Yeremyaah 8 ~ Еремия 8

picture

1 R abbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaa qabriyadoodii laga soo bixin doonaa lafihii boqorrada dalka Yahuudah, iyo lafihii amiirradiisa, iyo lafihii wadaaddada, iyo lafihii nebiyada, iyo lafihii dadkii Yeruusaalem degganaaba.

В онова време, каза Господ, ще извадят от гробовете им Костите на Юдовите царе и костите на техните първенци, Костите на свещениците и костите на пророците, И костите на ерусалимските жители;

2 O o waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.

И ще ги пръснат пред слънцето и луната И пред цялото небесно войнство, които те обичаха, На които служиха и които последваха, Които потърсиха и на които се поклониха; <Тия кости> не ще бъдат събрани нито погребани, Но ще служат за тор по лицето на земята.

3 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan. Dembi Iyo Ciqaab

И смъртта ще бъде по-желателна от живота За всичките останали, оцелели от тоя лош род, Които би останали във всичките места, гдето бих ги изгонил, Казва Господ на Силите.

4 W eliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon?

При това рече им: Така казва Господ: Който падне, няма ли да стане? Който се отбие, няма ли да се върне?

5 H addaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.

Защо прочее, се отбиха тия ерусалимски люде С неизменимо отбиване, Като се прилепват за измамата И не искат да се върнат?

6 W aan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.

Слушах и чух, но те не говореха право; Няма кой да се кае поради злото си И да рече: Какво сторих! Всеки се връща в своето поприще Както кон, който стремително тича в боя.

7 S ida xaqiiqada ah xuurta samadu xilligeeda way taqaan, oo qoolleyda, iyo dabfallaadha, iyo saratoosiyuhuba way dhawraan xilliga imaatinkooda, laakiinse dadkaygu Rabbiga xukunkiisa ma ay yaqaaniin.

Даже щъркелът по небето знае определените си времена, И гургулицата, и лястовицата, и жеравът Пазят времето на дохождането си; А Моите люде не знаят закона Господен.

8 H addaba bal sidee baad u tidhaahdaan, Annagu xigmad baannu leennahay, oo Rabbiga sharcigiisuna waa nala jiraa? Laakiinse qalinkii beenta ahaa ee karraaniyada ayaa been ka dhigay.

Как казвате: Ние сме мъдри, И законът Господен е с нас? Ето, наистина и него Лъжливото перо на книжниците е обърнало в лъжа.

9 N imankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?

Мъдрите се посрамиха, Уплашиха се, и хванати бидоха; Ето, отхвърлиха словото Господно; И каква мъдрост има в тях?

10 S idaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.

Затова ще дам жените им на други, И нивите им на ония, които ще ги завладеят; Защото всеки от малък до голям, Се е предал на сребролюбие; От пророк до свещеник, Всеки постъпва лъжливо.

11 W aayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!

И повърхностно лекува раната на дъщерята на людете Ми, Като казваха: Мир, мир! а пък няма мир.

12 M arkay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.

Засрамиха ли се, когато извършиха мерзости? Не, никак не ги досрамя, Нито са знаели да почервенеят; Затова ще падат между падащите, Ще бъдат поваляни, когато ги накажа, казва Господ;

13 R abbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.

Съвършено ще ги изтребя, казва Господ; Не ще има гроздове на лозата Нито смокини на смоковницата, И листът ще повехне, И <даже> това, което им съм дал, ще избяга от тях.

14 B al maxaynu isaga fadhinnaa? Isa soo wada urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee, oo aynu halkaas ku halliganno, waayo, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa ina halligay, oo wuxuu ina cabsiiyey biyo xammeetiyeed, maxaa yeelay, Rabbigeenna waynu ku dembaabnay.

Защо още седим? Съберете се, нека влезем в укрепените градове, И нека загинем там; Защото Господ нашият Бог не ни е предал на погибел, И напоил ни е с горчива вода, Понеже съгрешихме на Господа.

15 I nnagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!

Очаквахме мир, но никакво добро не дойде, - Време на изцеление, но, ето, смущение.

16 B ururuftii fardihiisa dalka Daan baa laga maqlay, oo dalkii oo dhammuna wuxuu la gariiray dananiddii kuwiisa xoogga badan, waayo, way yimaadeen, oo waxay wada baabbi'iyeen dalkii, iyo wixii ku dhex jiray oo dhan, iyo magaalooyinkii iyo kuwii degganaa oo dhanba.

Пръхането на конете му се чу от Дан; Цялата страна се потресе от гласа на цвиленията на яките му коне; Защото дойдоха та изпоядоха страната и всичко, що има по нея, Града и ония, които живеят в него.

17 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.

Защото, ето, Аз пращам върху вас змии, ехидни, Които не се омайват, Но ще ви хапят, казва Господ.

18 M urugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

Дано бих намерил утешение за скръбта си! Сърцето ми е от дън изнемощяло.

19 B al maqla codka qaylada dadkayga oo dal fog ka yeedhaya. Sow Rabbigu Siyoon ma joogo? Sow boqorkeedii ma dhex joogo? Bal maxay iigaga cadhaysiiyeen sanamyadooda xardhan iyo waxyaalahooda qalaad ee aan waxtarka lahayn?

Ето, гласът на дъщерята на людете Ми, Която вика от далечна земя, <като казва>: Господ не е ли в Сион? Царят му не е ли в него? Защо Ме разгневиха с изваяните си идоли, С чуждите суети?

20 B eergoosadkii waa dhaafay, oo midhoguriddiina waa idlaatay, laakiin innagu weli ma aynu badbaadin.

Премина жетвата, мина се лятото, И ние не се избавихме.

21 A nigu waxaan ku xanuunsaday nabarkii ku dhacay dadkayga. Murug baan la madoobaaday, oo yaab baa i haya.

Съкрушен съм поради съкрушението на дъщерята на людете Ми; Помрачен съм; ужас ме обзе.

22 M a Gilecaad baan beeyo dawo ah oollin, mase dhakhtar baan halkaas joogin? Bal maxaa bogsiinta dadkaygu u dhammaystirmi weyday?

Няма ли балсам в Галаад? Няма ли там лекар? Защо, прочее, изцеляването на дъщерята на людете Ми не се усъвършенствува?