Boqorradii Kowaad 17 ~ 1 Reyes 17

picture

1 O o Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane.

Entonces Elías tisbita, que era de los moradores de Galaad, dijo a Acab: Vive Jehová Dios de Israel, en cuya presencia estoy, que no habrá lluvia ni rocío en estos años, sino por mi palabra.

2 M arkaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

Y vino a él palabra de Jehová, diciendo:

3 H alkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

Apártate de aquí, y vuélvete al oriente, y escóndete en el arroyo de Querit, que está frente al Jordán.

4 O o waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan.

Beberás del arroyo; y yo he mandado a los cuervos que te den allí de comer.

5 S idaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

Y él fue e hizo conforme a la palabra de Jehová; pues se fue y vivió junto al arroyo de Querit, que está frente al Jordán.

6 O o tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray.

Y los cuervos le traían pan y carne por la mañana, y pan y carne por la tarde; y bebía del arroyo.

7 O o in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn. Naagtii Carmalka Ahayd Ee Joogtay Sarefta

Pasados algunos días, se secó el arroyo, porque no había llovido sobre la tierra. Elías y la viuda de Sarepta

8 M arkaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

Vino luego a él palabra de Jehová, diciendo:

9 K ac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso.

Levántate, vete a Sarepta de Sidón, y mora allí; he aquí yo he dado orden allí a una mujer viuda que te sustente.

10 S idaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.

Entonces él se levantó y se fue a Sarepta. Y cuando llegó a la puerta de la ciudad, he aquí una mujer viuda que estaba allí recogiendo leña; y él la llamó, y le dijo: Te ruego que me traigas un poco de agua en un vaso, para que beba.

11 O o markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah.

Y yendo ella para traérsela, él la volvió a llamar, y le dijo: Te ruego que me traigas también un bocado de pan en tu mano.

12 I yana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee.

Y ella respondió: Vive Jehová tu Dios, que no tengo pan cocido; solamente un puñado de harina tengo en la tinaja, y un poco de aceite en una vasija; y ahora recogía dos leños, para entrar y prepararlo para mí y para mi hijo, para que lo comamos, y nos dejemos morir.

13 M arkaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga.

Elías le dijo: No tengas temor; ve, haz como has dicho; pero hazme a mí primero de ello una pequeña torta cocida debajo de la ceniza, y tráemela; y después harás para ti y para tu hijo.

14 W aayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo.

Porque Jehová Dios de Israel ha dicho así: La harina de la tinaja no escaseará, ni el aceite de la vasija disminuirá, hasta el día en que Jehová haga llover sobre la faz de la tierra.

15 M arkaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.

Entonces ella fue e hizo como le dijo Elías; y comió él, y ella, y su casa, muchos días.

16 O o weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.

Y la harina de la tinaja no escaseó, ni el aceite de la vasija menguó, conforme a la palabra que Jehová había dicho por medio de Elías.

17 O o waxyaalahaas dabadood ayaa naagtii guriga lahayd wiilkeedii bukooday, oo xataa neef keliyahu kuma hadhin, maxaa yeelay, bukaankiisu aad buu u xumaa.

Después de estas cosas aconteció que cayó enfermo el hijo del ama de la casa; y la enfermedad fue tan grave que no quedó en él aliento.

18 M arkaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?

Y ella dijo a Elías: ¿Qué tengo yo contigo, varón de Dios? ¿Has venido a mí para traer a memoria mis pecados, y para hacer morir a mi hijo?

19 M arkaasuu ku yidhi, Naa bal wiilkaaga ii keen. Oo intuu isagii ka qaaday xabadkeedii ayuu kor ula baxay qowladdii uu isagu degganaa, oo wuxuu saaray sariirtiisii.

Él le dijo: Dame acá tu hijo. Entonces él lo tomó de su regazo, y lo llevó al aposento donde él estaba, y lo puso sobre su cama.

20 M arkaasuu Rabbiga u qayshaday, oo ku yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, naagta carmalka ah oo aan la degganahay ma shar baad ku soo dejisay intaad wiilkeedii dishay?

Y clamando a Jehová, dijo: Jehová Dios mío, ¿aun a la viuda en cuya casa estoy hospedado has afligido, haciéndole morir su hijo?

21 O o saddex jeer ayuu wiilka korkiisii isku kala bixiyey, oo intuu Rabbiga u qayshaday ayuu yidhi, Rabbiyow, Ilaahayow, waan ku baryayaaye, wiilkan naftiisii mar kale ha ku soo noqoto.

Y se tendió sobre el niño tres veces, y clamó a Jehová y dijo: Jehová Dios mío, te ruego que hagas volver el alma de este niño a él.

22 M arkaasaa Rabbigu dhegaystay Eliiyaah codkiisii, oo yarka naftiisii mar kalay ku soo noqotay, wuuna soo noolaaday.

Y Jehová oyó la voz de Elías, y el alma del niño volvió a él, y revivió.

23 D abadeedna Eliiyaah yarkii buu soo qaaday, oo intuu qowladdii ka soo dejiyey ayuu gurigii keenay, oo u dhiibay hooyadiis; wuxuuna Eliiyaah iyadii ku yidhi, Bal eeg, wiilkaagii waa nool yahaye.

Tomando luego Elías al niño, lo trajo del aposento a la casa, y lo dio a su madre, y le dijo Elías: Mira, tu hijo vive.

24 M arkaasaa naagtii waxay Eliiyaah ku tidhi, Haatan waan garanayaa inaad tahay nin Ilaah, iyo inuu run yahay erayga Ilaah oo afkaaga ku jira.

Entonces la mujer dijo a Elías: Ahora conozco que tú eres varón de Dios, y que la palabra de Jehová es verdad en tu boca.