1 W aayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira.
2 K an baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.
Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.
3 H addii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.
Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.
4 H addaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.
Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.
5 M axaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.
6 H addaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,
Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,
7 w aayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
8 W aynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.
Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.
9 S idaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.
10 W aayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share. Jacaylka Masiixa Ayaa Na qasba
Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share. Jacaylka Masiixa Ayaa Na qasba
11 S idaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
12 A nnagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
13 M axaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.
Maxaa yeelay, haddii aannu waalan nahay waa Ilaah aawadiis, haddii aannu miyir qabnona waa aawadiin.
14 W aayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
15 I sagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay. Nolosha Cusub
Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay. Nolosha Cusub
16 T aa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
17 S idaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
18 L aakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
19 t aas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. Wacdinta Heshiisiiska
taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. Wacdinta Heshiisiiska
20 S idaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
21 W uxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.