Boqorradii Labaad 7 ~ 2 Re 7

picture

1 M arkaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel.

Allora Eliseo disse: «Ascoltate la parola del Signore! Così dice il Signore: “Domani, a quest’ora, alla porta di Samaria, la misura di fior di farina si avrà per un siclo, e le due misure d’orzo si avranno per un siclo”».

2 O o sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid. Samaariya Oo Hareerayntii Laga Qaaday

Ma il capitano, sul cui braccio il re si appoggiava, rispose all’uomo di Dio: «Ecco, anche se il Signore facesse delle finestre in cielo, potrebbe mai avvenire una cosa simile?» Eliseo rispose: «Ebbene, lo vedrai con i tuoi occhi, ma non ne mangerai».

3 H addaba iridda magaalada laga soo galo waxaa joogay afar nin oo baras qabay; oo iyana midba kii kaluu ku yidhi, War maxaynu halkan u fadhinnaa ilaa aynu ka dhimanno?

C’erano quattro lebbrosi presso l’entrata della porta della città, i quali dissero tra di loro: «Perché ce ne stiamo qui in attesa di morire?

4 H addaynu nidhaahno, Aan magaalada galno, de markaasna magaaladii waa abaar, oo kolleyba halkaasaynu ku dhimanaynaa. Oo haddaynu halkan iska fadhinnona waynu dhimanaynaa. Haddaba ina keena oo aynu ciidanka Suuriya u baxno; oo hadday na bixiyaan, waynu noolaan, hadday na dilaanna kolleyba waynu dhiman lahayn.

Se diciamo: “Entriamo in città”, in città c’è la fame, e noi vi morremo; se restiamo qui, morremo lo stesso. Dunque venite, andiamo a buttarci nell’accampamento dei Siri; se ci lasciano vivere, vivremo; se ci danno la morte, morremo».

5 O o markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.

Sull’imbrunire si alzarono per andare all’accampamento dei Siri; e, come giunsero all’estremità dell’accampamento dei Siri, ecco che non c’era nessuno.

6 M axaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.

Il Signore aveva fatto udire nell’accampamento dei Siri un rumore di carri, un rumore di cavalli, un rumore di grande esercito, tanto che i Siri avevano detto fra di loro: «Il re d’Israele ha assoldato contro di noi i re degli Ittiti e i re degli Egiziani, perché vengano ad assalirci».

7 S idaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.

E si erano alzati ed erano fuggiti all’imbrunire, abbandonando le loro tende, i loro cavalli, i loro asini e l’accampamento così com’era; erano fuggiti per salvarsi la vita.

8 O o kuwii baraska qabayna markay yimaadeen xeradii dibaddeeda sare ayay teendho galeen, oo wax bay cuneen, waxna way cabbeen, markaasay halkaas ka qaateen lacag, iyo dahab, iyo dhar, oo intay tageen ayay soo qarsadeen; oo haddana way soo noqdeen oo waxay galeen teendho kale, oo halkaasna wax kalay ka qaateen, oo intay tageen ayay soo qarsadeen.

Quei lebbrosi, giunti all’estremità dell’accampamento, entrarono in una tenda, mangiarono, bevvero e portarono via argento, oro, vestiario, e andarono a nascondere ogni cosa. Poi tornarono, entrarono in un’altra tenda, e anche di là portarono via roba, che andarono a nascondere.

9 M arkaasay isku yidhaahdeen, War wax wanaagsan ma samaynayno, waayo, maanta waa maalin war wanaagsan, oo annana waynu iska aamusan nahay. Haddaynu sugno ilaa waagu ka beryo hubaal belaayo baa inagu dhici doonta; haddaba ina keena oo aynu xaalkan reerkii boqorka u soo sheegno.

Ma poi dissero fra di loro: «Noi non facciamo bene; questo è giorno di buone notizie, e noi tacciamo! Se aspettiamo finché si faccia giorno, saremo considerati colpevoli. Ora venite, andiamo a informare la casa del re».

10 S idaas daraaddeed way yimaadeen, oo waxay u dhawaaqeen magaalada iridjoogayaasheedii; oo way u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu galnay xeradii ciidanka Suuriya, oo halkaas ninna ma joogin, codna laguma maqal, laakiinse waxaa joogay fardihii xidhxidhnaa, iyo dameerihii xidhxidhnaa, iyo teendhooyinkii oo sidoodii iska ahaa.

