1 A m văzut un înger care cobora din cer şi care avea cheia Adâncului şi un lanţ mare în mână.
Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn.
2 E l a înşfăcat balaurul, şarpele cel vechi, care este diavolul şi Satan, şi l-a legat pentru o mie de ani.
Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,
3 E l l-a aruncat în Adânc, apoi a încuiat şi a pecetluit intrarea deasupra lui, ca să nu mai înşele neamurile până când se vor fi împlinit cei o mie de ani. După aceea, trebuie să fie eliberat pentru puţin timp.
oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.
4 A m văzut nişte tronuri, iar celor ce şedeau pe ele li s-a dat autoritatea să judece. Am văzut şi sufletele celor ce au fost decapitaţi din pricina mărturiei lui Isus şi din pricina Cuvântului lui Dumnezeu, care nu i s-au închinat fiarei, nici imaginii ei şi care n-au primit semnul ei pe frunte şi pe mână. Ei au înviat şi au domnit cu Cristos timp de o mie de ani.
Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.
5 ( Ceilalţi morţi n-au înviat până când nu s-au împlinit cei o mie de ani.) Aceasta este prima înviere.
Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.
6 F ericiţi şi sfinţi sunt cei care au parte de prima înviere! Asupra acestora a doua moarte nu are autoritate, ci vor fi preoţi ai lui Dumnezeu şi ai lui Cristos şi vor domni cu El timp de o mie de ani. Condamnarea lui Satan
Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood. Furniinka Shayddaanka Iyo Dagaalka Ugu Dambeeya
7 C ând se vor fi împlinit cei o mie de ani, Satan va fi eliberat din închisoarea lui
Oo markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay,
8 ş i va ieşi ca să înşele neamurile care sunt în cele patru colţuri ale pământului – pe Gog şi Magog – şi să le adune pentru război. La număr, ele sunt ca nisipul mării.
oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.
9 E le s-au ridicat la orizontul pământului şi au înconjurat tabăra sfinţilor şi cetatea iubită. Atunci a coborât foc din cer şi i-a mistuit.
Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
10 D iavolul, care-i înşela, a fost aruncat în lacul de foc şi pucioasă, unde erau fiara şi profetul fals. Ei vor fi chinuiţi zi şi noapte, în vecii vecilor. Judecarea celor morţi
Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba. Sarakicidda Kuwii Dhintay Iyo Xukunka Ugu Dambeeya
11 A poi am văzut un tron mare şi alb şi pe Cel Ce şedea pe el. Pământul şi cerul au dispărut din prezenţa Lui şi nu s-a mai găsit loc pentru ele.
Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.
12 I -am văzut pe morţii mari şi mici stând înaintea tronului. Au fost deschise nişte cărţi şi a fost deschisă şi o altă carte, care este Cartea Vieţii. Morţii au fost judecaţi potrivit cu faptele lor, aşa cum erau ele scrise în cărţi.
Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
13 M area i-a dat pe morţii care erau în ea, moartea şi Locuinţa Morţilor i-au dat pe morţii care erau în ele şi fiecare a fost judecat după faptele lui.
Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen.
14 M oartea şi Locuinţa Morţilor au fost aruncate în lacul de foc. Aceasta este a doua moarte: lacul de foc.
Oo dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.
15 O ricine n-a fost găsit scris în Cartea Vieţii a fost aruncat în lacul de foc.
Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.