Sabuurradii 137 ~ Psalm 137

picture

1 W axaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.

By the rivers of Babylon, there we sat down. Yes, we wept, when we remembered Zion.

2 O o waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.

On the willows in that land, we hung up our harps.

3 W aayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.

For there, those who led us captive asked us for songs. Those who tormented us demanded songs of joy: “Sing us one of the songs of Zion!”

4 B al sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?

How can we sing Yahweh’s song in a foreign land?

5 Y eruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.

If I forget you, Jerusalem, let my right hand forget its skill.

6 C arrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.

Let my tongue stick to the roof of my mouth if I don’t remember you; if I don’t prefer Jerusalem above my chief joy.

7 R abbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.

Remember, Yahweh, against the children of Edom, the day of Jerusalem; who said, “Raze it! Raze it even to its foundation!”

8 G abadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya Sidii aad nagu samaysay.

Daughter of Babylon, doomed to destruction, he will be happy who rewards you, as you have served us.

9 W axaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

Happy shall he be, who takes and dashes your little ones against the rock.