1 К аза им една притча как трябва всякога да се молят, да не ослабват, думайки:
Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,
2 В някой си град имаше един съдия, който от Бога се не боеше и човека не зачиташе.
Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.
3 В същия град имаше и една вдовица, която дохождаше при него и му казваше: Отдай ми правото спрямо противника ми.
Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.
4 Н о той за известно време не искаше. А после си каза: При все, че от Бога не се боя и човеците не зачитам,
Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,
5 п ак, понеже тая вдовица ми досажда, ще й отдам правото, да не би да ме измори с безкрайното си дохождане.
weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.
6 И Господ рече: Слушайте що каза неправедният съдия!
Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.
7 А Бог няма ли да отдаде правото на Своите избрани, които викат към Него ден и нощ, ако и да се бави спрямо тях?
Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
8 К азвам ви, че ще им отдаде правото скоро. Обаче, когато дойде Човешкият Син ще намери ли вяра на земята?
Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka? Farrisigii Iyo Cashuurqaadihii
9 И на някои, които уповаваха на себе си, че са праведни, и презираха другите, каза и тая притча:
Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.
10 Д вама души възлязоха в храма да се помолят, единият фарисей, а другият бирник.
Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.
11 Ф арисеят, като се изправи, молеше се в себе си така: Боже, благодаря Ти, че не съм като другите човеци, грабители, неправедни, прелюбодейци и особено не като тоя бирник.
Farrisigii intuu istaagay ayuu waxyaalahan isugu tukaday, Ilaahow, waxaan kuugu mahadnaqayaa inaanan ahayn sida nimanka kale oo wax dulma, iyo kuwa xaqa daran, iyo dhillayaasha, ama xataa sida cashuurqaadahan.
12 П остя дваж в седмицата, давам десетък от всичко що придобия.
Toddobaadkiiba laba kol ayaan soomaa, waxaan haysta oo dhanna toban meelood ayaan meel ka bixiyaa.
13 А бирникът като стоеше издалеч, не щеше нито очите си да подигне към небето, но удряше се в гърди и казваше: Боже бъди милостив към мене грешника.
Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.
14 К азвам ви, че този слезе у дома си оправдан, а не онзи; защото всеки, който възвишава себе си, ще се смири, а който смирява себе си, ще се възвиси.
Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa. Ciise Wuxuu UDuceeyey Carruur Yaryar
15 Д онесоха още при Него младенците си, за да се докосне до тях; а учениците, като видяха, смъмриха ги.
Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.
16 Н о Исус ги повика и рече: Оставете дечицата да дойдат при Мене и не ги възпирайте; защото на такива е Божието царство.
Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.
17 И стина ви казвам: Който не приеме, като детенце, Божието царство, той никак няма да влезе в него.
Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono. Nolosha Weligeed Ah Iyo Ninkii Maalka Jeclaa
18 И някой си началник Го попита, казвайки: Благи Учителю, какво да сторя за да наследя вечен живот?
Taliye ayaa weyddiiyey isagoo leh, Macallin wanaagsanow, maxaan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah dhaxlo?
19 А Исус му рече: Защо Ме наричаш благ? Никой не е благ, освен един Бог.
Markaasaa Ciise ku yidhi, Maxaad iigu yeedhaysaa wanaagsanow? Mid wanaagsan ma jiro mid maahee, kaasuna waa Ilaah.
20 З наеш заповедите: "Не убивай"; "Не кради"; "Не лъжесвидетелствувай"; "Почитай баща си и майка си";
Qaynuunnada waad taqaan, Waa inaanad sinaysan, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin, Aabbahaa iyo hooyadaana maamuus.
21 А той каза: Всичко това съм опазил от младостта си.
Markaasuu yidhi, Kuwaas oo dhan tan iyo yaraantaydii waan dhawray.
22 И сус, като го чу, рече му: Едно още ти не достига. Продай все що имаш и раздай го на сиромасите и ще имаш съкровище на небето; дойди и Ме следвай.
Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.
23 И той, като чу това наскърби се много, защото беше твърде богат.
Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.
24 И Исус като го видя, каза: Колко мъчно ще влязат в Божието царство, ония които имат богатство!
Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,
25 З ащото по-лесно е камила да мине през иглени уши, отколкото богат да влезе в Божието царство.
waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.
26 А ония, които чуха това рекоха: Тогава кой може да се спаси?
Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
27 А Той каза: Невъзможното за човеците за Бога е възможно.
Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.
28 А Петър рече: Ето, ние оставихме своето и Те последвахме.
Butros ayaa ku yidhi, Bal eeg, waxayagii ayaannu ka tagnay, waana ku raacnay.
29 А Той им рече: Истина ви казвам, няма никой, който да е оставил къща, или жена, или братя, или родители, или чада, заради Божието царство,
Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,
30 к ойто да не получи многократно повече в сегашно време, а в идещия свят вечен живот.
oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah. Mar Saddexaad Ayaa Ciise Sii Sheegay Dhimashadiisa
31 И като взе дванадесетте при Себе Си, рече им: Ето, възлизаме в Ерусалим, и ще се изпълни, в Човешкия Син, всичко що е писано чрез пророците.
Laba-iyo-tobankii ayuu watay oo ku yidhi, Waxaynu ku soconnaa Yeruusaalem, oo wax walba oo nebiyadu qoreen ayaa Wiilka Aadanaha u noqon doona.
32 З ащото ще бъде предаден на езичниците, които ще Му се поругаят, и безсрамно ще Го оскърбят, и ще Го заплюят,
Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,
33 и , когато Го бият, ще Го убият; и на третия ден ще възкръсне.
wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.
34 Н о те не разбираха нищо от това; и тая дума беше скрита за тях, и не разбираха това, което се казваше.
Laakiin waxyaalahaas waxba kama ay garan, hadalkaasna waa ka qarsoonaa, mana ay garan wixii la yidhi. Ciise Wuxuu Bogsiiyey Nin Indhala'
35 А когато Той се приближаваше до Ерихон, един слепец седеше край пътя да проси.
Waxaa noqotay markuu Yerixoo ku soo dhowaaday, in nin indha la' jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay,
36 И като чу, че минава народ, попита какво е това.
oo goortuu maqlay dadka badan oo ag maraya ayuu weyddiiyey waxaas waxay ahaayeen.
37 И казаха му, че Исус Назарянинът минава.
Waxay u sheegeen in Ciisihii Reer Naasared ag marayo.
38 Т огава той извика, казвайки: Исусе, сине Давидов, смили се за мене!
Markaasuu qayliyey isagoo leh, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
39 А тия, които вървяха отпред го смъмриха, за да млъкне; но той още повече викаше: Сине Давидов, смили се за мене!
Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
40 И тъй, Исус се спря и заповяда да Му го доведат. И като се приближи попита го:
Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,
41 К акво искаш да ти сторя? А той каза: Господи да прогледам.
Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
42 И сус му рече: Прогледай; твоята вяра те изцели.
Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
43 И той веднага прогледа, и тръгна веднага след Него, като славеше Бога. И всичките люде, като видяха това въздадоха хвала на Бога.
Kolkiiba ayuu wax arkay, wuuna raacay oo Ilaah ammaanay. Dadkii oo dhanna goortay arkeen, ayay Ilaah ammaaneen.