cherubini spiegarono le loro ali, e le ruote si mossero accanto a loro; la gloria del Dio d’Israele stava su di loro, in alto.

23 M arkaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.

La gloria del Signore s’innalzò in mezzo alla città e si fermò sul monte situato a oriente della città.

24 O o markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.

Lo Spirito mi portò in alto e mi condusse in Caldea presso i deportati, in visione, mediante lo Spirito di Dio; la visione che avevo avuta scomparve davanti a me

25 M arkaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.

e io riferii ai deportati tutte le parole che il Signore mi aveva dette in visione.