1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.
Domnul a zis lui Moise:,, Du-te la Faraon, şi spune -i:, Aşa vorbeşte Domnul:, Lasă pe poporul Meu să plece, ca să-Mi slujească.
2 O o haddii aad diiddo inaad sii daysid, bal hadda ogow, waddankaaga oo dhan waxaan ku soo dayn doonaa rahyo.
Dacă nu vrei să -l laşi să plece, am să aduc broaşte pe toată întinderea ţării tale.
3 O o webiga waxaa ka buuxsami doona rahyo, markaasay waxay tegi doonaan oo geli doonaan gurigaaga, iyo qawladdaada aad seexatid, iyo sariirtaada dusheeda, iyo guryaha addoommadaada oo dhan, iyo dadkaaga dushiisa, iyo foornooyinkaaga dhexdooda, iyo weelashaada wax lagu cajiimo oo dhan;
Rîul va mişuna de broaşte; ele se vor sui, şi vor intra în casa ta, în odaia ta de dormit şi în patul tău, în casa slujitorilor tăi şi în casele poporului tău, în cuptoarele şi în postăvile de frămîntat pînea.
4 o o rahyadu waxay kor fuuli doonaan adiga, iyo dadkaaga, iyo addoommadaada oo dhanba.
Ba încă broaştele se vor sui şi pe tine, pe poporul tău, şi pe toţi slujitorii tăi.``
5 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar.
Domnul a zis lui Moise:,, Spune lui Aaron:,Întinde-ţi mîna cu toiagul peste rîuri, peste pîraie şi peste iazuri, şi scoate broaşte din ele peste ţara Egiptului!``
6 M arkaasaa Haaruun gacanta ku kor fidiyey biyihii dalka Masar oo dhan, kolkaasaa rahyadii soo baxeen oo qariyeen dalkii Masar.
Aaron şi -a întins mîna peste apele Egiptului; şi au ieşit broaştele şi au acoperit ţara Egiptului.
7 S aaxiriintiina sidaas si le'eg bay yeeleen oo falfalkoodii ku sameeyeen, oo rahyo bay keeneen dalkii Masar.
Dar şi vrăjitorii au făcut la fel prin vrăjitoriile lor: au scos şi ei broaşte peste toată ţara Egiptului.
8 M arkaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga noo barya inuu rahyada naga qaado aniga iyo dadkaygaba; oo markaasaan dadka sii dayn doonaa inay tagaan oo ay Rabbiga allabari u bixiyaan.
Faraon a chemat pe Moise, şi pe Aaron, şi a zis:,, Rugaţi-vă Domnului, să depărteze broaştele dela mine şi dela poporul meu; şi am să las pe popor să plece să aducă jertfe Domnului.``
9 K olkaasaa Muuse wuxuu Fircoon ku yidhi, Adaa amarka leh; goormaan idiin baryaa adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga, iyo in rahyada laga baabbi'iyo adiga iyo guryahaagaba, oo ay ku hadhaan webiga keliya?
Moise a zis lui Faraon:,, Hotărăşte-mi, cînd să mă rog Domnului pentru tine, pentru slujitorii tăi şi pentru poporul tău, ca să îndepărteze broaştele dela tine şi din casele tale? Nu vor mai rămînea decît în rîu.``
10 M arkaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga.
El a răspuns:,, Mîne``. Şi Moise a zis:,, Aşa va fi, ca să ştii că nimeni nu este ca Domnul, Dumnezeul nostru.
11 O o rahyadu waa ka tegi doonaan adiga iyo guryahaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba, oo waxay ku hadhi doonaan webiga oo keliya.
Broaştele se vor depărta dela tine şi din casele tale, dela slujitorii tăi şi dela poporul tău; nu vor mai rămînea decît în rîu.``
12 K olkaasay Muuse iyo Haaruun ka tageen Fircoon; markaasaa Muuse Rabbiga ugu qayshaday wax ku saabsan rahyadii uu ku soo daayay Fircoon.
