1 O o waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad, oo wuxuu u xoogaystay si uu dadka Israa'iil isaga daafaco.
Und sein Sohn Josaphat ward König an seiner Statt und ward mächtig wider Israel.
2 O o wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.
Und er legte Kriegsvolk in alle festen Städte Juda's und setzte Amtleute im Lande Juda und in den Städten Ephraims, die sein Vater Asa gewonnen hatte.
3 O o Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin,
Und der HERR war mit Josaphat; denn er wandelte in den vorigen Wegen seines Vaters David und suchte nicht die Baalim,
4 l aakiinse wuxuu doonay Ilaahii awowgiis, oo wuxuu ku socday amarradiisii, mana uu yeelin falimihii dadka Israa'iil.
sondern den Gott seines Vaters, und wandelte in seinen Geboten und nicht nach den Werken Israels.
5 O o sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan.
Darum bestätigte ihm der HERR das Königreich; und ganz Juda gab Josaphat Geschenke, und er hatte Reichtum und Ehre die Menge.
6 O o qalbigiisuna wuxuu u sara kacay inuu qaado jidadka Rabbiga, oo weliba wuxuu dalka Yahuudah ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo geedihii Asheeraah.
Und da sein Herz mutig ward in den Wegen des HERRN, tat er fürder ab die Höhen und Ascherabilder aus Juda.
7 O o haddana sannaddii saddexaad oo boqortooyadiisa ayuu diray amiirradiisii oo ahaa Benxayl, iyo Cobadyaah, iyo Sekaryaah, iyo Netaneel, iyo Miikaayaah inay magaalooyinka dalka Yahuudah dadka wax ku baraan,
Im dritten Jahr seines Königreichs sandte er seine Fürsten Ben-Hail, Obadja, Sacharja, Nathanael und Michaja, daß sie lehren sollten in den Städten Juda's;
8 o o wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam.
und mit ihnen die Leviten Semaja, Nethanja, Sebadja, Asael, Semiramoth, Jonathan, Adonia, Tobia und Tob-Adonia; und mit ihnen die Priester Elisama und Joram.
9 O o iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen.
Und sie lehrten in Juda und hatten das Gesetzbuch des HERRN mit sich und zogen umher in allen Städten Juda's und lehrten das Volk.
10 O o boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn.
Und es kam die Furcht des HERRN über alle Königreiche in den Landen, die um Juda her lagen, daß sie nicht stritten wider Josaphat.
11 O o reer Falastiin qaarkood ayaa Yehooshaafaad u keenay gabbaro iyo lacag baad ah, oo weliba Carabtiina waxay u keeneen adhi badan oo ah toddoba kun iyo toddoba boqol oo wan iyo toddoba kun iyo toddoba boqol oo orgi.
Und die Philister brachten Josaphat Geschenke, eine Last Silber; und die Araber brachten ihm siebentausend und siebenhundert Widder und siebentausend und siebenhundert Böcke.
12 O o Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.
Also nahm Josaphat zu und ward immer größer; und er baute in Juda Burgen und Kornstädte
13 O o magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.
und hatte viel Vorrat in den Städten Juda's und streitbare Männer und gewaltige Leute zu Jerusalem.
14 O o tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun,
Und dies war die Ordnung nach ihren Vaterhäusern: in Juda waren Oberste über tausend: Adna, ein Oberster und mit ihm waren dreihunderttausend gewaltige Männer;
15 o o waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin,
Neben ihm war Johanan, der Oberste, und mit ihm waren zweihundertachtzigtausend;
16 o o isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan.
neben ihm war Amasja, der Sohn Sichris, der Freiwillige des HERRN, und mit ihm waren zweihundertausend gewaltige Männer;
17 O o reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Elyaadaac oo ahaa nin xoog badan, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo nin oo sita qaanso iyo gaashaan,
und von den Kindern Benjamin war Eljada, ein gewaltiger Mann, und mit ihm waren zweihunderttausend, die mit Bogen und Schild gerüstet waren;
18 o o isna waxaa ku xigay Yehoosaabaad, waxaana isaga la jiray boqol iyo siddeetan kun oo nin oo dagaal loo diyaariyey.
neben ihm war Josabad, und mit ihm waren hundertachtzigtausend Gerüstete zum Heer.
19 O o kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.
Diese dienten alle dem König, außer denen, die der König noch gelegt hatte in die festen Städte im ganzen Juda.