1 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.
Iată, voi trimete pe solul Meu; el va pregăti calea înaintea Mea. Şi deodată va intra în Templul Său Domnul pe care -L căutaţi: Solul legămîntului, pe care -L doriţi; iată că vine, -zice Domnul oştirilor. -
2 L aakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha.
Cine va putea să sufere însă ziua venirii Lui? Cine va rămînea în picioare cînd Se va arăta El? Căci El va fi ca focul topitorului, şi ca leşia nălbitorului.
3 O o wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
El va şedea, va topi şi va curăţi argintul; va curăţi pe fiii lui Levi, îi va lămuri cum se lămureşte aurul şi argintul, şi vor aduce Domnului daruri neprihănite.
4 M arkaasaa qurbaanka dadka Yahuudah iyo kan reer Yeruusaalem noqon doona mid Rabbigu ku farxo, sidii waagii hore iyo sidii sannadihii qadiimka ahaa.
Atunci darul lui Iuda şi al Ierusalimului va fi plăcut Domnului, ca în zilele cele vechi, ca în anii de odinioară.
5 O o anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. Rabbiga Oo La Dhacaya
Mă voi apropia de voi pentru judecată, şi Mă voi grăbi să mărturisesc împotriva descîntătorilor şi preacurvarilor, împotriva celor ce jură strîmb, împotriva celor ce opresc plata simbriaşului, cari asupresc pe văduvă şi pe orfan, nedreptăţesc pe străin, şi nu se tem de Mine, zice Domnul oştirilor.
6 I lma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.
Căci Eu sînt Domnul, Eu nu Mă schimb; de aceea, voi, copii ai lui Iacov, n'aţi fost nimiciţi.
7 T an iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
Din vremea părinţilor voştri voi v'aţi abătut dela poruncile Mele, şi nu le-aţi păzit. Întoarceţi-vă la Mine, şi Mă voi întoarce şi Eu la voi, zice Domnul oştirilor. Dar voi întrebaţi:,În ce trebuie să ne întoarcem?`
8 N in miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno.
Se cade să înşele un om pe Dumnezeu, cum Mă înşelaţi voi?`` Dar voi întrebaţi:,, Cu ce Te-am înşelat?`` Cu zeciuielile şi darurile de mîncare.
9 I dinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan.
Sînteţi blestemaţi, cîtă vreme căutaţi să Mă înşelaţi, tot poporul în întregime!
10 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.
Aduceţi însă la casa vistieriei toate zeciuielile, ca să fie hrană în Casa Mea; puneţi-Mă astfel la încercare, zice Domnul oştirilor, şi veţi vedea dacă nu vă voi deschide zăgazurile cerurilor, şi dacă nu voi turna peste voi belşug de binecuvîntare.
11 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.
Şi voi mustra pentru voi pe cel ce mănîncă, (lăcusta) şi nu vă va nimici roadele pămîntului, şi viţa nu va fi neroditoare în cîmpiile voastre, zice Domnul oştirilor.
12 O o Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.
Toate neamurile vă vor ferici atunci, căci veţi fi o ţară plăcută, zice Domnul oştirilor.
13 R abbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?
Cuvintele voastre sînt aspre împotriva Mea, zice Domnul. Şi mai întrebaţi:, Ce-am spus noi împotriva Ta?``
14 W axaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?
Aţi zis:, Degeaba slujim lui Dumnezeu; şi ce am cîştigat dacă am păzit poruncile Lui, şi am umblat trişti înaintea Domnului oştirilor?
15 O o haatan waxaannu kuwa kibirka leh ugu yeedhnaa, Kuwa barakaysan, kuwa xumaanta ka shaqeeyaa way barwaaqoobaan; xataa Ilaah way jirrabaan, oo haddana way samatabbaxaan.
Acum fericim pe cei trufaşi; da, celor răi le merge bine; da, ei ispitesc pe Dumnezeu, şi scapă!`` -
16 M arkaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday.
Atunci şi cei ce se tem de Domnul au vorbit adesea unul cu altul; Domnul a luat aminte la lucrul acesta, şi a ascultat; şi o carte de aducere aminte a fost scrisă înaintea Lui, pentru cei ce se tem de Domnul, şi cinstesc Numele Lui.
17 O o Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.
Ei vor fi ai Mei, zice Domnul oştirilor, Îmi vor fi o comoară deosebită, în ziua pe care o pregătesc Eu. Voi avea milă de ei, cum are milă un om de fiul său, care -i slujeşte.
18 M arkaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
Şi veţi vedea din nou atunci deosebirea dintre cel neprihănit şi cel rău, dintre cel ce slujeşte lui Dumnezeu şi cel ce nu -I slujeşte.``