Yeremyaah 38 ~ Ieremia 38

picture

1 S hefatyaah ina Mataan, iyo Gedalyaah ina Fashxuur, iyo Yuukal ina Shelemyaah, iyo Fashxuur ina Malkiiyaah waxay maqleen erayadii Yeremyaah ee uu dadka oo dhan kula hadlay, isagoo leh,

Şefatia, fiul lui Matan, Ghedalia, fiul lui Paşhur, Iucal, fiul lui Şelemia, şi Paşhur, fiul lui Malchia, au auzit cuvintele, pe cari le spunea Ieremia întregului popor, zicînd:

2 R abbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.

Aşa vorbeşte Domnul:, Cine va rămînea în cetatea aceasta va muri ucis de sabie, de foamete sau de ciumă; dar cine va ieşi şi se va duce la Haldei, va scăpa cu viaţă, va avea ca pradă viaţa lui, şi va trăi.

3 R abbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

Aşa vorbeşte Domnul:, Cetatea aceasta va fi dată în mîna oştirii împăratului Babilonului, şi o va lua!`

4 M arkaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.

Atunci căpeteniile au zis împăratului:, Omul acesta ar trebui omorît! Căci moaie inima oamenilor de război cari au mai rămas în cetatea aceasta, şi a întregului popor, ţinîndu-le asemenea cuvîntări; omul acesta nu urmăreşte binele poporului acestuia, şi nu -i vrea de cît nenorocirea.``

5 M arkaasaa Boqor Sidqiyaah yidhi, Bal eega, isagu gacantiinnuu ku jiraa, waayo, boqorku innaba ma aha mid wax idinka gees ah samayn kara.

Împăratul Zedechia a răspuns:,, Iată -l că este în mînile voastre; căci împăratul nu poate nimic împotriva voastră!``

6 M arkaasay Yeremyaah soo qabteen oo ku dhex rideen godkii Malkiiyaah ina Hammeleg, ee barxadda waardiyayaasha ku dhex yiil, oo Yeremyaah xadhkay ku dejiyeen, oo godkiina biyo kuma jirin, laakiinse waxaa ka buuxday dhoobo, sidaas daraaddeed Yeremyaah dhoobaduu ku dhex tiimbaday.

Atunci ei au luat pe Ieremia, şi l-au aruncat în groapa lui Machia, fiul împăratului, care se afla în curtea temniţei, şi au pogorît în ea pe Ieremia cu funii. În groapă nu era apă, dar era noroi; şi Ieremia s'a afundat în noroi.

7 H addaba Cebedmeleg oo ahaa reer Itoobiya oo ahaa bohon guriga boqorka joogay, markuu maqlay inay Yeremyaah godkii ku dhex rideen, iyadoo boqorkii uu iridda Benyaamiin fadhiyo,

Ebed-Melec, Etiopianul, famen-dregător la curtea împăratului, a auzit că Ieremia fusese aruncat în groapă. Împăratul stătea la poarta lui Beniamin.

8 a yuu gurigii boqorka ka soo baxay, oo boqorkuu la hadlay, isagoo ku leh,

Ebed-Melec a ieşit din casa împăratului, şi a vorbit împăratului astfel:

9 B oqorow, sayidkaygiiyow, nimankanu si xun bay u sameeyeen wax alla wixii ay ku sameeyeen Nebi Yeremyaah, kaasoo ay godkii ku dhex rideen, oo waxaa suurtowda inuu abaarta ugu bakhtiyo meeshuu ku jiro, waayo, innaba magaalada kibisu kuma jirto.

domnul meu, oamenii aceştia au făcut rău de s'au purtat aşa cu proorocul Ieremia, aruncîndu -l în groapă; are să moară de foame acolo unde este, căci în cetate nu este pîne!``

10 M arkaasaa boqorkii wuxuu amray Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa, isagoo ku leh, Halkan soddon nin ka kaxayso oo Nebi Yeremyaah godka ka soo bixi intuusan dhiman.