Moise şi Aaron au ieşit de la Faraon. Şi Moise a strigat către Domnul cu privire la broaştele cu cari lovise pe Faraon.
13 R abbiguna wuu yeelay siduu Muuse yidhi, oo rahyadii waa ka idlaadeen guryihii, iyo barxadihii, iyo beerihiiba.
Domnul a făcut cum cerea Moise; şi broaştele au pierit în case, în curţi şi în ogoare.
14 K olkaasay isu soo wada ururiyeen oo meelo ku tuuleen, markaasaa dalkii uray.
Le-au strîns grămezi, şi ţara s'a împuţit.
15 F ircoonse markuu arkay inay wixii joogsadeen ayuu qalbiga ka sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. Belaayadii Injirta
Faraon, văzînd că are răgaz să răsufle în voie, şi -a împietrit inima, şi n'a ascultat de Moise şi de Aaron, după cum spuse Domnul.
16 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada fidi oo ciidda dhulka ku dhufo si uu dalka Masar oo dhammu injir miidhan u noqdo.
Domnul a zis lui Moise:,, Spune lui Aaron:, Intinde-ţi toiagul, şi loveşte ţărîna pămîntului, şi se va preface în păduchi, în toată ţara Egiptului.``
17 M arkaasay sidii yeeleen. Kolkaasaa Haaruun ushiisii gacanta ku fidiyey, oo wuxuu ku dhuftay ciidda dhulka, kolkaasaa injiru gashay dadkii iyo duunyadiiba; ciiddii dhulka oo dhammuna waxay noqotay injir miidhan oo qulqulaysa dalkii Masar oo dhan.
Aşa au făcut. Aaron şi -a întins mîna cu toiagul, şi a lovit ţărîna pămîntului; şi s'a prefăcut în păduchi pe toţi oamenii şi pe toate dobitoacele. Toată ţărîna pămîntului s'a prefăcut în păduchi, în toată ţara Egiptului.
18 S aaxiriintiina saasay yeeleen, oo waxay damceen inay injir falfalkoodii ku keenaan, laakiinse way kari waayeen; injir baana ku jirtay dadkii iyo duunyadiiba.
Vrăjitorii au căutat să facă şi ei păduchi prin vrăjitoriile lor; dar n'au putut. Păduchii erau pe oameni şi pe dobitoace.
19 M arkaasaa saaxiriintii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Tanu waa fartii Ilaah. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. Belaayadii Duqsiyada
Şi vrăjitorii au zis lui Faraon:,, Aici este degetul lui Dumnezeu!`` Dar inima lui Faraon s'a împietrit, şi n'a ascultat de Moise şi de Aaron, după cum spusese Domnul.
20 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac oo Fircoon hortiisa istaag, waayo, markaasuu biyaha tegayaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.
Domnul a zis lui Moise:,, Scoală-te dis de dimineaţă, şi du-te înaintea lui Faraon, cînd are să iasă să se ducă la apă. Să -i spui:, Aşa vorbeşte Domnul:, Lasă pe poporul Meu să plece, ca să-Mi slujească.
21 H addii kalese haddaadan dadkayga sii daynin inay tagaan, bal ogow, waxaan idiin soo diri doonaa duqsiyo faro badan, adiga, iyo addoommadaada, iyo dadkaaga, iyo guryahaaga dhexdooda; oo guryaha Masriyiinta oo dhanna waxaa ka buuxsami doona duqsiyo faro badan, iyo weliba dhulka ay joogaanba.
Dacă nu vei lăsa pe poporul Meu să plece, am să trimet muşte cîneşti împotriva ta, împotriva slijitorilor tăi, împotriva poporului tău şi împotriva caselor tale; casele Egiptenilor vor fi pline de muşte, şi pămîntul va fi acoperit de ele.
22 I naad ogaatid inaan anigu dhulka dhexdiisa ku ahay Rabbiga, maalintaas waan ka duwi doonaa dalka Goshen oo dadkaygu deggan yahay, inaan duqsiyo badanu halkaas jirin innaba.
