提 摩 太 後 書 4 ~ 2 Timoteyos 4

picture

1 在 神 面 前 , 並 在 將 來 審 判 活 人 死 人 的 基 督 耶 穌 面 前 , 憑 著 他 的 顯 現 和 他 的 國 度 囑 咐 你 :

Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa,

2 要 傳 道 , 無 論 得 時 不 得 時 , 總 要 專 心 ; 並 用 百 般 的 忍 耐 , 各 樣 的 教 訓 , 責 備 人 、 警 戒 人 、 勸 勉 人 。

inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya.

3 為 時 候 要 到 , 人 必 厭 煩 純 正 的 道 理 , 耳 朵 發 癢 , 就 隨 從 自 己 的 情 慾 , 增 添 好 些 師 傅 ,

Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan;

4 且 掩 耳 不 聽 真 道 , 偏 向 荒 渺 的 言 語 。

oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.

5 卻 要 凡 事 謹 慎 , 忍 受 苦 難 , 做 傳 道 的 工 夫 , 盡 你 的 職 分 。

Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee.

6 現 在 被 澆 奠 , 我 離 世 的 時 候 到 了 。

Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid.

7 美 好 的 仗 我 已 經 打 過 了 , 當 跑 的 路 我 已 經 跑 盡 了 , 所 信 的 道 我 已 經 守 住 了 。

Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray.

8 此 以 後 , 有 公 義 的 冠 冕 為 我 存 留 , 就 是 按 著 公 義 審 判 的 主 到 了 那 日 要 賜 給 我 的 ; 不 但 賜 給 我 , 也 賜 給 凡 愛 慕 他 顯 現 的 人 。

Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa. Farriinta Iyo Nabadgelyaynta

9 要 趕 緊 的 到 我 這 裡 來 。

Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid;

10 為 底 馬 貪 愛 現 今 的 世 界 , 就 離 棄 我 往 帖 撒 羅 尼 迦 去 了 , 革 勒 士 往 加 拉 太 去 , 提 多 往 撻 馬 太 去 ,

waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya.

11 有 路 加 在 我 這 裡 。 你 來 的 時 候 , 要 把 馬 可 帶 來 , 因 為 他 在 傳 道 ( 或 作 : 服 事 我 ) 的 事 上 於 我 有 益 處 。

Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda.

12 已 經 打 發 推 基 古 往 以 弗 所 去 。

Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos.

13 在 特 羅 亞 留 於 加 布 的 那 件 外 衣 , 你 來 的 時 候 可 以 帶 來 , 那 些 書 也 要 帶 來 , 更 要 緊 的 是 那 些 皮 卷 。

Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo'as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro.

14 匠 亞 力 山 大 多 多 的 害 我 ; 主 必 照 他 所 行 的 報 應 他 。

Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen.

15 也 要 防 備 他 , 因 為 他 極 力 敵 擋 了 我 們 的 話 。

Adiguna iska jir isaga, waayo, aad buu hadalkayaga u hor joogsaday.

16 初 次 申 訴 , 沒 有 人 前 來 幫 助 , 竟 都 離 棄 我 ; 但 願 這 罪 不 歸 與 他 們 。

Isdaafacaaddaydii hore ninna isma kay garab taagin, laakiinse kulli waa layga wada tegey. Taas yaan dushooda laga dhigin.

17 有 主 站 在 我 旁 邊 , 加 給 我 力 量 , 使 福 音 被 我 盡 都 傳 明 , 叫 外 邦 人 都 聽 見 ; 我 也 從 獅 子 口 裡 被 救 出 來 。

Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa.

18 必 救 我 脫 離 諸 般 的 兇 惡 , 也 必 救 我 進 他 的 天 國 。 願 榮 耀 歸 給 他 , 直 到 永 永 遠 遠 。 阿 們 。

Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.

19 百 基 拉 、 亞 居 拉 , 和 阿 尼 色 弗 一 家 的 人 安 。

Igu salaan Bariska iyo Akula iyo reerkii Oneesiforos.

20 拉 都 在 哥 林 多 住 下 了 。 特 羅 非 摩 病 了 , 我 就 留 他 在 米 利 都 。

Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay.

21 要 趕 緊 在 冬 天 以 前 到 我 這 裡 來 。 有 友 布 羅 、 布 田 、 利 奴 、 革 老 底 亞 , 和 眾 弟 兄 都 問 你 安 。

Ku dadaal inaad wakhtiga qabowga hortiis ii timaadid. Waxaa ku soo salaamaya Yubulos iyo Budees iyo Liinos iyo Kalawdiya iyo walaalaha oo dhan.

22 主 與 你 的 靈 同 在 。 願 恩 惠 常 與 你 們 同 在 !

Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.