馬 太 福 音 8 ~ Matayos 8

picture

1 穌 下 了 山 , 有 許 多 人 跟 著 他 。

Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay.

2 一 個 長 大 痲 瘋 的 來 拜 他 , 說 : 主 若 肯 , 必 能 叫 我 潔 淨 了 。

Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa.

3 穌 伸 手 摸 他 , 說 : 我 肯 , 你 潔 淨 了 罷 ! 他 的 大 痲 瘋 立 刻 就 潔 淨 了 。

Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,

4 穌 對 他 說 : 你 切 不 可 告 訴 人 , 只 要 去 把 身 體 給 祭 司 察 看 , 獻 上 摩 西 所 吩 咐 的 禮 物 , 對 眾 人 作 證 據 。

oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee. Midiidinkii Boqol-u-taliyaha Waa La Bogsiiyey

5 穌 進 了 迦 百 農 , 有 一 個 百 夫 長 進 前 來 , 求 他 說 :

Goortuu Kafarna'um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya

6 阿 , 我 的 僕 人 害 癱 瘓 病 , 躺 在 家 裡 , 甚 是 疼 苦 。

oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya.

7 穌 說 : 我 去 醫 治 他 。

Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa.

8 夫 長 回 答 說 : 主 阿 , 你 到 我 舍 下 , 我 不 敢 當 ; 只 要 你 說 一 句 話 , 我 的 僕 人 就 必 好 了 。

Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa.

9 為 我 在 人 的 權 下 , 也 有 兵 在 我 以 下 ; 對 這 個 說 : 去 ! 他 就 去 ; 對 那 個 說 : 來 ! 他 就 來 ; 對 我 的 僕 人 說 : 你 作 這 事 ! 他 就 去 作 。

Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa.

10 穌 聽 見 就 希 奇 , 對 跟 從 的 人 說 : 我 實 在 告 訴 你 們 , 這 麼 大 的 信 心 , 就 是 在 以 色 列 中 , 我 也 沒 有 遇 見 過 。

Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer binu Israa'iil kama dhex helin.

11 又 告 訴 你 們 , 從 東 從 西 , 將 有 許 多 人 來 , 在 天 國 裡 與 亞 伯 拉 罕 、 以 撒 、 雅 各 一 同 坐 席 ;

Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

12 有 本 國 的 子 民 竟 被 趕 到 外 邊 黑 暗 裡 去 , 在 那 裡 必 要 哀 哭 切 齒 了 。

laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

13 穌 對 百 夫 長 說 : 你 回 去 罷 ! 照 你 的 信 心 , 給 你 成 全 了 。 那 時 , 他 的 僕 人 就 好 了 。

Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u ramaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday. Ciise Wuxuu Bogsiiyey Butros Soddohdiis Iyo Dad Kale Oo Badan

14 穌 到 了 彼 得 家 裡 , 見 彼 得 的 岳 母 害 熱 病 躺 著 。

Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan.

15 穌 把 他 的 手 一 摸 , 熱 就 退 了 ; 他 就 起 來 服 事 耶 穌 。

Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

16 了 晚 上 , 有 人 帶 著 許 多 被 鬼 附 的 來 到 耶 穌 跟 前 , 他 只 用 一 句 話 就 把 鬼 都 趕 出 去 , 並 且 治 好 了 一 切 有 病 的 人 。

Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

17 是 要 應 驗 先 知 以 賽 亞 的 話 , 說 : 他 代 替 我 們 的 軟 弱 , 擔 當 我 們 的 疾 病 。

si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray. Sida Loo Imtixaamo Kuwa Doonaya Inay Xer Noqdaan

18 穌 見 許 多 人 圍 著 他 , 就 吩 咐 渡 到 那 邊 去 。

Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.

19 一 個 文 士 來 , 對 他 說 : 夫 子 , 你 無 論 往 那 裡 去 , 我 要 跟 從 你 。

Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba.

20 穌 說 : 狐 狸 有 洞 , 天 空 的 飛 鳥 有 窩 , 人 子 卻 沒 有 枕 頭 的 地 方 。

Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh.

21 有 一 個 門 徒 對 耶 穌 說 : 主 阿 , 容 我 先 回 去 埋 葬 我 的 父 親 。

Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso.

22 穌 說 : 任 憑 死 人 埋 葬 他 們 的 死 人 ; 你 跟 從 我 罷 !

Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda. Ciisaa Duufaankii Dejiyey

23 穌 上 了 船 , 門 徒 跟 著 他 。

Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

24 裡 忽 然 起 了 暴 風 , 甚 至 船 被 波 浪 掩 蓋 ; 耶 穌 卻 睡 著 了 。

Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

25 徒 來 叫 醒 了 他 , 說 : 主 阿 , 救 我 們 , 我 們 喪 命 啦 !

Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.

26 穌 說 : 你 們 這 小 信 的 人 哪 , 為 甚 麼 膽 怯 呢 ? 於 是 起 來 , 斥 責 風 和 海 , 風 和 海 就 大 大 的 平 靜 了 。

Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

27 人 希 奇 , 說 : 這 是 怎 樣 的 人 ? 連 風 和 海 也 聽 從 他 了 !

Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan? Jinnoolayaashii Reer Gadareni

28 穌 既 渡 到 那 邊 去 , 來 到 加 大 拉 人 的 地 方 , 就 有 兩 個 被 鬼 附 的 人 從 墳 塋 裡 出 來 迎 著 他 , 極 其 兇 猛 , 甚 至 沒 有 人 能 從 那 條 路 上 經 過 。

Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

29 們 喊 著 說 : 神 的 兒 子 , 我 們 與 你 有 甚 麼 相 干 ? 時 候 還 沒 有 到 , 你 就 上 這 裡 來 叫 我 們 受 苦 麼 ?

Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?

30 他 們 很 遠 , 有 一 大 群 豬 吃 食 。

Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa.

31 就 央 求 耶 穌 , 說 : 若 把 我 們 趕 出 去 , 就 打 發 我 們 進 入 豬 群 罷 !

Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,

32 穌 說 : 去 罷 ! 鬼 就 出 來 , 進 入 豬 群 。 全 群 忽 然 闖 下 山 崖 , 投 在 海 裡 淹 死 了 。

oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday.

33 豬 的 就 逃 跑 進 城 , 將 這 一 切 事 和 被 鬼 附 的 人 所 遭 遇 的 都 告 訴 人 。

Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray.

34 城 的 人 都 出 來 迎 見 耶 穌 , 既 見 了 就 央 求 他 離 開 他 們 的 境 界 。

Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.