Împăratul a dat următoarea poruncă lui Ebed-Melec, Etiopianul:,, Ia de aici treizeci de oameni cu tine, şi scoate din groapă pe proorocul Ieremia, pînă nu moare!``

11 S idaas daraaddeed ayaa Cebedmeleg raggii kaxaystay, oo gurigii boqorka galay, oo wuxuu tegey meel khasnadda ka hoosaysay, oo halkaasuu ka qaaday calallo haylamo ah iyo dhar duugoobay, oo intuu xadhko ku xidhay ayuu Yeremyaah godkii ugu dejiyey.

Ebed-Melec a luat cu el pe oamenii aceia, şi s'a dus la casa împăratului, într'un loc dedesuptul vistieriei; a luat de acolo nişte petece de haine purtate şi nişte trenţe de haine vechi, şi le -a pogorît lui Ieremia în groapă, cu nişte funii.

12 M arkaas Cebedmeleg oo reer Itoobiya ahaa wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Calalladan haylamaha ah iyo dharkan duugoobay kilkilooyinka kaga xidho xadhkaha hoostooda, oo Yeremyaahna saasuu yeelay.

Ebed-Melec, Etiopianul, a zis lui Ieremia:,, Pune aceste petece purtate şi aceste trenţe supt subsiori, supt funii.`` Şi Ieremia a făcut aşa.

13 M arkaasay Yeremyaah xadhkihii ku soo jiideen oo godkii bay kor uga soo bixiyeen, oo Yeremyaahna wuxuu ku hadhay barxaddii waardiyayaasha. Sidqiyaah Oo Mar Kale Wax Su'aalay Yeremyaah

Au tras astfel pe Ieremia cu funiile, şi l-au scos afară din groapă. Ieremia a rămas în curtea temniţei.

14 M arkaasaa Boqor Sidqiyaah u soo cid diray oo kaxaystay Nebi Yeremyaah, oo wuxuu gaystay iriddii saddexaad ee guriga Rabbiga. Kolkaas boqorkii wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Wax baan ku weyddiinayaaye, inna waxba ha iga qarinin.

Împăratul Zedechia a trimes după proorocul Ieremia, şi l -a adus la el la intrarea a treia a Casei Domnului. Şi împăratul a zis lui Ieremia:,, Am să te întreb ceva, să nu-mi ascunzi nimic!``

15 M arkaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Haddaan kuu sheego, hubaal miyaadan i dili doonin? Oo haddaan kula taliyona innaba ima maqli doontid.

Ieremia a răspuns lui Zedechia:,, Dacă ţi -l voi spune, mă vei omorî; iar dacă-ţi voi da un sfat, nu mă vei asculta.``

16 M arkaas Boqor Sidqiyaah si qarsoodi ah ayuu Yeremyaah ugu dhaartay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga nool ee naf ina siiyey ayaan ku dhaaranayaa inaanan ku dili doonin, ama aanan gacanta raggan naftaada doondoonaya kugu ridi doonin.

Împăratul Zedechia a jurat în taină lui Ieremia, şi a zis:,, Viu este Domnul, care ne -a dat viaţa, că nu te voi omorî şi nu te voi lăsa în mînile oamenilor acestora, cari vor să-ţi ia viaţa!``

17 M arkaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono,

Ieremia a zis atunci lui Zedechia:,, Aşa vorbeşte Domnul, Dumnezeul oştirilor, Dumnezeul lui Israel:, Dacă te vei supune căpeteniilor împăratului Babilonului, vei scăpa cu viaţă, şi nici cetatea aceasta nu va fi arsă cu foc, iar tu vei trăi împreună cu casa ta.

18 l aakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid.

