1 W aa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.
Să nu răspîndeşti zvonuri neadevărate. Să nu te uneşti cu cel rău, ca să faci o mărturisire mincinoasă pentru el.
2 I naad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,
Să nu te iei după mulţime ca să faci rău; şi la judecată să nu mărturiseşti trecînd de partea celor mulţi, ca să abaţi dreptatea.
3 w aana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.
Să nu părtineşti pe sărac la judecată.
4 H addaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.
Dacă întîlneşti boul vrăjmaşului tău sau măgarul lui rătăcit, să i -l aduci acasă.
5 H addaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.
Dacă vezi măgarul vrăjmaşului tău căzut subt povara lui, să nu treci pe lîngă el, ci să -i ajuţi să ia povara de pe măgar.
6 M iskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.
La judecată, să nu te atingi de dreptul săracului.
7 W ax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.
Fereşte-te de o învinuire nedreaptă, şi să nu omori pe cel nevinovat şi pe cel drept; căci nu voi ierta pe cel vinovat.
8 O o waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
Să nu primeşti daruri; căci darurile orbesc pe ceice au ochii deschişi, şi sucesc hotărîrile celor drepţi.
9 O o qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen. Qaynuunnadii Sabtida
Să nu asupreşti pe străin; ştiţi ce simte străinul, căci şi voi aţi fost străini în ţara Egiptului.
10 L ix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,
Timp de şase ani, să sameni pămîntul, şi să -i strîngi rodul.
11 l aakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.
Dar în al şaptelea, să -i dai răgaz, şi să -l laşi să se odihnească; din rodul lui să mănînce săracii poporului tău, iar ce va mai rămînea, să mănînce fiarele depe cîmp. Tot aşa să faci cu via şi măslinii tăi.
12 L ix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.
Timp de şase zile, să-ţi faci lucrarea. Dar în ziua a şaptea să te odihneşti, pentru ca boul şi măgarul tău să aibă odihnă, pentruca fiul roabei tale şi străinul să aibă răgaz şi să răsufle.
13 O o kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin. Saddexda Iid Ee Sannadka
Să păziţi tot ce v'am spus, şi să nu rostiţi numele altor dumnezei: numele lor să nu se audă ieşind din gura voastră.
14 O o sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.
De trei ori pe an, să prăznuieşti sărbători în cinstea Mea.
15 O o Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
Să ţii sărbătoarea azimilor; timp de şapte zile, la vremea hotărîtă, în luna spicelor, să mănînci azimi, cum ţi-am poruncit; căci în luna aceasta ai ieşit din Egipt; şi să nu vii cu mînile goale înaintea Mea.
16 O o waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.
Să ţii sărbătoarea secerişului, a celor dintîi roade din munca ta, din ceeace vei sămăna pe cîmp; şi să ţii sărbătoarea strîngerii roadelor, la sfîrşitul anului, cînd vei strînge depe cîmp rodul muncii tale.
17 K uwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
De trei ori pe an toată partea bărbătească să se înfăţişeze înaintea Domnului, Dumnezeu.
18 O o waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.
Să n'aduci cu pîne dospită sîngele jertfei Mele; şi grăsimea praznicului Meu să nu rămînă toată noaptea pînă dimineaţa.
19 O o dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin. Malaa'igta Rabbiga Oo Jidka Diyaarin Doonta
Să aduci în casa Domnului, Dumnezeului tău, pîrga celor dintîi roade ale pămîntului.
20 B al eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.
Iată, Eu trimet un Înger înaintea ta, ca să te ocrotească pe drum, şi să te ducă în locul, pe care l-am pregătit.
21 I yada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.
Fii cu ochii în patru înaintea Lui, şi ascultă glasul Lui; să nu te împotriveşti Lui, pentrucă nu vă va ierta păcatele, căci Numele Meu este în El.
22 L aakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
Dar dacă vei asculta glasul Lui, şi dacă vei face tot ce-ţi voi spune, Eu voi fi vrăjmaşul vrăjmaşilor tăi şi protivnicul protivnicilor tăi.
23 W aayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.
Îngerul Meu va merge înaintea ta, şi te va duce la Amoriţi, Hetiţi, Fereziţi, Cananiţi, Heviţi şi Iebusiţi, şi -i voi nimici.
24 W aa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.
Să nu te închini înaintea dumnezeilor lor, şi să nu le slujeşti; să nu te iei după popoarele acestea, în purtarea lor, ci să le nimiceşti cu desăvîrşire, şi să le dărîmi capiştele.
25 O o waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.
Voi să slujiţi Domnului, Dumnezeului vostru, şi El vă va binecuvînta pînea şi apele, şi voi depărta boala din mijlocul tău.
26 O o dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.
Nu va fi în ţara ta nici femeie care să-şi lepede copilul, nici femeie stearpă. Numărul zilelor tale îl voi face să fie deplin.
27 O o cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.
Voi trimete groaza Mea înaintea ta, voi pune pe fugă pe toate popoarele la cari vei ajunge, şi voi face ca toţi vrăjmaşii tăi să dea dosul înaintea ta.
28 O o waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.
Voi trimete viespile bondăreşti înaintea ta, şi vor izgoni dinaintea ta pe Heviţi, Cananiţi şi Hetiţi.
29 O o iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.
Nu -i voi izgoni într'un singur an dinaintea ta, pentruca ţara să n'ajungă o pustie şi să nu se înmulţească împotriva ta fiarele de pe cîmp.
30 I n yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.
Ci le voi izgoni încetul cu încetul dinaintea ta, pînă vei creşte la număr şi vei putea să intri în stăpînirea ţării.
31 O o waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.
Îţi voi întinde hotarele dela marea Roşie pînă la marea Filistenilor, şi dela pustie pînă la Rîu (Eufrat). Căci voi da în mînile voastre pe locuitorii ţării, şi -i vei izgoni dinaintea ta.
32 W aa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.
Să nu faci legămînt cu ei, nici cu dumnezeii lor.
33 W aa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.
Ei să nu locuiască în ţara ta, ca să nu te facă să păcătuieşti împotriva Mea; căci atunci ai slujii dumnezeilor lor, şi aceasta ar fi o cursă pentru tine.``