1 B al eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.
He aquí, el día de Jehová viene, y en medio de ti serán repartidos tus despojos.
2 W aayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.
Porque yo reuniré a todas las naciones para combatir contra Jerusalén; y la ciudad será tomada, y serán saqueadas las casas, y violadas las mujeres; y la mitad de la ciudad irá en cautiverio, mas el resto del pueblo no será cortado de la ciudad.
3 M arkaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
Después saldrá Jehová y peleará con aquellas naciones, como peleó en el día de la batalla.
4 O o maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed.
Y se afirmarán sus pies en aquel día sobre el monte de los Olivos, que está en frente de Jerusalén al oriente; y el monte de los Olivos se partirá por en medio, hacia el oriente y hacia el occidente, haciendo un valle muy grande; y la mitad del monte se apartará hacia el norte, y la otra mitad hacia el sur.
5 M arkaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan.
Y huiréis al valle de los montes, porque el valle de los montes llegará hasta Azal; huiréis de la manera que huisteis por causa del terremoto en los días de Uzías rey de Judá; y vendrá Jehová mi Dios, y con él todos los santos.
6 O o waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona,
Y acontecerá que en ese día no habrá luz clara, ni oscura.
7 l aakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.
Será un día, el cual es conocido de Jehová, que no será ni día ni noche; pero sucederá que al caer la tarde habrá luz.
8 O o waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga.
Acontecerá también en aquel día, que saldrán de Jerusalén aguas vivas, la mitad de ellas hacia el mar oriental, y la otra mitad hacia el mar occidental, en verano y en invierno.
9 O o Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.
Y Jehová será rey sobre toda la tierra. En aquel día Jehová será uno, y uno su nombre.
10 O o dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga.
Toda la tierra se volverá como llanura desde Geba hasta Rimón al sur de Jerusalén; y ésta será enaltecida, y habitada en su lugar desde la puerta de Benjamín hasta el lugar de la puerta primera, hasta la puerta del Angulo, y desde la torre de Hananeel hasta los lagares del rey.
11 O o dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.
Y morarán en ella, y no habrá nunca más maldición, sino que Jerusalén será habitada confiadamente.
12 O o tanuna waa belaayada Rabbigu ku dhufan doono dadyowga Yeruusaalem la diriray oo dhan. Iyagoo cagahooda ku taagan ayaa hilibkoodu iska dhammaan doona, oo indhahoodu waxay ku dhex baabbi'i doonaan godadkooda, carrabkooduna afkooda.
Y esta será la plaga con que herirá Jehová a todos los pueblos que pelearon contra Jerusalén: la carne de ellos se corromperá estando ellos sobre sus pies, y se consumirán en las cuencas sus ojos, y la lengua se les deshará en su boca.
13 O o wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.
Y acontecerá en aquel día que habrá entre ellos gran pánico enviado por Jehová; y trabará cada uno de la mano de su compañero, y levantará su mano contra la mano de su compañero.
14 O o weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.
Y Judá también peleará en Jerusalén. Y serán reunidas las riquezas de todas las naciones de alrededor: oro y plata, y ropas de vestir, en gran abundancia.
15 O o saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan.
Así también será la plaga de los caballos, de los mulos, de los camellos, de los asnos, y de todas las bestias que estuvieren en aquellos campamentos.
16 O o waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka.
Y todos los que sobrevivieren de las naciones que vinieron contra Jerusalén, subirán de año en año para adorar al Rey, a Jehová de los ejércitos, y a celebrar la fiesta de los tabernáculos.
17 O o qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono.
Y acontecerá que los de las familias de la tierra que no subieren a Jerusalén para adorar al Rey, Jehová de los ejércitos, no vendrá sobre ellos lluvia.
18 O o haddii uusan reer Masar u kicin, oo uusan iman, iyagana roob kuma di'i doono, oo waxaa jiri doonta belaayo taasoo Rabbigu ku dhufan doono quruumihii aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
Y si la familia de Egipto no subiere y no viniere, sobre ellos no habrá lluvia; vendrá la plaga con que Jehová herirá las naciones que no subieren a celebrar la fiesta de los tabernáculos.
19 T aasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka.
Esta será la pena del pecado de Egipto, y del pecado de todas las naciones que no subieren para celebrar la fiesta de los tabernáculos.
20 W akhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal.
En aquel día estará grabado sobre las campanillas de los caballos: SANTIDAD A JEHOVÁ; y las ollas de la casa de Jehová serán como los tazones del altar.
21 O o xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.
Y toda olla en Jerusalén y Judá será consagrada a Jehová de los ejércitos; y todos los que sacrificaren vendrán y tomarán de ellas, y cocerán en ellas; y no habrá en aquel día más mercader en la casa de Jehová de los ejércitos.