Così partirono, chiamarono i guardiani della città e li informarono della cosa, dicendo: «Siamo andati all’accampamento dei Siri, ed ecco, là non c’è nessuno, né si ode voce d’uomo; non vi sono che i cavalli legati e gli asini legati, e le tende intatte».

11 O o isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.

Allora i guardiani chiamarono, e fecero sapere la cosa dentro il palazzo reale.

12 M arkaasaa boqorkii habeennimadii toosay oo addoommadiisii ku yidhi, Haatan waxaan idin tusayaa wixii ay reer Suuriya nagu sameeyeen. Iyagu way og yihiin inaynu gaajaysan nahay, oo sidaas daraaddeed xeradii way ka baxeen oo duurka ku dhuunteen, oo waxay isyidhaahdeen, Markay magaalada ka soo baxaan ayaynu iyagoo noolnool qabqabanaynaa, oo magaalada ayaynu galaynaa.

Il re si alzò di notte e disse ai suoi servitori: «Vi voglio dire io quel che ci hanno fatto i Siri. Sanno che patiamo la fame; sono quindi usciti dall’accampamento a nascondersi per la campagna, dicendo: “Appena usciranno dalla città, li prenderemo vivi ed entreremo nella città”».

13 O o mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene.

Uno dei suoi servitori gli rispose: «Ti prego, si prendano cinque dei cavalli che rimangono ancora nella città. Guardate, sono come tutta la moltitudine d’Israele che c’è rimasta; sono come tutta la moltitudine d’Israele che muore di fame; e mandiamo a vedere di che si tratta».

14 O o sidaas daraaddeed waxay wadeen laba gaadhifaras iyo fardahoodii; oo boqorkii baa wuxuu ka daba diray ciidankii Suuriya, oo wuxuu ku yidhi, Ordoo soo arka.

Presero dunque due carri con i loro cavalli, e il re mandò degli uomini sulle tracce dell’esercito dei Siri, dicendo: «Andate e vedete».

15 O o iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.

Quelli andarono sulle tracce dei Siri, fino al Giordano; tutta la strada era piena di vestiario e di oggetti, che i Siri avevano gettato via nella loro fuga precipitosa. E gli inviati tornarono e riferirono tutto al re.

16 M arkaasaa dadkii baxay oo waxay dhaceen xeradii reer Suuriya. Haddaba koombo bur ah waxaa lagu iibiyey sheqel, laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagu iibiyey sheqel, oo waxay noqotay sidii erayga Rabbigu ahaa.

Allora il popolo uscì e saccheggiò l’accampamento dei Siri; e una misura di fior di farina si ebbe per un siclo, e due misure d’orzo per un siclo, secondo la parola del Signore.

17 M arkaasaa boqorkii sirkaalkii uu gacantiisa ku tiirsanaa ku amray inuu iridda u taliyo; laakiinse dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga, oo wuu dhintay sidii ninkii Ilaah sheegay kolkii boqorku isaga u soo dhaadhacay.

Il re aveva affidato la guardia della porta al capitano sul cui braccio si appoggiava; ma questo capitano fu calpestato dalla folla presso la porta della città, e morì, come aveva detto l’uomo di Dio, quando aveva parlato al re che era sceso a trovarlo.

18 O o waxay noqotay sidii ninkii Ilaah boqorkii ula hadlay isagoo leh, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda laba koombo oo shaciir ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, koombo bur ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel;

Difatti, quando l’uomo di Dio aveva parlato al re, aveva detto: «Domani, a quest’ora, alla porta di Samaria, due misure d’orzo si avranno per un siclo e una misura di fior di farina per un siclo».

19 o o sirkaalkii baa wuxuu ugu jawaabay ninkii Ilaah, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.

Ma quel capitano aveva risposto all’uomo di Dio e gli aveva detto: «Ecco, anche se il Signore facesse delle finestre in cielo, potrebbe mai avvenire una cosa simile?» Ed Eliseo gli aveva detto: «Ebbene, lo vedrai con i tuoi occhi, ma non ne mangerai».

20 H addaba isagii sidii baa ku dhacday; maxaa yeelay, isagii dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga oo wuu dhintay.

E così avvenne: fu calpestato dalla folla presso la porta della città, e morì.