Kolosay 3 ~ Colossians 3

picture

1 H addaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.

If ye then be risen with Christ, seek those things which are above, where Christ sitteth on the right hand of God.

2 K a fikira waxyaalaha korka yaal, hana ka fikirina waxyaalaha dhulka yaal.

Set your affection on things above, not on things on the earth.

3 W aayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah.

For ye are dead, and your life is hid with Christ in God.

4 M asiixa oo ah nolosheenna, markuu soo muuqdo, kolkaasaad idinkuna ammaan kula soo muuqan doontaan.

When Christ, who is our life, shall appear, then shall ye also appear with him in glory.

5 H addaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,

Mortify therefore your members which are upon the earth; fornication, uncleanness, inordinate affection, evil concupiscence, and covetousness, which is idolatry:

6 w axyaalahaas oo daraaddood ay cadhada Ilaah ugu soo degto carruurta caasinimada.

For which things' sake the wrath of God cometh on the children of disobedience:

7 K uwaas ayaad waagii hore ku socon jirteen markii aad waxyaalahaas ku noolaan jirteen.

In the which ye also walked some time, when ye lived in them.

8 L aakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.

But now ye also put off all these; anger, wrath, malice, blasphemy, filthy communication out of your mouth.

9 B een ha isu sheegina, waayo, idinku waad iska xoorteen dabiicaddii hore iyo falimaheediiba,

Lie not one to another, seeing that ye have put off the old man with his deeds;

10 o o waxaad huwateen dabiicadii cusbayd taas oo loo cusboonaysiinayo aqoon sida ay tahay u-ekaanta kan iyada abuuray.

And have put on the new man, which is renewed in knowledge after the image of him that created him:

11 H alkaas ma jiri karaan Gariig ama Yuhuudi, mid gudan ama mid buuryoqab ah, reer Barbari, ama reer Iskutees, addoon ama xor; laakiinse Masiixu waa wax walba, oo wax walba wuu ku jiraa.

Where there is neither Greek nor Jew, circumcision nor uncircumcision, Barbarian, Scythian, bond nor free: but Christ is all, and in all.

12 H addaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho.

Put on therefore, as the elect of God, holy and beloved, bowels of mercies, kindness, humbleness of mind, meekness, longsuffering;

13 M idkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela:

Forbearing one another, and forgiving one another, if any man have a quarrel against any: even as Christ forgave you, so also do ye.

14 o o waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada.

And above all these things put on charity, which is the bond of perfectness.

15 O o nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada.

And let the peace of God rule in your hearts, to the which also ye are called in one body; and be ye thankful.

16 O o erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.

Let the word of Christ dwell in you richly in all wisdom; teaching and admonishing one another in psalms and hymns and spiritual songs, singing with grace in your hearts to the Lord.

17 O o wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga. Nolosha Masiixiyiinta Iyo Xaasaskooda

And whatsoever ye do in word or deed, do all in the name of the Lord Jesus, giving thanks to God and the Father by him.

18 D umar yahow, nimankiinna ka dambeeya sida ay ugu habboon tahay xagga Rabbiga.

Wives, submit yourselves unto your own husbands, as it is fit in the Lord.

19 N imankow, idinkuna afooyinkiinna jeclaada oo ha ku qadhaadhoobina.

Husbands, love your wives, and be not bitter against them.

20 C arruurtoy, waalidkiinna wax kastaba ku addeeca, waayo, taasu waa ka farxisaa Rabbiga.

Children, obey your parents in all things: for this is well pleasing unto the Lord.

21 A abbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, yeeyan qalbi jabine.

Fathers, provoke not your children to anger, lest they be discouraged.

22 A ddoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.

Servants, obey in all things your masters according to the flesh; not with eyeservice, as menpleasers; but in singleness of heart, fearing God;

23 W ax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn,

And whatsoever ye do, do it heartily, as to the Lord, and not unto men;

24 i dinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah.

Knowing that of the Lord ye shall receive the reward of the inheritance: for ye serve the Lord Christ.

25 W aayo, kii xumaan falaa wuxuu dib u heli doonaa xumaantuu falay, waayo, dadka looma kala eexdo.

But he that doeth wrong shall receive for the wrong which he hath done: and there is no respect of persons.