Dar dacă nu te vei supune căpeteniilor împăratului Babilonului, cetatea aceasta va fi dată în mînile Haldeilor, cari o vor arde cu foc; iar tu nu vei scăpa din mînile lor!``

19 M arkaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan.

Împăratul Zedechia a zis lui Ieremia:,, Mă tem de Iudeii cari au trecut la Haldei; mă tem să nu mă dea în mînile lor, şi să mă batjocorească.``

20 L aakiinse Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Iyagu kuma ay gacangelin doonaan. Waan ku baryayaaye addeec codka Rabbiga ee aan kugula hadlay, waanad nabdoonaan doontaa oo naftaaduna way sii noolaan doontaa.

Ieremia a răspuns:,, Nu te vor da.`` Ascultă glasul Domnului în ce-ţi spun, căci o vei duce bine, şi vei scăpa cu viaţă.

21 L aakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay,

Dar dacă nu vrei să ieşi, iată ce mi -a descoperit Domnul:

22 B al ogow, naagaha guriga boqorka dalka Yahuudah ku hadhay dhammaantood waxaa loo bixin doonaa amiirrada boqorka Baabuloon, oo naagahaasi waxay odhan doonaan, Saaxiibbadaa ayaa ku khiyaaneeyey oo way kaa adkaadeen oo haddana cagahaagii waxay ku dhex tiimbadeen dhoobada, oo iyana dib bay kaaga noqdeen.

Toate nevestele cari au mai rămas în casa împăratului lui Iuda, vor fi luate de căpeteniile împăratului Babilonului, şi vor zice jălind:, Prietenii tăi cei buni te-au înşelat şi te-au înduplecat; dar cînd ţi s'au afundat picioarele în noroi, ei au fugit!`

23 M arkaasay naagahaaga oo dhan iyo carruurtaadaba reer Kaldayiin u bixin doonaan, oo adiguna gacantooda sina ugama baxsan doontid, laakiinse waxaa ku qabsan doonta gacanta boqorka Baabuloon, oo magaaladanna dab baa lagu gubi doonaa.

Toate nevestele tale şi copiii tăi vor fi luaţi de Haldei; şi nu vei scăpa de mînile lor, ci vei fi prins de mîna împăratului Babilonului, şi cetatea aceasta va fi arsă cu foc.``

24 M arkaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Ninna yuusan erayadan ogaanin, oo adiguna dhiman maysid.

Zedechia a zis lui Ieremia:,, Să nu ştie nimeni nimic din cuvintele acestea, şi nu vei muri!

25 L aakiinse hadday amiirradu maqlaan inaan kula hadlay, oo ay kuu yimaadaan oo ay kugu yidhaahdaan, Wixii aad boqorka ku tidhi noo sheeg, oo weliba wixii boqorku kugu yidhi ha naga qarin, oo annana ku dili mayno,

Dar dacă vor auzi căpeteniile că ţi-am vorbit, şi dacă vor veni şi-ţi vor zice:, Spune-ne ce ai spus împăratului, şi ce ţi -a spus împăratul, nu ne ascunde nimic, şi nu te vom omorî`, -

26 m arkaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Baryootankaygii ayaan boqorka hor dhigay, inuusan gurigii Yoonaataan igu celin, oo aanan halkaas ugu dhiman.

să le răspunzi:, Am rugat pe împărat să nu mă trimeată iarăş, în casa lui Ionatan, ca nu cumva să mor acolo!``

27 M arkaasay amiirradii oo dhammu Yeremyaah u yimaadeen oo wax bay weyddiiyeen, oo isna wuxuu u wada sheegay erayadii boqorku ku amray oo dhan. Markaasay lahadliddiisii iska daayeen, waayo, xaalkaas ciduna ma maqlin.

Toate căpeteniile au venit la Ieremia şi l-au întrebat. El le -a răspuns întocmai cum poruncise împăratul. Ei au tăcut atunci, şi au plecat, căci nimeni n'auzise nimic.

28 O o Yeremyaah wuxuu joogay barxaddii waardiyayaasha ilaa maalintii Yeruusaalem la qabsaday.

Ieremia însă a rămas în curtea temniţei pînă în ziua luării Ierusalimului.``