1 B isha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
Guardarás el mes de Abib, y harás pascua a Jehová tu Dios; porque en el mes de Abib te sacó Jehová tu Dios de Egipto, de noche.
2 O o Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
Y sacrificarás la pascua a Jehová tu Dios, de las ovejas y de las vacas, en el lugar que Jehová escoja para que habite allí su nombre.
3 O o allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen.
No comerás con la víctima pan con levadura; siete días comerás pan sin levadura, pan de aflicción, porque aprisa saliste de tierra de Egipto; para que todos los días de tu vida te acuerdes del día en que saliste de la tierra de Egipto.
4 O o intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.
Y no se verá levadura contigo en todo tu territorio por siete días; y de la carne que mates en la tarde del primer día, no quedará hasta la mañana.
5 I diinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,
No podrás sacrificar la pascua en cualquiera de las ciudades que Jehová tu Dios te da;
6 l aakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen.
sino en el lugar que Jehová tu Dios escoja para que habite allí su nombre, sacrificarás la pascua por la tarde a la puesta del sol, a la hora que saliste de Egipto.
7 H ilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan.
Y la asarás y comerás en el lugar que Jehová tu Dios haya escogido; y por la mañana regresarás y volverás a tu habitación.
8 L ix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban. Iidda Toddobaadyada
Seis días comerás pan sin levadura, y el séptimo día será fiesta solemne a Jehová tu Dios; no trabajarás en él.
9 W axaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad.
Siete semanas contarás; desde que comience a meterse la hoz en las mieses, comenzarás a contar las siete semanas.
10 O o Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.
Y harás la fiesta solemne de las semanas a Jehová tu Dios; de la abundancia voluntaria de tu mano será lo que des, según Jehová tu Dios te haya bendecido.
11 M idkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
Y te alegrarás delante de Jehová tu Dios, tú, tu hijo, tu hija, tu siervo, tu sierva, el levita que habite en tus ciudades, y el extranjero, el huérfano y la viuda que esté en medio de ti, en el lugar que Jehová tu Dios haya escogido para poner allí su nombre.
12 O o waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan. Iidda Waababka
Y acuérdate de que fuiste siervo en Egipto; por tanto, guardarás y cumplirás estos estatutos.
13 O o markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah.
La fiesta solemne de los tabernáculos harás por siete días, cuando hayas hecho la cosecha de tu era y de tu lagar.
14 O o midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
Y te alegrarás en tus fiestas solemnes, tú, tu hijo, tu hija, tu siervo, tu sierva, y el levita, el extranjero, el huérfano y la viuda que viven en tus poblaciones.
15 O o intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.
Siete días celebrarás fiesta solemne a Jehová tu Dios en el lugar que Jehová escoja; porque te habrá bendecido Jehová tu Dios en todos tus frutos, y en toda la obra de tus manos, y estarás verdaderamente alegre.
16 O o sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
Tres veces cada año aparecerá todo varón tuyo delante de Jehová tu Dios en el lugar que él escoja: en la fiesta solemne de los panes sin levadura, en la fiesta solemne de las semanas, y en la fiesta solemne de los tabernáculos. Y ninguno se presentará delante de Jehová con las manos vacías;
17 N in waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey. Xaakinnada
sino que cada uno ofrecerá con su propia mano, conforme a la bendición que Jehová tu Dios te haya otorgado. Administración de la justicia
18 O o dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.
Jueces y oficiales pondrás en todas tus ciudades que Jehová tu Dios te dará en tus tribus, los cuales juzgarán al pueblo con justo juicio.
19 W aa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
No tuerzas el derecho; no hagas acepción de personas, ni tomes soborno; porque el soborno ciega los ojos de los sabios, y pervierte las palabras de los justos.
20 O o wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo. Caabudidda Ilaahyo Kale
La justicia, la justicia seguirás, para que vivas y heredes la tierra que Jehová tu Dios te da.
21 O o meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.
No plantarás ningún árbol para Aserá cerca del altar de Jehová tu Dios, que tú te habrás hecho,
22 O o hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.
ni te levantarás estatua, lo cual aborrece Jehová tu Dios.