Baxniintii 4 ~ Éxodo 4

picture

1 M arkaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.

¶ Entonces Moisés respondió, y dijo: He aquí que ellos no me creerán, ni oirán mi voz; porque dirán: No se te ha aparecido el SEÑOR.

2 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.

Y el SEÑOR le dijo: ¿Qué es eso que tienes en tu mano? Y él respondió: Una vara.

3 M arkaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.

Y él le dijo: Echala en tierra. Y él la echó en tierra, y se tornó una culebra; y Moisés huía de ella.

4 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta.

Entonces dijo el SEÑOR a Moisés: Extiende tu mano, y tómala por la cola. Y él extendió su mano, y la tomó, y se tornó vara en su mano.

5 S idaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub.

Por esto creerán que se te ha aparecido el SEÑOR Dios de tus padres, el Dios de Abraham, Dios de Isaac, y Dios de Jacob.

6 O o Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.

Y le dijo además el SEÑOR: Mete ahora tu mano en tu seno. Y él metió la mano en su seno; y cuando la sacó, he aquí que su mano estaba leprosa como la nieve.

7 M arkaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.

Y dijo: Vuelve a meter tu mano en tu seno; y él volvió a meter su mano en su seno; y volviéndola a sacar del seno, he aquí que se había vuelto como la otra carne.

8 O o waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan.

Si aconteciere, que no te creyeren, ni oyeren la voz de la primera señal, creerán a la voz de la postrera.

9 O o haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan.

Y si aún no creyeren a estas dos señales, ni oyeren tu voz, tomarás de las aguas del río, y las derramarás en tierra; y se volverán aquellas aguas que tomarás del río, se volverán sangre en la tierra.

10 M arkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay, anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay.

¶ Entonces dijo Moisés al SEÑOR: ¡Ruego Señor! Yo no soy hombre de palabras de ayer ni de anteayer, ni aun desde que tú hablas a tu siervo; porque soy pesado de boca y pesado de lengua.

11 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kan dadka afkiisa sameeyey waa ayo? Yaase dadka carrab tira, ama dhego tira, ama wax tusa, ama indho tira? Sow anigan Rabbiga ah ma aha?

Y el SEÑOR le respondió: ¿Quién dio la boca al hombre? ¿O quién hizo al mudo y al sordo, al que ve y al ciego? ¿No soy yo el SEÑOR?

12 H addaba sidaas daraaddeed tag, oo anigaa afkaaga la jiri doona oo ku bari doona wixii aad ku hadli lahayd.

Ahora pues, ve, que yo seré en tu boca, y te enseñaré lo que hayas de hablar.

13 I sna wuxuu yidhi, Rabbiyow, Waan ku baryayaaye, dir kaad doonaysid inaad dirtid.

Y él dijo: ¡Ruego Señor! Envía por mano del que has de enviar.

14 M arkaasaa Rabbigu u cadhooday Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Sow ma joogo walaalkaa Haaruun oo ah reer Laawi? Waan ogahay inuu isagu si wanaagsan u hadli karo. Oo bal ogow, wuu u soo socdaa inuu kula kulmo, oo markuu ku arko, qalbigiisuu ka farxi doonaa.

Entonces el SEÑOR se enojó contra Moisés, y dijo: ¿No conozco yo a tu hermano Aarón, levita, y que él habla bien? Y aun he aquí que él te saldrá a recibir, y viéndote, se alegrará en su corazón.

15 H addaba waa inaad isaga la hadashaa, oo aad erayada afkiisa ku riddaa, oo anigu afkaagaan la jiri doonaa, iyo afkiisaba, oo waxaan idin barayaa wixii aad samayn lahaydeen.

Tú hablarás a él, y pondrás en su boca las palabras, y yo seré en tu boca y en la suya, y os enseñaré lo que hayáis de hacer.

16 O o isagu wuxuu kuu noqon doonaa ninka dadka kuula hadla, oo waxay noqon doontaa inuu isagu af kuu noqdo, adna waxaad isaga u noqon doontaa Ilaah oo kale.

