1 M arkaasaa Boqor Daariyus amar bixiyey, oo waa la baadhay gurigii buugagga taariikhda oo khasnadaha la dhigi jiray ee Baabuloon ku dhex yiil.
Allora il re Dario ordinò che si facessero delle ricerche negli archivi dove erano conservati i tesori a Babilonia.
2 M arkaasaa magaalada Axmetaa la yidhaahdo oo ku tiil gobolka Maadi ayaa hoygii boqorka laga helay qorniin duudduuban, oo waxaa xusuus ugu qornaa wax sidan ah.
Nel castello di Ameta, situato nella provincia di Media, si trovò un rotolo, nel quale stava scritto così:
3 S annaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun;
«Memoria. Il primo anno del re Ciro, il re Ciro ha pubblicato questo editto, concernente la casa di Dio a Gerusalemme: “La casa sia ricostruita per essere un luogo dove si offrono sacrifici; le fondamenta che verranno poste, siano solide; abbia sessanta cubiti d’altezza, sessanta cubiti di larghezza,
4 o o ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka.
tre ordini di blocchi di pietra e un ordine di travatura nuova; la spesa sia pagata dalla casa reale;
5 O o weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah.
inoltre, gli utensili d’oro e d’argento della casa di Dio, che Nabucodonosor aveva tolti dal tempio di Gerusalemme e trasportati a Babilonia, siano restituiti e riportati al tempio di Gerusalemme, nel luogo dov’erano prima, e riposti nella casa di Dio”».
6 H addaba sidaas daraaddeed Tatenay, oo ah taliyaha dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiinna reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogow, idinku halkaas iskaga fogaada,
«Tu dunque, Tattenai, governatore d’oltre il fiume, tu, Setar-Boznai, e voi, loro colleghi di Afarsac, che state di là dal fiume, statevene lontani da quel luogo!
7 o o gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.
Lasciate continuare i lavori di quella casa di Dio. Il governatore dei Giudei e gli anziani dei Giudei ricostruiscano quella casa di Dio dov’era prima.
8 O o weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba.
Io ho dato ordine su come dovrete comportarvi verso quegli anziani dei Giudei nella ricostruzione di quella casa di Dio: le spese siano puntualmente pagate a quegli uomini attingendo dalle entrate del re provenienti dai tributi d’oltre il fiume, in modo da non interrompere i lavori.
9 O o wax alla wixii ay u baahan yihiin oo ay wadaaddada Yeruusaalem jooga idin weyddiistaan oo ah dibi yaryar, iyo wanan, iyo baraar, oo ay Ilaaha samada qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, iyo sarreen, iyo cusbo, iyo khamri, iyo saliidba ha la siiyo maalin kasta, oo yaan laga baajin,
Le cose necessarie per gli olocausti al Dio dei cieli: vitelli, montoni, agnelli, frumento, sale, vino e olio, siano fornite ai sacerdoti di Gerusalemme su loro richiesta, giorno per giorno e senza negligenza,
10 i nay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba.
affinché offrano sacrifici di odore soave al Dio del cielo e preghino per la vita del re e dei suoi figli.
11 O o weliba waxaan kaloo amar ku bixiyey in ku alla kii eraygan beddela gurigiisa loox weyn laga bixiyo, oo inta la qotomiyo, isaga lagu deldelo, oo gurigiisana taas aawadeed ha laga dhigo taallo digo ah,
E io ho dato anche quest’ordine: se qualcuno contravverrà a questo decreto, si prenda dalla sua casa una trave, la si rizzi, vi sia inchiodato sopra, e la sua casa, per questo motivo, sia ridotta a letamaio.
12 o o Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo. Dhammaystirkii Iyo Gooni Ka Dhigiddii Macbudka
Il Dio che ha fatto di quel luogo la dimora del suo nome, distrugga ogni re ed ogni popolo che alzi la mano per trasgredire la mia parola, per distruggere la casa di Dio che si trova a Gerusalemme! Io, Dario, ho emanato questo decreto, ed esso sia eseguito con diligenza». Inaugurazione del tempio
13 W ixii Boqor Daariyus u soo diray aawadiis ayay Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadoodba dadaal ku wada sameeyeen.
Poiché il re Dario aveva così decretato, Tattenai, governatore d’oltre il fiume, Setar-Boznai e i loro colleghi eseguirono puntualmente i suoi ordini.
14 O o duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.
E gli anziani dei Giudei poterono continuare i lavori e far avanzare la costruzione, aiutati dalle parole ispirate del profeta Aggeo e di Zaccaria, figlio di Iddo. Così finirono i loro lavori di costruzione secondo il comandamento del Dio d’Israele, e secondo gli ordini di Ciro, di Dario e di Artaserse, re di Persia.
15 O o gurigaas dhismihiisii waxaa la dhammeeyey sannaddii lixaad oo dowladnimadii Boqor Daariyus bishii Adaar maalinteedii saddexaad.
La casa fu finita il terzo giorno del mese di Adar, il sesto anno del regno di Dario.
16 O o reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan.
I figli d’Israele, i sacerdoti, i Leviti e gli altri reduci dall’esilio celebrarono con gioia l’inaugurazione di questa casa di Dio.
17 O o markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
Per l’inaugurazione di questo tempio di Dio offrirono cento tori, duecento montoni, quattrocento agnelli; e come sacrificio espiatorio per tutto Israele, dodici capri, secondo il numero delle tribù d’Israele.
18 O o sida kitaabkii Muuse ku qoran waxay wadaaddadii u qaybiyeen qaybahoodii, kuwii reer Laawina jagooyinkoodii, adeegidda Ilaah oo Yeruusaalem laga adeegayo aawadeed. Iiddii Kormaridda
Stabilirono i sacerdoti secondo le loro classi e i Leviti secondo le loro divisioni, per il servizio di Dio a Gerusalemme, come sta scritto nel libro di Mosè.
19 O o bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad ayaa dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday waxay dhawreen Iiddii Kormaridda.
Poi i reduci dall’esilio celebrarono la Pasqua il quattordicesimo giorno del primo mese;
20 W aayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba.
poiché i sacerdoti e i Leviti si erano purificati di pari consentimento, tutti erano puri; sacrificarono la Pasqua per tutti i reduci dall’esilio, per i sacerdoti loro fratelli e per sé stessi.
21 O o waxaa cunay reer binu Israa'iil oo maxaabiisnimada ka soo noqday, iyo in alla intii naftooda gooni uga soocday nijaastii dadkii dalka degganaa inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
Così i figli d’Israele reduci dall’esilio mangiarono la Pasqua con tutti coloro che si erano separati dall’impurità della gente del paese e che si unirono a loro per cercare il Signore, Dio d’Israele.
22 o o waxay toddoba maalmood farxad ku dhawreen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, waayo, Rabbigu aad buu uga farxiyey, oo wuxuu iyaga u soo jeediyey qalbigii boqorkii Ashuur inuu gacmahooda xoogeeyo intay ka shaqaynayeen gurigii Ilaah, kaasoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Celebrarono con gioia la festa degli Azzimi per sette giorni, perché il Signore li aveva rallegrati, e aveva piegato in loro favore il cuore del re d’Assiria in modo da fortificare le loro mani nell’opera della casa di Dio, Dio d’Israele.