1 B al jidadka Yeruusaalem hore iyo dib ugu orda, oo bal fiiriya, oo garta, oo meelaheeda balballaadhanna ka doondoona nin qudha oo caddaalad sameeya oo runta doondoona, oo haddaad ka heli kartaanna iyada waan cafiyi doonaa.
Discurrid por las plazas de Jerusalén, y mirad ahora, y sabed, y buscad en sus plazas si halláis hombre, si hay alguno que haga juicio, que busque verdad; y yo perdonaré a la ciudad.
2 O o weliba in kastoo ay yidhaahdaan, Waa iga Rabbiga nool, sida xaqiiqada ah been bay ku dhaartaan.
Y si dijeren: Vive el SEÑOR; por tanto jurarán mentira.
3 R abbiyow, indhahaagu runta sow ma fiiriyaan? Iyaga wax baad ku dhufatay, laakiinse innaba kama ay xumaan, oo waad baabbi'isay, laakiinse way diideen inay edeb qaataan. Wejigoodiina waxay ka dhigeen wax dhagax ka sii adag, oo inay soo noqdaanna way diideen.
Oh SEÑOR, ¿Por ventura no miran tus ojos a la verdad? Los azotaste, y no les dolió; los consumiste, y no quisieron recibir castigo; endurecieron sus rostros más que la piedra, no quisieron tornarse.
4 M arkaasaan idhi, Sida xaqiiqada ah kuwanu waa masaakiin, oo waa nacasyo, waayo, Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda toona garan maayaan.
Pero yo dije: Por cierto ellos son pobres, han enloquecido, pues no conocen el camino del SEÑOR ni el juicio de su Dios.
5 W axaan u tegi doonaa ragga waaweyn, oo waan la hadli doonaa, waayo, iyagu Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda way yaqaaniin. Laakiinse kuwanu dhammaantood harqoodkii way jebiyeen, oo xadhkihiina way kala gooyeen.
Iré a los grandes, y les hablaré; porque ellos conocieron el camino del SEÑOR, el juicio de su Dios. Ciertamente ellos también quebrantaron el yugo, rompieron las coyundas.
6 O o sidaas daraaddeed waxaa iyaga dili doona libaax kaynta ka soo baxay, oo waxaa baabbi'in doonta yeyda fiideed. Oo magaalooyinkoodana waxaa gaagaatami doona shabeel, oo ku alla kii halkaas ka soo baxaba waa la kala dildillaacsan doonaa, maxaa yeelay, xadgudubyadoodu waa tiro badan yihiin, oo dibunoqoshadoodiina waa sii korodhay.
Por tanto, león del monte los herirá, los destruirá lobo del desierto, tigre acechará sobre sus ciudades; cualquiera que de ellas saliere, será arrebatado, porque sus rebeliones se han multiplicado, se han aumentado sus deslealtades.
7 S idee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.
¿Cómo te he de perdonar por esto? Tus hijos me dejaron, y juraron por lo que no es Dios. Los sacié, y adulteraron, y en casa de ramera se juntaron en compañías.
8 W axay la mid noqdeen sidii fardo aroortii la barqiyey, oo midkood kastaaba wuxuu ka daba dananay naagtii deriskiisa.
Como caballos bien alimentados fueron a la mañana, cada cual relinchaba a la mujer de su prójimo.
9 R abbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
¿No había de hacer visitación sobre esto? Dijo el SEÑOR. De una gente como ésta ¿no se había de vengar mi alma?
10 D erbiyadeeda fuula oo dumiya, laakiinse ha wada baabbi'inina. Laamaheedana qaada, waayo, kuwii Rabbiga ma aha.
Escalad sus muros, y destruid; mas no hagáis consumación; quitad las almenas de sus muros, porque no son del SEÑOR.
11 W aayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.
Porque resueltamente se rebelaron contra mí la Casa de Israel y la Casa de Judá, dice el SEÑOR.
12 R abbiga way dafireen, oo waxay yidhaahdeen, Isagu ma jiro. Masiibo nagu dhici mayso, oo seef iyo abaar midna arki mayno.
Negaron al SEÑOR, y dijeron: El no es, y no vendrá mal sobre nosotros, ni veremos espada ni hambre;
13 O o nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.
antes los profetas serán como viento, y no hay en ellos palabra; así se hará a ellos.
