Baxniintii 9 ~ Изход 9

picture

1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

Тогава Господ рече на Моисея: Влез у Фараона и кажи му: Така казва Господ, Бог на евреите, Пусни людете Ми, за да ми послужат.

2 W aayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,

Защото, ако откажеш да ги пуснеш, и ако още ги държиш,

3 b al ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.

ето, Господната ръка ще падне на добитъка ти, който е по полето, на конете, на ослите, на камилите, на говедата и на овците, с твърде тежък мор.

4 O o Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.

И Господ ще постави преграда между Израилевия добитък и египетския добитък; от всичкия добитък на израилтяните нищо няма да умре.

5 R abbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.

И Господ определи срок, като рече: Утре Господ ще стори това на земята.

6 R abbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.

На другия ден Господ стори това; всичкият египетски добитък измря, а от добитъка на израилтяните нищо не умря.

7 M arkaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan. Belaayadii Boogaha

И Фараон прати <да видят>, и, ето, от добитъка на израилтяните нищо не беше умряло. Но сърцето на Фараона бе упорито, и той не пусна людете.

8 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.

Тогава Господ каза на Моисея и Аарона: Напълнете шепите си с пепел от пещ и нека я пръсне Моисей към небето пред Фараона;

9 O o waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.

и <пепелта> ще стане прах по цялата Египетска земя, и ще причини на човеците и на животните възпаление с гнойни цирки, по цялата Египетска земя.

10 M arkaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun.

И като взеха пепел от пещ и застанаха пред Фараона, Моисей я пръсна към небето; и стана възпаление с гнойни цирки на човеците и на животните.

11 O o saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.

И магьосниците не можаха да стоят пред Моисея поради възпалението; защото възпалението беше на магьосниците, <както> и на всичките египтяни.

12 R abbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi. Belaayada Roobdhagaxyaale Baas Ah

Но Господ закорави сърцето на Фараона, та не ги послуша, според както Господ беше говорил на Моисея.

13 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

След това Господ рече на Моисея: Стани утре рано та застани пред Фараона, и речи му: Така казва Господ, Бог на евреите, Пусни людете Ми, за да Ми послужат.

14 W aayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.

Защото в това време Аз изпращам всичките Си язви върху сърцето ти, върху слугите ти и върху людете ти, за да познаеш, че в целия свят няма подобен на Мене.

15 W aayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

Понеже сега можех да дигна ръката Си и да поразя тебе и людете ти с мор, и ти би бил изтребен от земята,

16 l aakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan.

ако не беше, че нарочно затова те издигнах, да покажа в тебе силата Си и да се прочуе Името Ми по целия свят.

17 M a weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?

Още ли се надигаш против людете Ми та не ги пускаш?

18 B al ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.

Ето, утре около тоя час ще наваля много тежък град, небивал в Египет, откак се е основал, дори до днес.

19 H addaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan.

Сега, прочее, прати да приберат скоро добитъка ти и всичко що имаш по полето; <защото> града ще падне на всеки човек и всяко животно, що се намери на полето и не се прибере в къщи; и те ще измрат.

20 M arkaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay;

Прочее, който от Фараоновите слуги се убоя от това, което Господ каза, прибра бързо в къщи слугите си и добитъка си;

21 k ii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.

а който не даде внимание на казаното от Господа, остави слугите си и добитъка си по полето.

22 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis.

Тогава Господ каза на Моисея: Простри ръката си към небето, за да удари град по цялата Египетска земя, по човеците, по животните и по всяка трева на полето из цялата Египетска земя.

23 M arkaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale.

И Моисей простря жезъла си към небето и Господ прати гръм и град, и огън се спущаше по земята; Господ наваля град по Египетската земя.

24 S idaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan.

Така имаше град, и огън размесен с града, <град> много тежък, небивал в цялата Египетска земя, откак е заживял там народ.

25 O o roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey.

В цялата Египетска земя градът изби всичко що имаше по полето, и човек и животно; градът очука и всичката трева по полето и изпочупи всичките дървета по полето.

26 W axaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.

Само в Гесенската земя, гдето бяха израилтяните, не удари град.

27 M arkaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay.

Тогава Фараон изпрати да повикат Моисея и Аарона и рече им: Тоя път съгреших; Господ е праведен, а аз и людете ми сме нечестиви.

28 B al Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba.

Помолете се Господу: защото стига толкова от тия ужасни гръмове и град; и аз ще ви пусна, и няма вече да останете.

29 K olkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay.

А Моисей му каза: Щом изляза от града ще простра ръцете си към Господа; и гръмовете ще престанат, и град не ще има вече, за да познаеш, че светът е Господен.

30 L aakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah.

Обаче зная, че ти и слугите ти още не ще се убоите от Господа Бога.

31 O o cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay.

(Ленът и ечемикът бидоха изпобити, защото ечемикът беше на класове, и ленът връзваше семе;

32 L aakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin.

но пшеницата и бялото жито оцеляха, защото бяха късни).

33 O o Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin.

И тъй, Моисей излезе отпред Фараона извън града и простря ръцете си към Господа; и гръмовете и градът престанаха, и дъждът не се изливаше вече по земята.

34 F ircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba.

Но като видя Фараон, че престанаха дъждът и градът и гръмовете, той продължаваше да греши, и закорави сърцето си, той и слугите му.

35 O o Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

Сърцето на Фараона се закорави, и той не пусна израилтяните, според както Господ бе говорил чрез Моисея.