Daanyeel 11 ~ Daniel 11

picture

1 D aariyus oo reer Maaday ahaa, sannaddiisii kowaad ayaan u istaagay inaan caawiyo oo xoogaysiiyo isaga. Boqorrada Koonfurta Iyo Woqooyi

“As for me, in the first year of Darius the Mede, I stood up to confirm and strengthen him.

2 O o haatan runtaan kuu sheegayaa, Bal ogow, weliba saddex boqor baa Faaris ka kici doonee, kan afraadna kulligood waa ka wada maal badnaan doonaa, oo markuu maalkiisa aad ugu xoogaysto, ayuu dhammaan boqortooyada Gariigta ku kicin doonaa.

Now will I show you the truth. Behold, there shall stand up yet three kings in Persia; and the fourth shall be far richer than they all: and when he has grown strong through his riches, he shall stir up all against the realm of Greece.

3 O o waxaa kici doona boqor xoog badan, oo talo weyn ku talin doona, hadba siduu doonayana yeeli doonaa.

A mighty king shall stand up, who shall rule with great dominion, and do according to his will.

4 O o markuu kaco, ayaa boqortooyadiisu jabi doontaa, waxaana loo kala qaybin doonaa afarta jaho oo samada, laakiin farcankiisa iyo sida dowladnimadiisu ahayd toona looma qaybin doono, waayo, boqortooyadiisa waa la rujin doonaa, oo waxaa yeelan doona kuwo kale oo aan kuwan ahayn.

When he shall stand up, his kingdom shall be broken, and shall be divided toward the four winds of the sky, but not to his posterity, nor according to his dominion with which he ruled; for his kingdom shall be plucked up, even for others besides these.

5 O o boqorka koonfureed ayaa xoog yeelan doona, oo mid amiirradiisa ka mid ah ayaa ka sii xoog badnaan doona, wuxuuna yeelan doonaa dowladnimo, oo dowladnimadiisuna waxay noqon doontaa dowladnimo weyn.

The king of the south shall be strong, and one of his princes; and he shall be strong above him, and have dominion; his dominion shall be a great dominion.

6 S annado dabadoodna way isku darsami doonaan kulligood, oo boqorka koonfureed gabadhiisa ayaa u iman doonta boqorka woqooyi inay heshiis la dhigato; laakiinse gacanteedu xoog ma sii yeelan doonto; isaga iyo gacantiisuna sii ma taagnaan doonaan, laakiinse waa la sii dayn doonaa iyada, iyo kuwii keenay, iyo kii dhalay, iyo kii waayahaas iyada xoogayn jirayba.

At the end of years they shall join themselves together; and the daughter of the king of the south shall come to the king of the north to make an agreement: but she shall not retain the strength of her arm; neither shall he stand, nor his arm; but she shall be given up, and those who brought her, and he who became the father of her, and he who strengthened her in those times.

7 L aakiinse biqil ka baxay jiriddii ay ka soo farcantay ayaa meeshiisa istaagi doona oo u iman doona ciidanka, oo wuxuu soo geli doonaa boqorka woqooyi qalcaddiisa, wuuna ka gees ahaan doonaa iyaga, kolkaasuu ka adkaan doonaa.

But out of a shoot from her roots shall one stand up in his place, who shall come to the army, and shall enter into the fortress of the king of the north, and shall deal against them, and shall prevail.

8 O o weliba wuxuu xagga Masar qaadan doonaa ilaahyadooda, iyo sanamyadooda la shubay, iyo weelashoodii wanaagsanaa ee laga sameeyey lacagta iyo dahabka, oo intii dhawr sannadood ah ayuu ka hadhi doonaa boqorka woqooyi.

Also their gods, with their molten images, and with their goodly vessels of silver and of gold, shall he carry captive into Egypt; and he shall refrain some years from the king of the north.

9 O o wuxuu iman doonaa boqortooyada boqorka koonfureed, laakiin waddankiisuu ku noqon doonaa.

He shall come into the realm of the king of the south, but he shall return into his own land.

10 W iilashiisuna way dagaallami doonaan, oo waxay urursan doonaan ciidan faro badan oo imanaya, oo dhulka qarqinaya, oo dhex maraya, markaasuu soo noqon doonaa oo la dagaallami doonaa ilaa qalcaddiisa.

His sons shall war, and shall assemble a multitude of great forces, which shall come on, and overflow, and pass through; and they shall return and war, even to his fortress.

11 O o boqorka koonfureed wuu cadhoon doonaa, kolkaasuu soo bixi doonaa oo la dagaallami doonaa boqorka woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan, dadka faraha badanna isagaa gacanta loo gelin doonaa.

The king of the south shall be moved with anger, and shall come out and fight with him, even with the king of the north; and he shall send out a great multitude, and the multitude shall be given into his hand.

