Yeremyaah 14 ~ Jeremías 14

picture

1 K anu waa Eraygii Rabbiga ee abaarta ku saabsanaa ee Yeremyaah u yimid.

Palabra del SEÑOR que fue dada a Jeremías, con motivo de la sequía.

2 D adka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa.

Se enlutó Judá, y sus puertas se despoblaron; oscureciéronse en tierra, y subió el clamor de Jerusalén.

3 O o kuwooda waaweyn ayaa yaryarkooda biyo u soo dira, oo waxay yimaadaan ceelasha, biyona kama ay helaan, oo weelashooda oo madhan ayay dib ula soo noqdaan, oo intay ceeboobaan oo qasmaan ayay madaxa hagoogtaan.

Y los principales de ellos enviaron sus criados al agua; vinieron a las lagunas, y no hallaron agua; volvieron con sus vasos vacíos; se avergonzaron, se confundieron, y cubrieron sus cabezas.

4 D hulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan.

Porque se resquebrajó la tierra a causa de no llover en el país; los labradores se avergonzaron, cubrieron sus cabezas.

5 O o xataa deeradii duurkay ku dhashaa, oo ilmaheedana way dayrisaa, maxaa yeelay, meeshaasu caws ma leh innaba.

Y aun las ciervas en los campos parían, y dejaban la cría, porque no había hierba.

6 O o dameerdibadeedyadana waxay istaagaan meelaha dhaadheer, oo waxay u hinraagaan sida dawacooyin oo kale. Indhahoodii way madoobaanayaan, maxaa yeelay, doog bay waayaan.

Y los asnos monteses se ponían en los altos, aspiraban el viento como los dragones; sus ojos se cegaron, porque no había hierba.

7 R abbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

Si nuestras iniquidades testifican contra nosotros, oh SEÑOR, actúa por amor de tu Nombre; porque nuestras rebeliones se han multiplicado, contra ti pecamos.

8 R ajadii reer binu Israa'iilow, Badbaadiyahoodii wakhtiga ay dhibaataysan yihiinow, bal maxaad dalka dhexdiisa ugu noqonaysaa qariib iyo sidii nin socdaal ah oo u soo leexda inuu habeen ku hoydo?

Oh esperanza de Israel, Guardador suyo en el tiempo de la aflicción, ¿por qué has de ser como peregrino en la tierra, y como caminante que se aparta para tener la noche?

9 B al maxaad u noqonaysaa sidii nin amankaagay, iyo sidii nin xoog badan oo aan waxba badbaadin karin? Laakiinse Rabbiyow, adigu waad na dhex joogtaa, oo annana magacaagaa naloogu yeedhaa, haddaba ha naga tegin.

¿Por qué has de ser como hombre atónito, y como valiente que no puede librar? Pero, tú estás entre nosotros, oh SEÑOR, y sobre nosotros es llamado tu nombre; no nos desampares.

10 R abbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

Así dijo el SEÑOR a este pueblo: Así amaron moverse, ni detuvieron sus pies; por tanto, el SEÑOR no los tiene en su voluntad; ahora se acordará de la iniquidad de ellos, y visitará su pecado.

11 O o Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkan wax wanaagsan ha ugu ducayn.

Y me dijo el SEÑOR: No ruegues por este pueblo para bien.

12 M arkay soomaan qayladooda innaba ma aan maqli doono, oo markay qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah ii soo bixiyaanna innaba ma aan aqbali doono, laakiinse waxaan iyaga ku baabbi'in doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo.

Cuando ayunaren, yo no oiré su clamor, y cuando ofrecieren holocausto y ofrenda, no lo aceptaré; antes los consumiré con espada, y con hambre, y con pestilencia.

13 M arkaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, nebiyadiiba waxay ku yidhaahdaan, Seef arki maysaan, abaaruna idinku dhici mayso, laakiinse waxaan meeshan idinku siin doonaa nabad hubaal ah.

Y yo dije: ¡Ah! ¡ah! ¡Señor DIOS! He aquí que los profetas les dicen: No veréis espada, ni habrá hambre en vosotros, sino que en este lugar os daré paz verdadera.

14 M arkaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.

Me dijo entonces el SEÑOR: En falso profetizan los profetas en mi nombre; no los envié, ni les mandé, ni les hablé; visión mentirosa, adivinación, vanidad, y engaño de su corazón os profetizan.

15 S idaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.

Por tanto, así dijo el SEÑOR sobre los profetas que profetizan en mi nombre, los cuales yo no envié, y que dicen: Espada ni hambre no habrá en esta tierra. Con espada y con hambre serán consumidos los tales profetas.

16 O o dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

Y el pueblo a quien profetizan, echado será en las calles de Jerusalén por hambre y por espada; y no habrá quien los entierre, ellos, y sus mujeres, y sus hijos, y sus hijas; y sobre ellos derramaré su maldad.

17 W axaad iyaga ku tidhaahdaa erayadan, Habeen iyo maalinba indhahayga ilmo ha ka hoorto, oo yaanay marnaba joogsan, waayo, dadkayga oo ah sida gabadh bikrad ah nabar weyn baa ku dhacay iyo dhaawac aad iyo aad u xun.

Les dirás, pues, esta palabra: Derramen mis ojos en lágrimas noche y día, y no cesen; porque de gran quebrantamiento es quebrantada la virgen hija de mi pueblo, de plaga muy recia.

18 H addaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.

Si salgo al campo, he aquí muertos a espada; y si me entro en la ciudad, he aquí enfermos de hambre; porque también el profeta como el sacerdote anduvieron rodeando en la tierra, y no la conocieron.

19 R abbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!

¿Por ventura has desechado enteramente a Judá? ¿Por ventura ha aborrecido tu alma a Sion? ¿Por qué nos hiciste herir sin que nos quede cura? Esperamos paz, y no hubo bien; tiempo de cura, y he aquí turbación.

20 R abbiyow, annagu waannu aqoonsannaa sharnimadayada iyo xumaantii awowayaashayoba, waayo, waannu kugu dembaabnay.

Reconocemos, oh SEÑOR, nuestra impiedad, la iniquidad de nuestros padres, porque contra ti hemos pecado.

21 M agacaaga aawadiis waan ku baryayaaye, Ha na karaahsan oo arshigii sharaftaadana ha sharafjebin, bal na soo xusuuso, oo ha nagu axdi furin.

Por amor de tu Nombre no nos deseches, ni trastornes el trono de tu gloria; acuérdate, no invalides tu Pacto con nosotros.

22 S anamyada beenta ah oo quruumaha miyaa lagu arkaa mid roob keeni kara? Amase samooyinku miyey iska soo tiixi karaan? Rabbiyow Ilaahayagow, sow adigu ma tihid kan kara? Sidaas daraaddeed adiga uun baan ku sugaynaa, waayo, adigaa sameeyey waxyaalahaas oo dhan.

¿Hay por ventura entre las vanidades de los gentiles quien haga llover? ¿Y los cielos por ventura darán lluvias? ¿No eres tú, SEÑOR, nuestro Dios? En ti, pues, esperamos; porque tú hiciste todas estas cosas.