Y él hablará por ti al pueblo; y él te será por boca, y tú serás a él por Dios.

17 H addaba waa inaad gacanta ku qaadatid ushan aad cajaa'ibyada ku samayn doontid. Muuse Oo Ku Noqday Masar

Y tomarás esta vara en tu mano, con la cual harás las señales.

18 M arkaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag.

¶ Así se fue Moisés, y volviendo a su suegro Jetro, le dijo: Iré ahora, y volveré a mis hermanos que están en Egipto, para ver si aún viven. Y Jetro dijo a Moisés: Ve en paz.

19 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi Muuse, isagoo Midyaan jooga, Tag, oo Masar ku noqo, waayo, dadkii doondoonayay inay nafta kaa qaadaan way wada dhinteen.

Dijo también el SEÑOR a Moisés en Madián: Ve, y vuélvete a Egipto, porque han muerto todos los que procuraban tu muerte.

20 M arkaasaa Muuse wuxuu watay naagtiisii iyo wiilashiisii, oo wuxuu saartay dameer, wuxuuna ku noqday dalkii Masar. Markaasaa Muuse ushii Ilaah gacanta ku qaatay.

Entonces Moisés tomó su mujer y sus hijos, y los puso sobre un asno, y volvió a tierra de Egipto; tomó también Moisés la vara de Dios en su mano.

21 R abbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.

Y dijo el SEÑOR a Moisés: Cuando hubiereis vuelto a Egipto, mira que hagas delante del Faraón todas las maravillas que he puesto en tu mano; pero yo endureceré su corazón, de modo que no dejará ir al pueblo.

22 O o waxaad Fircoon ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu yidhi, Israa'iil waa wiilkayga curadka ah,

Y dirás al Faraón: El SEÑOR ha dicho así: Israel es mi hijo, mi primogénito.

23 o o waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow, waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah.

Y yo te he dicho que dejes ir a mi hijo, para que me sirva, mas no has querido dejarlo ir; por tanto, he aquí yo mato a tu hijo, tu primogénito.

24 I ntay jidka sii socdeen meel bay ku habeen dhexeen, Rabbi baana ugu yimid, oo wuxuu damcay inuu dilo isaga.

¶ Y aconteció en el camino, que en una posada lo encontró el SEÑOR, y quiso matarlo.

25 M arkaasaa Siforaah waxay qaadatay dhagax af leh, oo wiilkeedii buuryadiisii bay ku gooysay, oo waxay ku ag tuurtay cagihiisa oo tidhi, Hubaal waxaad ii tahay arooskii dhiigga.

Entonces Séfora arrebató un pedernal, y cortó el prepucio de su hijo, y lo echó a sus pies, diciendo: Porque tú me eres esposo de sangre.

26 M arkaasuu iska daayay isagii. Kolkaasay tidhi, Waxaad ii tahay arooskii dhiigga gudniinta aawadeed.

Entonces se apartó de él. Y ella le dijo: Esposo de sangre, a causa de la circuncisión.

27 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday.

Y el SEÑOR dijo a Aarón: Ve a recibir a Moisés al desierto. Y él fue, y lo encontró en el monte de Dios, y le besó.

28 K olkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan.

Entonces contó Moisés a Aarón todas las palabras del SEÑOR que le enviaba, y todas las señales que le había mandado.

29 M arkaasaa Muuse iyo Haaruun tageen oo waxay isu soo ururiyeen waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan.

Y fueron Moisés y Aarón, y juntaron todos los ancianos de los hijos de Israel.

30 M arkaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey.

Y habló Aarón todas las palabras que el SEÑOR había dicho a Moisés, e hizo las señales delante de los ojos del pueblo.

31 D adkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.

Y el pueblo creyó; y oyendo que el SEÑOR había visitado los hijos de Israel, y que había visto su aflicción, se inclinaron y adoraron.