1 H addaad ahaan lahayd walaalkay Oo naasihii hooyaday nuugay, Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa. Oo innaba layma quudhsadeen.
¡Oh quién te me diera como hermano que mamó los pechos de mi madre; de modo que te halle yo fuera, y te bese, y no me menosprecien!
2 W aan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
¡Que yo te llevara, que yo te metiera en casa de mi madre; que me enseñaras, que te hiciera beber vino adobado del mosto de mis granadas!
3 G acantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
Su izquierda esté debajo de mi cabeza, y su derecha me abrace.
4 G abdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono. Saaxiibadaha Hadlayaa
Os conjuro, oh doncellas de Jerusalén, que no despertéis, ni hagáis velar al amor, hasta que él quiera.
5 W aa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu? Gacalisada Hadlaysaa Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis. Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay, Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
¿Quién es ésta que sube del desierto, recostada sobre su amado? Debajo de un manzano te desperté; allí tuvo tu madre dolores, allí tuvo dolores la que te dio a luz.
6 Q albigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
Ponme como un sello sobre tu corazón, como un sello sobre tu brazo; porque fuerte es como la muerte el amor; duro como el Seol los celos; sus brasas, brasas de fuego, fuerte llama.
7 B iyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa. Saaxiibadaha Hadlayaa
Las muchas aguas no podrán apagar el amor, ni lo ahogarán los ríos. Si diera el hombre toda la hacienda de su casa por este amor, de cierto lo menospreciarán.
8 A nnagu waxaannu leennahay walaal yar, Oo aan innaba naaso lahayn. Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa Maalintii iyada guur loo soo doonto?
Tenemos una pequeña hermana, que aún no tiene pechos. ¿Qué haremos a nuestra hermana cuando de ella se hablare?
9 H adday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah, Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah. Gacalisada Hadlaysaa
Si ella es muro, edificaremos sobre él un palacio de plata; y si fuere puerta, la guarneceremos con tablas de cedro.
10 A nigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale. Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.
Yo soy muro, y mis pechos son como torres, desde que fui en sus ojos como la que halla paz.
11 S ulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
Salomón tuvo una viña en Baal-hamón, la cual entregó a guardas, cada uno de los cuales debía traer mil monedas de plata por su fruto.
12 B eercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol. Gacaliyaha Hadlayaa
Mi viña, que es mía, está delante de mí; las mil serán tuyas, oh Salomón, y doscientas, de los que guardan su fruto.
13 T aada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii. Gacalisada Hadlaysaa
Oh tú la que moras en los huertos, los compañeros escuchan tu voz; házmela oír.
14 G acaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.
Corre, amado mío; y sé semejante al gamo, o al cervatillo, sobre las montañas de las especias.