Tirintii 30 ~ Numeri 30

picture

1 K olkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.

Mosè parlò ai capi delle tribù dei figli d’Israele e disse:

2 M arkii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.

«Questo è l’ordine dato dal Signore: quando uno avrà fatto un voto al Signore o avrà con giuramento assunto un solenne impegno, non verrà meno alla sua parola, ma metterà in pratica tutto quello che ha promesso.

3 Q of dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,

«Così pure quando una donna, ancora giovane e nella casa di suo padre, avrà fatto un voto al Signore e avrà assunto un solenne impegno,

4 h addii aabbaheed maqlo nidarkeeda iyo dhaarteedii ay nafteeda ku xidhay, oo uu markaas iska aamuso, de markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna waa taagnaan doontaa.

se il padre, avendo conoscenza del voto di lei e dell’impegno che ha assunto, non dice nulla a questo proposito, tutti i voti di lei saranno validi e saranno validi tutti gli impegni che ha assunto.

5 L aakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.

Ma se il padre, il giorno che ne viene a conoscenza, le fa opposizione, tutti i voti di lei e tutti gli impegni che avrà assunto non saranno validi; il Signore glieli condonerà, perché il padre le ha fatto opposizione.

6 O o hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,

Se si sposa mentre è legata da voti o impegnata da una promessa fatta alla leggera solo con le labbra,

7 h addii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso maalintii uu maqlo, markaas nidarradeedii way taagnaan doonaan, oo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doonaan.

se il marito viene a saperlo e il giorno che ne è informato non dice nulla, i voti di lei saranno validi e saranno validi gli impegni che lei ha assunto.

8 L aakiinse haddii ninkeedu u diido maalintii uu maqlo, markaasuu burin doonaa nidarkii saarnaa iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay; oo Rabbiguna iyada wuu cafiyi doonaa.

Ma se il marito, il giorno che ne viene a conoscenza, le fa opposizione, egli annullerà il voto che lei ha fatto, e la promessa che ha proferito alla leggera per la quale si è impegnata; e il Signore gliela condonerà.

9 L aakiinse carmal laga dhintay, amase tii la furay, nidarkeeda iyo xataa waxa kastoo ay nafteeda ku xidhayba way taagnaan doonaan.

Ma il voto di una vedova o di una donna ripudiata, qualunque sia l’impegno che ha assunto, rimarrà valido.

10 O o hadday nidar gasho ama ay nafteeda dhaar ku xidho iyadoo guriga ninkeeda joogta,

Quando una donna, nella casa di suo marito, farà dei voti o si legherà con un giuramento

11 o o haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso ee uusan iyada u diidin, markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doontaa.

e il marito ne avrà conoscenza, se il marito non dice nulla e non le fa opposizione, tutti i voti di lei saranno validi, e saranno validi tutti gli impegni che avrà assunto.

12 L aakiinse haddii ninkeedu uu iyaga buriyo maalintii uu maqlay, markaas wax alla wixii bushimaheeda ka soo baxay oo nidarradeeda ku saabsan amase ku saabsan dhaartii ay nafteeda ku xidhay ma ay taagnaan doonaan, waayo, ninkeedii baa buriyey, oo Rabbiguna wuu cafiyi doonaa iyada.

Ma se il marito, il giorno che viene a saperlo, li annulla, tutto ciò che le sarà uscito dalle labbra, siano voti o impegni che ha assunto, non sarà valido; il marito lo ha annullato; e il Signore glielo condonerà.

13 N idar kasta iyo dhaar kasta oo nafta lagu xidho in lagu dhibo aawadeed, ninkeedaa adkayn kara ama ninkeedaa burin kara.

Il marito può convalidare o annullare qualunque voto e qualunque giuramento per il quale la moglie si è impegnata a mortificare la sua persona.

14 L aakiinse haddii ninkeedu maalin ka maalin ka aamuso iyada, markaas wuu adkeeyaa nidarradeedii oo dhan iyo dhaaraheedii iyada saarnaa oo dhan. Wuu adkeeyey, maxaa yeelay, wuu isaga aamusay maalintii uu maqlay.

Ma se il marito, giorno dopo giorno, non dice nulla in proposito, egli convalida così tutti i voti di lei e tutti gli impegni che la moglie ha assunto; li convalida, perché non ha detto nulla a questo proposito il giorno che ne ha avuto conoscenza.

15 L aakiinse hadduu buriyo markuu maqlay dabadeed, de markaas isagaa qaadaya dembigeedii.

Ma se li annulla qualche tempo dopo averne avuto conoscenza, sarà responsabile del peccato della moglie».

16 K uwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.

Tali sono le leggi che il Signore prescrisse a Mosè riguardo al marito e alla moglie, al padre e alla figlia, quando questa non è ancora sposata, in casa di suo padre.