1 M arkaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 A nigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
3 H adal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
4 H addii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
5 L aakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
6 A nigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
7 L aakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
8 W aad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
9 I sagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
10 I yagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
11 I laah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
12 A nigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
13 Q aansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
14 I sagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
15 K orkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
16 W ejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
17 I n kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
18 D hulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
19 O o hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada, Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada, Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
20 S aaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
21 B al muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
22 W aayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.
Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.