14 O o sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.
Por tanto, así dijo el SEÑOR Dios de los ejércitos: Porque hablasteis esta palabra, he aquí yo pongo en tu boca mis palabras por fuego, y a este pueblo por leños, y los consumirá.
15 R abbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.
He aquí yo traigo sobre vosotros gente de lejos, oh Casa de Israel, dice el SEÑOR; gente robusta, gente antigua, gente cuya lengua ignorarás, y no entenderás lo que hablare.
16 G abooyahoodu waa sida qabri af bannaan, oo kulligoodna waa wada rag xoog leh.
Su aljaba como sepulcro abierto, todos valientes.
17 O o iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.
Y comerá tu mies y tu pan, que habían de comer tus hijos y tus hijas; comerá tus ovejas y tus vacas, comerá tus viñas y tus higueras; y tus ciudades fuertes en que tú confías, tornará en nada a espada.
18 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Habase ahaatee, anigu wakhtigaas idin wada baabbi'in maayo.
Pero en aquellos días, dice el SEÑOR, no os acabaré del todo.
19 O o markay yidhaahdaan, Rabbiga Ilaahayaga ahu bal muxuu waxyaalahan oo dhan noogu sameeyey? Kolkaas waxaad ku tidhaahdaa, Sidaad Rabbiga uga tagteen, oo aad ilaahyo qalaad dalkiinna ugu dhex adeegteen, sidaas oo kalaad shisheeyayaal ugu dhex adeegi doontaan dal aan kiinna ahayn.
Y será que cuando dijereis: ¿Por qué hizo el SEÑOR Dios nuestro con nosotros todas estas cosas? Entonces les dirás: De la manera que me dejasteis a mí, y servisteis a dioses ajenos en vuestra tierra, así serviréis a extraños en tierra ajena.
20 W axan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,
Denunciad esto en la Casa de Jacob, y haced que esto se oiga en Judá, diciendo:
21 D adka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:
Oíd ahora esto, pueblo loco y sin corazón, que tienen ojos y no ven, que tienen oídos y no oyen.
22 R abbigu wuxuu leeyahay, War miyeydaan iga cabsanayn? Oo miyeydaan hortayda ku gariirayn? Waayo, anigu waxaan ahay kii cammuudda badda uga dhigay soohdinta, oo amar weligiis ah bixiyey inayan soo dhaafin, oo in kastoo ay mawjadaheedu aad u dhacaan, innaba kama ay adkaan karaan, oo in kastoo ay guuxaanna marna sooma ay dhaafi karaan.
¿A mí no me temeréis? Dice el SEÑOR; ¿delante de mi presencia no os amedrentaréis, que puse arena por término al mar por ordenación eterna, la cual no quebrantará? Se levantarán tempestades, mas no prevalecerán; bramarán sus ondas, mas no lo pasarán.
23 L aakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen.
Pero este pueblo tiene corazón falso y rebelde; se tornaron y se fueron.
24 O o innaba qalbigooda iskama ay yidhaahdaan, War haatan aynu ka cabsanno Rabbiga Ilaaheenna ah oo roobka hore iyo kan dambeba xilligiisa ina siiya, oo toddobaadyada beergoosashada loo go'ay inoo haya.
Y no dijeron en su corazón: Temamos ahora al SEÑOR Dios nuestro, que da lluvia temprana y tardía en su tiempo; él nos guardará con las semanas establecidas de la siega.
25 X umaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday.
Vuestras iniquidades han estorbado estas cosas; y vuestros pecados impidieron de vosotros el bien.
26 W aayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan.
Porque fueron hallados en mi pueblo impíos; asechaban como quien pone lazos; asentaron la perdición para tomar hombres.
27 S ida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen.
Como jaula llena de pájaros, así están sus casas llenas de engaño; así se hicieron grandes y ricos.
28 A ad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
Engordaron y se pusieron lustrosos, y aún sobrepujaron hechos de maldad; no juzgaron la causa, la causa del huérfano; con todo se hicieron prósperos, y la causa de los pobres no juzgaron.
29 H addaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
¿No tengo que visitar sobre esto? Dice el SEÑOR; ¿y de tal gente no se vengará mi alma?
30 W ax baas oo yaab miidhan ah ayaa dalka lagu dhex sameeyey.
Cosa espantosa y fea es hecha en la tierra;
31 N ebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?
los profetas profetizaron mentira, y los sacerdotes dirigían por manos de ellos; y mi pueblo así lo quiso. ¿Qué pues haréis a su fin?