12 O o dadka faraha badanna waa la qaadi doonaa, qalbigiisuna wuu kibri doonaa; oo tobanyaal kun buu hoos u tuuri doonaa, mase adkaan doono.

The multitude shall be lifted up, and his heart shall be exalted; and he shall cast down tens of thousands, but he shall not prevail.

13 O o markaasaa waxaa soo noqon doona boqorkii woqooyi, oo wuxuu soo bixin doonaa dad faro badan oo kuwii hore ka sii badan; oo sannado dabadood wuxuu la iman doonaa ciidan badan iyo maal badan.

The king of the north shall return, and shall send out a multitude greater than the former; and he shall come on at the end of the times, even of years, with a great army and with much substance.

14 O o wakhtigaasna dad badan baa ka gees noqon doona boqorka koonfureed; oo weliba kuwa wax dulma oo dadkaaga ku dhex jira ayaa kici doona si ay riyadu u dhisanto; laakiinse way dhici doonaan.

In those times there shall many stand up against the king of the south: also the children of the violent among your people shall lift themselves up to establish the vision; but they shall fall.

15 S idaasuu boqorkii woqooyi u iman doonaa, oo tuulmo buu tuuli doonaa, oo magaalo deyr lehna wuu qaadan doonaa, ciidanka koonfureedna isma hor taagi doonaan, iyo dadkiisa uu doortay toona, oo xoog ay isku hor taagaanna ma jiri doono.

So the king of the north shall come, and cast up a mound, and take a well-fortified city: and the forces of the south shall not stand, neither his chosen people, neither shall there be any strength to stand.

16 L aakiin kan isaga ku kaca ayaa hadba siduu doonayo yeeli doona, oo ninna isma hor taagi doono. Oo wuxuu dhex istaagi doonaa dhulka quruxda leh, gacantiisana waxaa ku jiri doona baabbi'in.

But he who comes against him shall do according to his own will, and no one shall stand before him; and he shall stand in the glorious land, and in his hand shall be destruction.

17 I nuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto.

He shall set his face to come with the strength of his whole kingdom, and with him equitable conditions; and he shall perform them: and he shall give him the daughter of women, to corrupt her; but she shall not stand, neither be for him.

18 T aas dabadeedna wuxuu u jeesan doonaa xagga gasiiradaha, kuwo badanna wuu qaadan doonaa, laakiinse mid amiir ah ayaa caydii uu caayay joojin doona; oo weliba caydiisii isaguu ku celin doonaa.

After this shall he turn his face to the islands, and shall take many: but a prince shall cause the reproach offered by him to cease; yes, moreover, he shall cause his reproach to turn on him.

19 M arkaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.

Then he shall turn his face toward the fortresses of his own land; but he shall stumble and fall, and shall not be found.

20 D abadeedna waxaa meeshiisii istaagi doona mid ka dhigi doona in cashuurqaade boqortooyada ammaanteeda dhex maro, laakiin dhawr maalmood dabadood ayaa la jebin doonaa, lagumase jebin doono cadho ama dagaal.

Then shall stand up in his place one who shall cause a tax collector to pass through the kingdom to maintain its glory; but within few days he shall be destroyed, neither in anger, nor in battle.

21 O o waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.

In his place shall stand up a contemptible person, to whom they had not given the honor of the kingdom: but he shall come in time of security, and shall obtain the kingdom by flatteries.

22 O o iyaga hortiisa ayaa laga xaaqi doonaa, sida daadku wax u qarqiyo oo kale, waana la jebin doonaa iyagii, iyo weliba amiirkii axdigaba.

The overwhelming forces shall be overwhelmed from before him, and shall be broken; yes, also the prince of the covenant.

23 O o markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa.

After the treaty made with him he shall work deceitfully; for he shall come up, and shall become strong, with a small people.

24 W akhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.

In time of security shall he come even on the fattest places of the province; and he shall do that which his fathers have not done, nor his fathers’ fathers; he shall scatter among them prey, and plunder, and substance: yes, he shall devise his devices against the strongholds, even for a time.

25 M arkaasuu xooggiisa iyo geesinimadiisa ku kicin doonaa boqorka koonfureed, isagoo ciidan badan wata, boqorka koonfureedna isaguu la dagaallami doona isagoo wata ciidan aad u xoog badan, laakiinse isma uu taagi doono, maxaa yeelay, wax ka gees ah bay ku fikiri doonaan.

He shall stir up his power and his courage against the king of the south with a great army; and the king of the south shall war in battle with an exceeding great and mighty army; but he shall not stand; for they shall devise devices against him.

26 O o kuwii quudkiisii cunay ayaa jebin doona isaga, oo ciidankiisuna dalkuu qarqin doonaa, oo kuwo badan baa dhici doona iyagoo la laayay.

Yes, they who eat of his dainties shall destroy him, and his army shall overflow; and many shall fall down slain.

