Sabuurradii 9 ~ Sabuurradii 9

picture

1 Q albigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa, Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

2 W aan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.

Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa, Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.

3 C adaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.

Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan, Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.

4 W aayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.

Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.

5 Q uruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay, Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.

Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay, Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.

6 C adaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.

Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba', Oo magaalooyinkii aad afgembidayna Xataa xusuustoodii waa baabba'day.

7 L aakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.

Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.

8 O o dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.

Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.

9 O o weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

10 O o kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.

Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.

11 R abbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

12 W aayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.

Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.

13 R abbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

14 S i aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.

Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.

15 Q uruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.

Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.

16 R abbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)

Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)

17 K uwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.

Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.

18 W aayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.

Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.

19 R abbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.

Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.

20 R abbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)

Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)