1 J acaylka walaalnimadu ha sii jiro.
Let brotherly love continue.
2 H a illoobina inaad shisheeyaha marti qaaddaan, waayo, sidaas qaar baa malaa'igo u marti qaaday iyagoo aan ogayn.
Be not forgetful to entertain strangers: for thereby some have entertained angels unawares.
3 U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah.
Remember them that are in bonds, as bound with them; and them which suffer adversity, as being yourselves also in the body.
4 G uurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.
Marriage is honourable in all, and the bed undefiled: but whoremongers and adulterers God will judge.
5 D abiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo.
Let your conversation be without covetousness; and be content with such things as ye have: for he hath said, I will never leave thee, nor forsake thee.
6 S idaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa? Waa In Hoggaamiyayaasha Daacad Loo Ahaado
So that we may boldly say, The Lord is my helper, and I will not fear what man shall do unto me.
7 X usuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.
Remember them which have the rule over you, who have spoken unto you the word of God: whose faith follow, considering the end of their conversation.
8 C iise Masiix waa isku mid shalay iyo maanta iyo weligiiba.
Jesus Christ the same yesterday, and to day, and for ever.
9 W axbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.
Be not carried about with divers and strange doctrines. For it is a good thing that the heart be established with grace; not with meats, which have not profited them that have been occupied therein.
10 W axaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan.
We have an altar, whereof they have no right to eat which serve the tabernacle.
11 W aayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda.
For the bodies of those beasts, whose blood is brought into the sanctuary by the high priest for sin, are burned without the camp.
12 S idaas daraaddeed Ciisena si uu dadka quduus ugaga dhigo dhiiggiisa wuxuu ku xanuunsaday iridda dibaddeeda.
Wherefore Jesus also, that he might sanctify the people with his own blood, suffered without the gate.
13 H addaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.
Let us go forth therefore unto him without the camp, bearing his reproach.
14 W aayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta.
For here have we no continuing city, but we seek one to come.
15 H addaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.
By him therefore let us offer the sacrifice of praise to God continually, that is, the fruit of our lips giving thanks to his name.
16 L aakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
But to do good and to communicate forget not: for with such sacrifices God is well pleased.
17 H oggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso. Farriin Iyo Duco
Obey them that have the rule over you, and submit yourselves: for they watch for your souls, as they that must give account, that they may do it with joy, and not with grief: for that is unprofitable for you.
18 N oo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno.
Pray for us: for we trust we have a good conscience, in all things willing to live honestly.
19 O o aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.
But I beseech you the rather to do this, that I may be restored to you the sooner.
20 H addaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,
Now the God of peace, that brought again from the dead our Lord Jesus, that great shepherd of the sheep, through the blood of the everlasting covenant,
21 k aamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
Make you perfect in every good work to do his will, working in you that which is wellpleasing in his sight, through Jesus Christ; to whom be glory for ever and ever. Amen.
22 W alaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray.
And I beseech you, brethren, suffer the word of exhortation: for I have written a letter unto you in few words.
23 O gaada in walaalkeen Timoteyos la sii daayay, kan hadduu dhaqso u yimaado, aannu idin soo wada arki doonno.
Know ye that our brother Timothy is set at liberty; with whom, if he come shortly, I will see you.
24 I gu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.
Salute all them that have the rule over you, and all the saints. They of Italy salute you.
25 N imco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
Grace be with you all. Amen.