27 O o labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.

As for both these kings, their hearts shall be to do mischief, and they shall speak lies at one table: but it shall not prosper; for yet the end shall be at the time appointed.

28 M arkaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.

Then he will return into his land with great substance; and his heart will be against the holy covenant; and he will take action, and return to his own land.

29 W akhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,

At the time appointed he shall return, and come into the south; but it shall not be in the latter time as it was in the former.

30 w aayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.

For ships of Kittim shall come against him; therefore he shall be grieved, and shall return, and have indignation against the holy covenant, and shall take action: he shall even return, and have regard to those who forsake the holy covenant.

31 O o ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.

Forces shall stand on his part, and they shall profane the sanctuary, even the fortress, and shall take away the continual burnt offering, and they shall set up the abomination that makes desolate.

32 O o kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan.

Such as do wickedly against the covenant shall he pervert by flatteries; but the people who know their God shall be strong, and take action.

33 O o kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac.

Those who are wise among the people shall instruct many; yet they shall fall by the sword and by flame, by captivity and by plunder, many days.

34 H addaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.

Now when they shall fall, they shall be helped with a little help; but many shall join themselves to them with flatteries.

35 O o qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay. Boqorka Oo Is Saraysiiya

Some of those who are wise shall fall, to refine them, and to purify, and to make them white, even to the time of the end; because it is yet for the time appointed.

36 O o boqorku siduu doonuu yeeli doonaa; wuuna isa sarraysiin doonaa oo iska weynaysiin doonaa ilaah kasta, oo waxyaalo yaab miidhan ah ayuu kaga hadli doonaa Ilaaha ilaahyada, wuuna iska barwaaqoobi doonaa ilaa ay cadhadu buuxsanto; waayo, wixii la goostay ayaa la samayn doonaa.

The king shall do according to his will; and he shall exalt himself, and magnify himself above every god, and shall speak marvelous things against the God of gods; and he shall prosper until the indignation be accomplished; for that which is determined shall be done.

37 U mana fiirsan doono ilaahyadii awowayaashiis, ama waxa dumarku jecel yihiin, oo ilaahna uma fiirsan doono, waayo, wuu iska weynaysiin doonaa wax kasta.

Neither shall he regard the gods of his fathers, nor the desire of women, nor regard any god; for he shall magnify himself above all.

38 L aakiinse meeshiisuu ku cisayn doonaa ilaaha qalcadaha; oo ilaah aanay awowayaashiis garanayn ayuu ku cisayn doonaa dahab iyo lacag iyo dhagaxyo qaali ah, iyo waxyaalo fiican.

But in his place shall he honor the god of fortresses; and a god whom his fathers didn’t know shall he honor with gold, and silver, and with precious stones, and pleasant things.

39 O o ilaah qalaad caawimaaddiis ayuu wax ku samayn doonaa qalcadaha ugu xoogga badan, oo mid kasta oo isaga aqoonsada wuxuu u kordhin doonaa ammaan; wuxuuna ka dhigi doonaa inay xukumaan kuwo badan, dhulkana abaal buu ugu kala qaybin doonaa.

He shall deal with the strongest fortresses by the help of a foreign god: whoever acknowledges him he will increase with glory; and he shall cause them to rule over many, and shall divide the land for a price.

40 W akhtiga ugu dambaysta ayaa boqorka koonfureed la dagaallami doonaa isaga, oo boqorka woqooyina wuxuu ugu iman doonaa sida dabayl cirwareen ah, isagoo wata gaadhifardood, iyo fardooley, iyo doonniyo badan, wuxuuna soo dhex geli doonaa waddammada, wuuna qarqin doonaa, oo dhex mari doonaa.

At the time of the end shall the king of the south contend with him; and the king of the north shall come against him like a whirlwind, with chariots, and with horsemen, and with many ships; and he shall enter into the countries, and shall overflow and pass through.

41 W uxuu kaloo dhex geli doonaa dhulka quruxda leh, oo waddammo badan oo kalena waa la afgembiyi doonaa, laakiin waxaa gacantiisa laga samatabbixin doonaa Edom, iyo Moo'aab, iyo kuwa waaweyn oo reer Cammoon.

He shall enter also into the glorious land, and many countries shall be overthrown; but these shall be delivered out of his hand: Edom, and Moab, and the chief of the children of Ammon.

42 O o haddana gacantiisuu waddammada ku fidin doonaa, oo dalka Masarna ma baxsan doono.

He shall stretch out his hand also on the countries; and the land of Egypt shall not escape.

43 L aakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan.

But he shall have power over the treasures of gold and of silver, and over all the precious things of Egypt; and the Libyans and the Ethiopians shall be at his steps.

44 L aakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo.

But news out of the east and out of the north shall trouble him; and he shall go out with great fury to destroy and utterly to sweep away many.

45 O o wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.

He shall plant the tents of his palace between the sea and the glorious holy mountain; yet he shall come to his end, and no one shall help him.