馬 可 福 音 16 ~ Markos 16

picture

1 了 安 息 日 , 抹 大 拉 的 马 利 亚 和 雅 各 的 母 亲 马 利 亚 并 撒 罗 米 , 买 了 香 膏 要 去 膏 耶 稣 的 身 体 。

Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.

2 日 的 第 一 日 清 早 , 出 太 阳 的 时 候 , 他 们 来 到 坟 墓 那 里 ,

Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.

3 此 说 : 谁 给 我 们 把 石 头 从 墓 门 辊 开 呢 ?

Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?

4 石 头 原 来 很 大 , 他 们 抬 头 一 看 , 却 见 石 头 已 经 辊 开 了 。

Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.

5 们 进 了 坟 墓 , 看 见 一 个 少 年 人 坐 在 右 边 , 穿 着 白 袍 , 就 甚 惊 恐 。

Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.

6 少 年 人 对 他 们 说 : 不 要 惊 恐 ! 你 们 寻 找 那 钉 十 字 架 的 拿 撒 勒 人 耶 稣 , 他 已 经 复 活 了 , 不 在 这 里 。 请 看 安 放 他 的 地 方 。

Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.

7 们 可 以 去 告 诉 他 的 门 徒 和 彼 得 , 说 : 他 在 你 们 以 先 往 加 利 利 去 。 在 那 里 你 们 要 见 他 , 正 如 他 从 前 所 告 诉 你 们 的 。

Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

8 们 就 出 来 , 从 坟 墓 那 里 逃 跑 , 又 发 抖 又 惊 奇 , 甚 麽 也 不 告 诉 人 , 因 为 他 们 害 怕 。

Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen. Ciise Baa Dad Kale U Muuqday

9 七 日 的 第 一 日 清 早 , 耶 稣 复 活 了 , 就 先 向 抹 大 拉 的 马 利 亚 显 现 。 耶 稣 从 他 身 上 曾 赶 出 七 个 鬼 。

Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka ayaa Ciise sara kacay, oo markii hore wuxuu u muuqday Maryan tii reer Magdala, tii uu toddoba jinni ka saaray.

10 去 告 诉 那 向 来 跟 随 耶 稣 的 人 ; 那 时 他 们 正 哀 恸 哭 泣 。

Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya.

11 们 听 见 耶 稣 活 了 , 被 马 利 亚 看 见 , 却 是 不 信 。

Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.

12 事 以 後 , 门 徒 中 间 有 两 个 人 往 乡 下 去 。 走 路 的 时 候 , 耶 稣 变 了 形 像 , 向 他 们 显 现 。

Waxan dabadeed isagoo suurad kale ah ayuu u muuqday laba iyaga ah iyagoo sii socda oo beeraha tegaya.

13 们 就 去 告 诉 其 馀 的 门 徒 ; 其 馀 的 门 徒 也 是 不 信 。

Markaasay baxeen oo kuwii kale u sheegeen, kuwaasina ma ay rumaysan.

14 来 , 十 一 个 门 徒 坐 席 的 时 候 , 耶 稣 向 他 们 显 现 , 责 备 他 们 不 信 , 心 里 刚 硬 , 因 为 他 们 不 信 那 些 在 他 复 活 以 後 看 见 他 的 人 。

Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.

15 又 对 他 们 说 : 你 们 往 普 天 下 去 , 传 福 音 给 万 民 ( 万 民 : 原 文 是 凡 受 造 的 ) 听 。

Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.

16 而 受 洗 的 , 必 然 得 救 ; 不 信 的 , 必 被 定 罪 。

Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.

17 的 人 必 有 神 迹 随 着 他 们 , 就 是 奉 我 的 名 赶 鬼 ; 说 新 方 言 ;

Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,

18 能 拿 蛇 ; 若 喝 了 甚 麽 毒 物 , 也 必 不 受 害 ; 手 按 病 人 , 病 人 就 必 好 了 。

abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan. Ciise Kor Buu U Baxay

19 耶 稣 和 他 们 说 完 了 话 , 後 来 被 接 到 天 上 , 坐 在 神 的 右 边 。

Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.

20 徒 出 去 , 到 处 宣 传 福 音 。 主 和 他 们 同 工 , 用 神 迹 随 着 , 证 实 所 传 的 道 。 阿 们 !

Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.