Dar, în ziua aceea voi deosebi ţinutul Gosen, unde locueşte poporul Meu, şi acolo nu vor fi muşte, pentruca să cunoşti că Eu, Domnul, sînt în mijlocul ţinutului acestuia.
23 O o dadkayga iyo dadkaagana waan kala sooci doonaa; calaamadaasuna berri bay ahaan doontaa.
Voi face o deosebire între poporul Meu şi poporul tău. Semnul acesta va fi mîne.``
24 R abbiguna sidii buu yeelay, oo duqsiyo badan oo baas ayaa yimid gurigii Fircoon, iyo guryihii addoommadiisa, oo dalkii Masar oo dhanna duqsiyadii badnaa aawadood ayuu u kharribmay.
Domnul a făcut aşa. A venit un roi de muşte cîneşti în casa lui Faraon şi a slujitorilor lui, şi toată ţara Egiptului a fost pustiită de muşte cîneşti.
25 M arkaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Ilaahiin dalka dhexdiisa allabari ugu bixiya.
Faraon a chemat pe Moise şi pe Aaron, şi le -a zis:,, Duceţi-vă de aduceţi jertfe Dumnezeului vostru aici în ţară.``
26 K olkaasaa Muuse ku yidhi, Sidaas inaan yeelno ma habboona; waayo, karaahiyada Masriyiinta ayaannu Rabbiga Ilaahayaga ah u bixinaynaa. Bal eeg, miyaannu karaahiyada Masriyiinta ku allabarinnaa iyagoo noo jeeda? De sow na dhagxin maayaan?
Moise a răspuns:,, Nu este deloc potrivit să facem aşa; căci am aduce Domnului, Dumnezeului nostru, jertfe, care sînt o urîciune pentru Egipteni. Şi dacă am aduce, subt ochii lor, jertfe cari sînt o urîciune pentru Egipteni, nu ne vor ucide ei oare cu pietre?
27 M eel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono.
Vom face mai bine un drum de trei zile în pustie, şi acolo vom aduce jertfe Domnului, Dumnezeului nostru, după cum ne va spune.``
28 M arkaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi, Waan idin sii daynayaa inaad tagtaan inaad cidlada allabari ugu bixisaan Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiinse waa inaydnaan aad u fogaan. Iina soo duceeya.
Faraon a zis:,, Vă voi lăsa să plecaţi, ca să aduceţi jertfe Domnului, Dumnezeului vostru, în pustie; numai, să nu vă depărtaţi prea mult, dacă plecaţi. Rugaţi-vă pentru mine.``
29 M uusena wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waan kaa baxayaa oo waxaan Rabbiga ka baryi doonaa inay duqsiyada badanu berri ka tagaan Fircoon iyo addoommadiisa, iyo dadkiisa, laakiinse Fircoon yuusan mar dambe khiyaano nagula macaamiloon, isagoo aan daynin dadka inay tagaan si ay allabari ugu bixiyaan Rabbiga.
Moise a răspuns:,, Am să ies dela tine, şi am să mă rog Domnului. Mîne, muştele se vor depărta dela Faraon, dela slujitorii lui, şi dela poporul lui. Dar, să nu ne mai înşele Faraon, ne vrînd să lase pe popor să plece, ca să aducă jertfe Domnului.``
30 M arkaasaa Muuse ka tegey Fircoon, oo wuxuu baryay Rabbiga.
Moise a ieşit dela Faraon, şi s'a rugat Domnului.
31 R abbiguna sidii Muuse yidhi ayuu yeelay; duqsiyadii badnaana wuu ka kexeeyey Fircoon, iyo addoommadiisii, iyo dadkiisiiba. Mid qudh ahna kama hadhin.
Domnul a făcut cum cerea Moise; şi muştele s'au depărtat dela Faraon, dela slujitorii lui, şi dela poporul lui. N'a mai rămas una.
32 M arkanna Fircoon qalbiga ayuu ka sii qallafsanaaday, oo dadkiina siima uu dayn inay tagaan.
Dar Faraon, şi de data aceasta, şi -a împietrit inima, şi n'a lăsat pe popor să plece.